Search This Blog

Saturday, June 28, 2008

Dowladda federalka oo jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray AL-QAACIDA




Afhayeenkan oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-liibi, ayaa hadalkaasi ku sheegay Cajallad codeed la soo dhigay barta Internet-ka ee Al-qaacida leedahay, wuxuuna sheegay inaan la aqoonsan doonin Heshiiskii Nabadda ee ay DFKMGS iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia ay bishan June 9-dii ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti.


Abuu Yaxya Al-liibi, waxa uu farriintiisa kula hadlay Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda DFKMGS iyo Ciiddamadda Ethiopianka inay sii kordhiyaan dagaalkooda, isla markaana aanay aqoonsanin Natiijadda Heshiiskii Jabuuti.


Haddaba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFKMGS, Cali Jaamac Axmed, ayaa si kulul u naqdiyey baaqii Mas\'uulkaasi ka tirsan Ururka Al-qaacida, wuxuuna sheegay inuu hadalkaasi muujinayo sida ay Al-qaacida uga soo horjeedo Heshiiska Nabada ee ay DFKMGS iyo Isbahaysiga ARS gaareen, kaasi oo ay QM ka soo shaqeysay.

Wasiirka oo haatan booqasho ku jooga dalka Masar, waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan xubno taabacsan Ururka Al-qaacida oo ku sugan yihiin gudaha daka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna tilmaamay inay Canaasiirtaasi mas'uul ka yihiin qalalaasaha iyo colaadaha ka aloosan dalka Somalia.


Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu tilmaamay inay Kooxaha taabacsan Al-qaacida carqalladayn joogto ah ku hayaan isku-day kasta oo ay Beesha Caalamka ku doonayaan sidii lagu xaqiijin lahaa Ammaanka iyo Nabadda dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ku tilmaamay Kooxdaasi kuwo aan kheyr la doonaynin Somalia.
Banaadir Post
Brusels,