Search This Blog

Thursday, August 21, 2008

Prof Geedi ma hilmaamin Moqdisho, Halyeey Soomaaliyeed


Tan iyo markii ey burburtay dowladdii dhexe ee Somaliya sanadii 1991 ayaa waxaa soo wajahay dalka Somaliya mudo 16-sano siyaasad qalafsan oo ey hogaanka u hayeen dad qaran diid ah kuwasoo u horseeday shacabka Somaliyeed burbur, dowlad la`aan, nidaam darro, fowdo aan dhamaad la heyn iyo qaranimo luntay.


Hadaba mudadan lix iyo tobanka sano ayaa waxaa dhacday in ninba ninka uu ka awooda roon yahay ku tunto, wax ala wixii ka hor yimaadana xalaal iyo xaaraana afka u dhigto taasoo caado la noqotay qolyaha qaran diidka ah ee xaaraanta ku haystay shacabka Somaliyeed amaba u xayirnaayeen mudada lix iyo tobanka sano.

Si kastaba ha ahaatee qolyahan ayaa ku heshiiyay majaxaabinta iyo burburinta dowlad kasta oo lasoo dhiso maadaama eysan iyaga wax dan ah ugu jrin, taasna waxaa cadeyn kuugu filan oo kaliya oo ey burburiyeen dowladdii Cali Mahdi iyo tii C/qaasin Salaad, waxaa intaas dheer in dadaal kasta oo xalka Somaliya lagu raadinayo ey hor istaagayeen qolyahan.

Qolyahan qarandiidka ah ayaa waxa ey ka kooban yihiin Ganacsato xaaraan iyo dhiigga shacabka ku taajiray, kuwa ku qaraabta diinta iyo kuwo iyagu haysta hanti eysan laheyn ama dagan sida quryo eynan laheyn oo kuligood hadii ey dolwladi timaado xisaabtu iyagu ku horeyn doonto.

Lix iyo toban sano ka dib marki ey lacageysteen oo ey hub fiican iyo awood yeesheen eyey waxa ey ogaadeen qolyahan in shacabkii Somaliyeed ey hurdada ka keceen oo ey dadnta ku qasabtay qolyahan in ey badalaan majaxaabinta qaawan oo ey ku hayaan dowlad kasta oo lasoo dhiso, waxa eyna badaleen siyaasadooda.

Sanadii 2004 ayaa waxaa lagu soo dhisay dalka Kenya dowladda federlka waxa eyna eheyd sida la sheegay dowladii 14-aad ee Somaliya loo soo dhiso mudadii 16-sano, waxaana sidoo kale dhacday in qolyahan ku sugaan dowladda federalka caasimadda si ey hadana u majaxaabiyaan sidii ey kuu horaba u galeen oo ey u shaqeyn waayeen daraadood.

Qolyahan oo ahaa kuwii qaska, dilalka, isbarooyinka iyo fowdada ka waday K/Somaliya ayaa abaabulay dhisidda urur ama dalad ey ku gabadaan iyagoo isla markaana isticmaalaya magac diineed sida Maxkamado Midoobay, al-shabaab iyo wax la mid ah markii ey dowladdu sheekaada ku fahantay oo ey ogaatay in ey Muqdisho ku sugayaan qolyaha qaran diidka, waxaana dhisidda urarkan uu kusoo beegmay xilli dowladda federalka ka caga jiideysay usoo guuridda caasimadda.

Wax la joogaba oo ey dowladuna diidan tahay in ey caasimadda timaado ayaa waxaa dhacday in qolyahay ey sameystaan ururkii Maxkamadaha Islaamka oo runtii ahaa shaar ey kusoo hanan karaan taageerada iyo quluubta shacabka, laakiin nasiib darro waxaa shacabka ka hoos baxday oo ey iloobeen in ey dib u raacaan taariikhda shakhsiyaadka ka danbeeya daladda Mixodga Maxkamadaha.

Waxaa xusid mudan oo in la is xusuusiyo u baahan in ku dhaqanka shareecada iyo Maxkamad Islaami ah ey bilowdeen ka hor inta eynan qolyaha qaran diidka ah eysan xadin naqshadda, iyadoo Maxkamadii ugu horeysay oo shareecada sida saxa ah ugu dhaqanta ka hirgahsy carada ey dagaan beelweynta abgaa ee markaas xudun u eheyd degmada Kaaraan oo uu joogay Sheekh Cali Dheere oo isagu ah nin aas-aasay magaca Maxkamad Islaami sanadii 1996 si ey dadka ugu kala badbaadaan.

Hadaba hogaankii Sheekh Cali Dheere ee Maxkamadaha Islaamka saxda ah ma uusan noqon mid nagaada waxaana sabab u haa burburkeeda oo ka danbeeyay qolyaha qaran diidka ah oo aanu soo sheegnay kuwaasoo sabab uga dhigay burburka ey u geysteen Maxkamadaha Sheekh Cali Dheere mid hor istaagay howlohooda dhiig jaqidda shacabka.

Hadaan dib ugu laabano dhinaca dowladda federalka iyo qolyaha qarandiidka ag ayaa waxaa dhacday si eysan u dhicin majaxaabintaas waxa ey dowladdu doorbiday in ey kusii shaqeyso magaalooyin kale sida magaalada Jowhar iyo Baydhabo, waxaana qolooyinka qaran diidka ahi iyana bilaabeen in ey badalaan naqshadda oo ey dib usoo nooleeyaan Maxkamado Islaami ah oo ey runtii u arkeen dhinaca kaliya ee laga mari karo shacabka oo ah dad aad ugu nugul dhinaca diinta isla markaana dhibaatada ka saara.

Heshiiska ey gaareen qolyaha qaran diidka ah oo isugu jiray Ganacsato qaarkood dakado xaaraan ku haystay sida dekedda Ceelmacaan, wiilal yar-yar oo isugu yeeray wadaado la baxay Al-shabaab oo aan ognahay runtii heerka ey diinta ka gaarsiisan yihiin eyna aad u liidato, siyaasiyiin qaarkood madax kasoo noqday dalka laakiin u socon weysay balse beel ahaan ku bohoobay iyo kooxo iyagu haysta hantida qaranka kana beecmushtara ayaa waxa uu ahaa in si ey u majaxaabiyaan dowladda federalaka ey qaska ka daayaan caasimadda maleshiyaadka iyo hubkoodu isu geeyaan dabadeed dagaal ku qaadaan qaarka diidan qorshohooda oo ey ka sifeeyaan magaalada.

Sidi ey qorsheysteen ayaa dhacday waxa eyna magaalada ka saareen intii aanan ku fikirka eheyn, marki ey magaalada isugu soo hareen intii isku qorshaha eheyd waxa eyna joojiyeen isbaarooyinkii, boobkii iyo falalkii amni xumada oo ey ku hayeen caasimadda sidaasna ey ku marin habaabiyeen shacabka reer Muqdisho dabadeedna ku hanteen taageerada inta wax saas ah aan garan iyo dabcan taageerada beelaha ey kasoo jeedaan.

Hadaba geesiyaasha ey taariikhda xusi doonto sida madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra`iisal wasaare Cali Geedi ayaa ka dhiidhiyay una adkeysan waayay dhibaatada ey shacabkoodu mudada lix iyo tobanka sano, waxeyna geed gaaban iyo mid dheerna u fuuleen in ey ka saaraan qaxarka shacabka waxa eyna badalkeeda ka heleen qolooyinka qaran diidka isku day dil oo labaduba lala beegsaday falal argagixisnimo oo loo adeegsay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa si looga taqluuso iyaga loona waayo wax ka hadlaya soo celinta qaranka iyo nidaam dowlad.

Waxaa dhacday iyadoo sheekadu sidaas tahay eyna dowladdu ka fadhiyi la`dahay magaaladi ey joogtay ee Baydhabo iyagoo kaa shanaya hub iyo ciidamo ajaanib ah oo ka kala yimid Eritrea iyo wadamo carbeed in ey ku weeraraan dowladda Baydhabo oo ey dowladuna ka fursan weysay in ey u yeerato ciidami Itobian ah maadama uu halis galay amnigooda, iyo xukuumadda Itobia oo iyana ey ugu hanjabeen qolyahan qaran diidka ah in ry ku weerarayaan xaruntooda Addis Abeba oo ah caasimadda dalka Itobia.

Hadaba ma ogtahay sababta loo ugaarsanayo ra`iisal wasaare Cali Geedi iyo cida Ugaarsaneysa?

Sheekada Prof. Cali Maxamed Geedi iyo cida ka danbeysa falalka isku dayga dilkiisa ayaa ah mid iska cad oo ey maleegaan qolyaha qaran diidka oo u badan hal beel oo iyagu sheegay in dowlad eynan iyaga hogaanka u haynin eysan ka shaqeyn doonin dalka Somaliya, waxaana ogsoonahay in ey dhow jeer dalbadeen qolyahan in jagada ra`iisal wasaare Geedi iyaga lagu badalo marki ey u shaqeyn waayay shaarkii "Maxkamadaha Islaamka".

Waxaa kaloo jirta in qolyahan eysan marnaba raali ka eheyn in nin kasoo jeeda beesha Abgaal oo meel sare gaara ama qabta jago sare haduusan aheyn mid ey iygu kuu soo doorin sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo kuwa la mid ah, waana caado lagu yaqaan in ey caayaan ama gaaleysiiyaan nin aan iyaga kasoo jeedin ama kuu soo doorin.

Waxaa kaloo jirta in mooshinkii hada ka hor lasoo hor dhigay barlamaanka ee jagada looga qaadi lahaa Prof. Geedi ey qolyahan ka danbeeyeen si marki la rido isaga ey iyaga ula wareegaan jagadaas oo ey ku sheegeen haduuba nin Hawiye qabanayo jagadan sare uu iyaga noqdaa eysan eheyn wax soconeynin.

Waagii dowladii Cali Mahdi waxa lagu eedeeyey in uu Daarood dabada ka wado, tan hadeer ee Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa markii albaab walba isa soo xiray ey ku eedeynayaan qolyahan in uu daarood iyo Itobian iswata dhulkii hawiyaha soo galiyay sidaas darteedna uu lafihiisa ku qamaarayo.

Hadaba dowladda PROF CALI GEEDI waa mid taariikhda xusi doonta oo dowlad la`aanta iyo qaxarka ka saarta Somaliya, waxaana leenahay Geedi iyo xukuumadiisa dabcan soo celinta qaranimo luntay mudo 16-sano ka hor ma sahlana sababtoo ah waxaad cunaha qabaneysaan dad ama kooxo miciyo ka taagtay shacabka jaqayana dhiigooda 16-sano, marka u dulqaata khatar kasta oo idin soo wajahda maadaama ey gabaabsi tahay hadeer.

Mas markii madaxa laga dilo qaarka danbe ayaa nuux-nuuxsada, taasoo micneheedu tahay in qolyaha qaran diidka ey gabaabsi yihiin, idinkana aad sharaf iyo sumcad ku yeelan doontaan shacabka Somaliyeed iyo taariikhdiisa.
Mohamed Deeq Xaaji.
Banaadirpost
banaadirpost@gmail.com