Search This Blog

Sunday, September 13, 2009

Aktarada Caanka ah ee Angelina Jolie oo booqatay xerada qaxootiga soomalida ee Dhadhaab (Daawo Sawirada


Aktarada caanka ah ee Angelina Jolie ayaa maanta booqatay xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee dhadhaab ee dalka Kenya halkaasoo ay ku jiraan qaxooti soomaaliyeed oo aad u tiro badan kuwasoo ka soo barakacay gudaha dalka Soomaliya intii ay socdeen dagaaladii mudada 2ka sanno aheyd.


Angelina Jolie oo wakiil u ah hay'ada qaxootiga ee qaramada midoobay UNHCR ayaa waxa ay u kuur galeysay xaalada nolosha qaxootiga soomaliyeed ee halkaasi ku nool siiba caruurta iyo haweenka kuwasoo ay ka muuqdeen diif aad u daran.

Iyadoo hadleysay intii ay joogtay xerada qaxootiga ee dhadhaab ayaa waxa ay tiri Angelina Jolie " hadii sidaan ay xal u tahay dadkaan dhibaateysan ka warama sidee bey yihiin xaalka dadka ku haray soomaliya ee dagaalada ku dhex jira" waxaana ay tilmaantay in waxa ay haatan filan karto ay tahay in xaalka uu ka sii darro madaama dagaaladu ay weli socdaan.

Xerada dhadhaab oo markeedii hore loo sameeyay inay ku xeroon karaa ilaa sagaashan kun oo ruux (90,00) ayaa haatan waxaa ku jira labo boqol sideetan iyo shan kun oo ruux (285,000) iyadoo weliba sida UNHCR ay sheegtay ay bil walba soo gaaran tiro kumanaan ah taasoo xaalada ka sii dari karta.

Waxa ay sidoo kale Angelina Jolie ka deyrisay xaalada nolosha dadka qaxootiga oo ay sheegtay in suuliyadii ay noqdeen kuwa buux dhaafay oo meelaha ay wasaqdu daadaneyso islamarkaana dadka qaarkiisa ay ku nool yihiin meelo qashinka lagu shubo tasoo ah xaalad bani'aadanimo oo aad u xun.

Angelina Jolie oo xogwareysaneysa caruurta soomalida ee ku nool xerada qaxootiga ee dhadhaab.

Angelina Jolie ayaa kualn ay la qaadatay wakiilak UNHCR ee dalka Kenya Liz Ahua markii booqahadeeda dhameysay ka dib ayaa waxa ay ka dalabtay in dowlada Kenya ay ka caawiso barnaamijoooda gar gaarka ah inay siiyaan dhul balaaran si loo sii balaariyo xerada dhabdhaab madaama dad kale la filan karo inay soo gaaran xerada islamarkaana dadku isku dul nool yahay.

Saed Mohamed Ali

saedmohamed1@hotmail.com