Search This Blog

Tuesday, January 19, 2010

Dagaalo Khasaare Nafeed gaystay oo Kooxo burcad Badeed ah ku dhexmaray Xalay Magaalada Xarar dheere


Waxaa saaka yara degan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug halkaasoo shalay galab ilaa xalay dagaalo ku dhexmarayeen koooxo ka wada tirsan burcad badeeda Soomaaliyeed kuwaasoo isku haysta wali isku haya arimo la xiriria madax furashadii badneyd ee markabka Giriiga laga qaaday.


Dagaalo shalay galab ilaa xalay ku dhaxmarayay Degmada Xarar dheere kooxahaani burcad badeeda ah oo aad u hubeysan ayaa gaystay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray.


Sida dadka Xarar dheere sheegeen ilaa 4 qofood oo qof dumar ahi ku jiro ayaa ku geeriyooday dagaalka kuwo intaasi ka sii badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray,markii kooxaaasi isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Kooxahaani oo ku dagaalamayay gawaarida dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada ayaa Saaka isku horfadhiya bartamaha Magaalada gaar ahaan halki dagaaladu ka dheceen waxaana socda isku dayo dadka deegaanku ku doonayaan in xiisada gacan hadalka loo badalo af-kahadal .

Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo xeeb oo sheegta inuu meelahasii maamulo ayaa saxaafada u sheegay inay saaka ciidamo kala dhex dhigi doonaan labada kooxood ee isku haya magaalada Xarar dheere ee Gobolka Mudug.

allburtinle.com