Search This Blog

Sunday, September 13, 2009

Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan oo toogasho ku dilay tiro Geel ah


Ciidamada Amisom ee ku sugan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa toogtay tiro geel ah oo marayay meel u dhow garoonka Diyaaradaha.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay rasaas tiro badan ku fureen Geelaas iyadoo sababta ay rasaasta ugu fureenna lagu sheegay in ay ka shakiyeen in loogu soo dhex dhuunto Geela, kaddibna waxyeello la gaarsiiyo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Geelaas dhameeyay ay yihiin kuwo cusub oo dhawaan lagu soo bedelay ciidamadii Uganda horay uga joogay Magaalada Muqdisho.

Waxaa haatan socda wada hadallo seddex geesood ah oo u dhaxeeya Saraakiil ka socota Ciidamada Amisom, Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatadii lahayd Geelahas. Geela la dhameeyay ayaa wuxuu ka mid ahaa midka ganacsi ahaanta loo keeno Magaalada Muqdisho ee lagu gowraco Kawaannada, kaddibna ay hilibkiisa dadka ka manaafacaadsadaan.

Ciidamada Uganda ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo cusub oo gaaraya ilaa seddex battalion, waxayna bedeleen seddex battalion oo horay u joogay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhawaan dib loogu celiyay Dalka Uganda.

Sidaas darteedna Ciidamadii horay u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwo kala bartay dadka iyo weliba xaaladda magaalada Muqdisho, halka kuwan cusub ay yihiin kuwo aan weli kala baran Muqdisho iyo Xaaladaheeda.