Search This Blog

Tuesday, February 3, 2009

Banaanbax looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo magaalada Baydhabo

Banaanbaxyo looga horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ka dhaceen Degmada Marka iyo Deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo banaanbaxaas ay ka qeybgalay dad la soo dirqiyay oo aan raali ahayn.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo agaasimay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gacanta ku haya Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna dadka ka qeybgalay ay isugu jireen kuwo la dhacsanaa banaanbaxa iyo kuwo lagu amray in ay bannaanbaxa ka qeybgalaan.

Culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxa ka dhacay Magaalada Marka ayaa sheegeen in ay ka soo horjeedaan Dowladda lagu soo dhisay Jibouti, waxayna sheegeen in aaney aqbali karin in dalka Soomaaliya ay ka taliso dowlad sida ay yiraahdeen aan dadka iyo dalka ku dhaqeynin Shareecada Islaamka.

Banaanbaxa ka dhacay Degmada Marka ayaa intii uu socday waxaa dhacday in ay qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayay ay ku dhawaaqeen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo kadibna dadkii hal-ku-dhigyadaas ku dhawaaqay la kala eryay.

Banaanbaxa ka dhacay Deegaanka Aw-dheegle ayaa isna wuxuu ahaa mid ay dadka ku kala qeybsanaayeen, waxaana jiray dad si qasab ah banaanbaxa looga qeybgeliyay, kuwaasi oo sida muuqtaa aan rabin in ay ka qeybgalaan banaanbaxaas.
Degmooyin kale oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iyana waxaa laga soo sheegayaa in xoogagga gacanta ku haya oo hoos-taga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay dhigaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.


Shalay ayay ahayd markii banaanbax looga soo horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada Baydhabo oo dhawaan gacan-ku-heynteeda ay la wareegeen xoogagga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxaas ay sheegeen in aan dalka Soomaaliya lagu xukumi karin wax aan ahayn Shareecada Islaamka.

Dadweyne ka kala yimid afarta xaafadood ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Magaaladaas, iyagoo banaanbaxoodana uga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dadka isu soo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, waxayna socod dheer kadib ay isugu soo uruureen garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo.
Dadkii banaanbaxa isugu yimid waxaa la hadlay culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Ibraahim Aadan iyo Shiikh Shariif Shiikh Xuseen, waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan dowladda lagu soo dhisay Jibuuti.

Shiikh Ibraahim Aadan ayaa sheegay in waxyaabaha ay uga soo horjeedaan dowladda cusub ay tahay iyadoo lagu soo dhisay qaab cadaalad darro ah oo 4.5 ah, isla markaana ku dhaqmeyso dastuur ay dad bani’aadam ah dejiyeen.

Shiikh Ibraahim Aadan waxaa uu intaas ku daray in aaney dadka Soomaaliyeed aqbali doonin wax aan ahayn ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ciddii ula timaada wax aan ahayn shareecada Islaamka ay ka hor-tegi doonaan.

Banaanbaxan looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya ay ka dhacayeen dibadbaxyo lagu taageerayay dowladda cusub.

Waxaan sugeynaa meesha oo ka bilaabo howshan loo dhiibey.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com