Search This Blog

Sunday, September 13, 2009

Ismaandhaafaan Ka Dhex Alloosan Madaxweynaha Dawlada Midnimo Qaran Iyo Ra’iisal Wasaarihiisa



waxaa la xaqiijinayaa inay soo ifbaxeen ismaandhaaf soo kala dhex galay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’isal wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaanu ismaandhaafkoodani salka ku hayaa qodobo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ay dhawaan dawlada midnimo qaran iyo maamulka Puntland ay ku kala saxeexdeen magaalada Gaalkacayo.



Ismaandhaafkani wuxuu mar keliya soo shaac baxay markii ay uu sheekh Shariif heshiis dhinaca la dagaalanka budhcad badeedka la soo galay dawlada Jabuuti oo iyada uu damac weyni ka galay mashruucaasi.


Waxaana ismaandhaafkan si weyn lug ugu leh wasiirka maalliyada ee dawlada sheekh shariif iyo Prof. C/raxmaan xaaji aadan Ibbi oo isna ah R/wasaare ku xigeen,oo iyagu ah shakhsiyaad si gaar ah uga soo horjeeda heshiiskii Gaalkacayo.


Sida lagu soo waramayo wuxuu murankani maraya meel aad u xaasaasi ah, oo uu mid waliba ku adkaysanayo inay tiisu meel marto, balse kooxaha la safan sheekh shariif waxaanay soo bandhigeen qorshe ah in dibada loo tuuro Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, si markaasi uu ugu meel maro heshiiskii gacan dhaafka ahaa ee dawlada Ismaaciil Cumar Geelle uu la soo galay Sheekh shariif.