Search This Blog

Tuesday, May 26, 2009

Maxamed Dheere "Hadii run la sheegayo maa Xabada loo wado Madaxtooyada, Maxaa dagaalka uga socdaa Yaaqshiid iyo Kaaraan"

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ugu baaqay Beesha Mudullood inay u istaagaan difaacida Dowladda KMG, isagoona cadeeyay in dadka Gobolka Banaadir looga soo duulay Gobole kale.

Maxamed Dheere oo shalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Beesha Mudullood, kaas oo ahaa wada tashi iyo is cafin dhex maray Xubnaha Mudullood ee isugu jira siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Xildhibaanada Dowladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isku duubnaado oo ay Beesha go'aan mideysan qaadato.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad u istaagtaan difaacida Dowladda Federaalka oo dad gobolo kale ka yimid oo fidno wada ay doonayaan inay dhibaato u safriyaan dadka Gobolka Banaadir dega

"ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in hadii loo baahdo uu diyaar u yahay inuu sameeyo wax ka badan wixii uu awoodo sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Dheere waxaa uu si gaar ah uga hadlay duulaan uu ku sheegay in lagu yahay deegaanada Beesha Mudullood, isagoona si gaar ah u soo qaatay dagaaladii ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho wuxuuna ugu baaqay in wiil iyo gabarba loo istaago sidii la isaga difaaci lahaa kooxo uu ku tilmaamay inay magaca diinta ku gambanayaan oo magacyo kala duwan la baxay.

"Hadii Dowladda lala dirirsan yahay maa xabada loo wado dhanka Madaxtooyada, maxaa Kaaraan iyo Yaaqshiid uga socdaa, waxaan leeyahay waa dano kale oo aan fahmi karno oo ah barakac lala damacsan yahay beesha Mudullood in caruurtooda iyo haweenkooda la laayo"ayuu si kulul u yiri Maxamed Dheere.

Kulan shalay ay u dhamaayeen Beesha Mudullood, isla markaana ay ka qeyb galeen waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin ayaa si buuxda lagu taageeray midnimada beesha iyo in beesha ay mar walba wada tashato, isla markaana iska difaacdo duulaan kasta oo lagu soo yahay sida ay yiraahdeen deegaanada Beesha degto.


Mohamed ayaa muuqda nin ka guuleystey beeshiisa Mudolood oo difaaci waayay hada ka hor laba mar uu baahdey iney u istaagaan, ka dhiidhiyaan in dhib ama xarig loo gaysto halyaay Mohamed Dheere.

Basnaadirf Post
Moqdisho