Search This Blog

Thursday, August 21, 2008

Mustaqbalkii Kubadda kolayga Soomaaliya xidigaha Minassota MPLS oo cashar siiyay kooxda London



Xidigaha kooxda kubadda koleyga Soomaalida Minassota MPLS ( USA) ayaa ciyaar aad u xiisa badnayd kala hor yimid kooxda kubadda koleyga London shalayto garoonka London City Acadamy oo ku yaal galbeedka magaalada London xaafada Herlesden, koobka Somali Basketball Tournament Week London 2008.

Ciyaartaan oo ahayd mid ay sugayaan dadka intiisa badan, ayaa hadana garoonka meel laga fariisto ma lahayn intii aysanba bilaabanin ciyaarta, taas oo aad ka garan karto in xiisa gaar ah ay u lahayd daawashadeeda dadwaynaha Soomaaliyeed ee u soo daawasho tagi jirey tartamadaan ka socda Galbeedka magaalada London.

Kooxda kubadda koleyga Minassota ayaa ah koox diyaar garoow adag u soo gashay tartankaan ka socda magaalada London, markaa eegto sida ay ugu diyaarsan yihiin xag walbo, hadii ay ahaan lahayd ciyaartooydooda, maamulkooda iyo isku xirnaanta ku muuqato iyo aqlaaqdaba.

Kooxdatan ayaa soo jiidatey taageerayaal badan oo markii hore is lahaa toloow kooxdee taageeri doontaa?, kadib markii ay soo bandhigeen 3-dii ciyaar ee hore ciyaar aad farsamadeeda u sareyso dadwaynaha ay u boogeen.

Kooxda London ayaa iyana ku biloowday koobkan dardar iyo guulo is daba joog ah, taas oo dad badani ay saadalinayeen in ciyaarta kooxaha London iyo Minassota ay dhaxmari doonto ciyaar aad u wanaagsan.

Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa moodaa inay ku soo balameen ciyaartaan, qaar badan ayaa fasax u soo qaatey inay daawadan galabta ciyaarta si aysan uga baaqanin.

Soomaalidu hadal waa soo koobtey oo waxayna yiraahdeen ‘’fardo lays ku haayo maxaa layskuga/ layskaga faanin’’

MINASSOTA V LONDON

Ciyaartiina waxay bilaabatey saacadu markii ahayd 19:30 fiidnimo saacada London,ciyaartana markaan waxaa dhax dhaxaadinayey garsoorayaal ajanabi ah oo aqoon iyo feejignaan u leh qabashada tartankaan oo kale, si aysanba u dhicin marmarsiinyo ama garsooraha la jirey koox heblaayo.

Kooxda Minassota ayaa ku biloowday dardar iyo weerar degdeg ah, kadib markii ciyaaryahanka qaranka Soomaaliya u soo dheelay ciyaarihii Morroco dhamaadkii June 08, sitana Numberka 18 Ahmed uu shabaqa kooxda London ku hubsaday si xirfadaysan ilaa 4(3 point), taas oo garoonka dhan ruxday qaylo iyo sawaxan, kooxda London ayaa waxaa ku dhacay inay is waayan koox ahaan, hasayeeshe kabtanka kooxda London ciyaaryahanka sita numberka 12-aad ayaa isla markiiba dalbaday Time out ( Ciyaarta in loo hakiyo) si uu kooxdiisa u dajiyo talooyina u soo qaatan madaama dharbaaxooyin lagu boobsiiyay.

Kooxda kubadda koleyga Minassota Mpls ( USA), waxaa macalimiin u ah isla markaana gacanta ku haya macalimiin qibrad isboorti iyo waayo aragnimo u leh sida loo diyaariyo kooxaha kubadda koleyga da’yarta, kuwaas oo iyagaba laftooda soo ahaa xidigihii xulka Qaranka Soomaaliya ka hor burburkii dalkeena Soomaaliya 1991:

Macalin Ahmed Dahir, Macalin AbdulQadir Haji Dahir’’Shiikha’’, Macalin AbdulKadir Madaxeey, Macalin Idiris Sulayman, waxaana kale oo la socday kooxdan oo garab taagnaa Xidigii kooxda Jeenyo iyo Qaranka Soomaaliya Abdi Xalwo, Macalin Giftin, Saleban Salay, Liiban Dahir, Sicid Dhere iyo Bashir Doob.

Ciyaartii ayaa dib u bilaabatey dadwaynihiina kuligood waxay si xamaasad leh ugu kala qaybsameen ciyaarta madaama ciyaarta ay isku badashay mid kulul, qaar badan oo markii hore u sacabatumaayey kooxda Minassota oo lahaa USA, USA, USA markii ay goalasha ka dhalinayeen dhigooda Kooxda London ayaa waxaa i ag taagnaa macalin John intuu qoslay ayuu i yiri Soomaalidan hada USA USA ku haya hadhoow USA ha dhacdo ayay oranayaan hadii ay banaanka garoonka uga baxaan, taas oo ula jeeday qalbi xaarnaanta Soomaalida, ana waxaan ugu jawaabay hadii Amerikaanka madaxdooda arki lahaayeen dhalinyaradan Soomaaliyeed ee magacooda sare u qaaday way ku soo dhawayn lahaayeen magaalada Minassota hadii ay ku laabtan iyagoo koobka sita cajalada maanta la tuso, waayo waa fariin wanaagsan oo muujinaysa in cayaaraha dadka isku soo dhaweynayaan kala fikirka ah.

Ciyaartii ayaa is badashay kadib markii kooxda London ay dib isku soo abaabuleen, dadkii garoonka joogayna way kala qaybsameen madaama lagu ciyaarayey magaaladooda London qaar baa dhiiga ku korey bilaabayna inay durbaano u tumaan kooxda London si ay niyada ugu dhisaan, halka taageerayaashi jeclaystey ciyaar wanaaga iyo aqlaaqada kooxda Minassota ayaa sii laba laabeen taageeradii ay taageerayeen kooxda Mustaqbalka, inkastoo maamulka garoonka uu adkeeyay nabadgalyada kadib markii sawaxankii iyo qayladii garoonka ay badatey, balse asluub wanaag ayay muujiyeen dadkii tirada badnaa ee ka soo qayb galay ciyaarta ee lahaa rag iyo haween, caruur iyo ciroole.

Qaybtii labaad ciyaarta ayaa si wanaagsan looga tagey kooxda London oo aad moodo inysan lahayn wax maamul hogaamiya ama saxa, madaama kabtanka kooxda Abdull Mohamud Afrax uu qayb ka ahaa ciyaartooyda garoonka ku jirtey ee baratamaysay, halka macalimiinta tayada leh kooxda Minassota ay ka muuqatey deganaan iyo isku kalsoonaan aad u sareysa, taas oo u saamaxday inay kooxda kubadda koleyga Minassota MPLS(USA) guusha ku raacdo 100 dhibcood halka kooxda London ay dhaliyeen 61 dhibcood oo qura, iyagoo xaafadooda jooga taas oo aad ka garan karto farqiga u dhaxeeyay labada kooxood, hadii ay ahaan lahayd xaga maamulka iyo isku xirnaanta ciyaartooydaba.

Macalinka kooxda Ahmed Dahir xidigii Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed ama ENC ayaan waxaan su’aalay waxa uu caawa dareemayo madaama aysan jirin cid koobka ka xigta kooxdooda , waxana u yiri run ahaantii anaga halakan waxaan u nimid inaa koobka qaadno dadwaynaha tusno ciyaar wanaagsan, kooxdatan tababar dheer ayaan soo galinay aniga iyo saaxiibadayda kale ee caawa garoonka jooga, sharaf bayna noo tahay inaan aragno dhalinyaradan oo qaarkood jiraan 14 sano inay ku guulaystaan koobkan .

Mohamed Buuwe marti sooraha kowaad bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada London ahna taageera isboorti iyo Alfanaan Abti ayaa heeso Soomaali ah ugu luuqeenayay dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaaraha iyo ciyaartooydii kooxda Minassota, iyadoo garoonka uu hal mar isku badalay meel ay si weyn ugu caweeynayaan saqiir ilaa kabiir, iyadoo oo qof walba oo joogay habeenkaas garoonka uu dib u jaleecsaday garoonkii Luujino ee ku yaalay xaafada Abdi Azix ee magaalada Muqadisho iyo barisamaadkii dalkeena oo nabad ahaa.

Gabagagabadiina waxaa garoonka dhaxdiisa la isaga qaaday sawiro xasuusa ah dhamaan dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaarta iyagoo wajiyadooda ka muuqato farxad iyo is jacayl ayay u kala dareeren xaafadaha ay ka kala yimaadeen London iyo nawaaxigeeda.

Hadaba warbixinta dheer ee aan ka soo qorey ciyaartan oo run ahaantii ah mid dhab ah, waxaan umadda Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in mustaqbalkii kubadda koleyga Soomaaliya ama ka matali lahaa dalkeena garoomada caalamiga in ay ku guulaysteen koobkii Somali Basketbal Tournament Week London 2008.

Kooxda kubadda koleyga Minassota MPLS(USA)
5. SHARMAKE KHALIF 9. AHMED NUR
6. YASIN JAMA 10. KHALID HUSSEIN
8. ABDULAHI DALMAR 11. DA’UD MOHAMED
15. ABDULKARIM DALMAR
17. GULED ABDIRAHMAN(AMAAN)
18. AHMED ELMI

W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com

London...England.

Banaadirpost.
banaadirpost@gmail.com