Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Maxeey taageeradu ugu nabaad-guureysa Aw Xasan Turki


Hassn Cabdullahi Fixiye "Turki" ayaa dhib aan nooluhu qiyaasi karin ku haya dadka Soomaliyeed ee ku nool Jubada Hosse iyo dhulalka ku dhow isaga oo fulinaya go'ano u gaar ah ee marnaba an daryeeleyn wadarta shacabka jubooyinka.



Sida ay hore u sheegeen odayaasha belaha Absame-Weyne oo ay si gaar uga dhex muuqdaan heybta Maxamed Subeer Turki maha mufti diimeed oo degaanka ugu cilmi badan dhinaca shareecada, maaha sidoo kaleh hogaan dhaqan ama loma aqoosana siyaasi la soo doortay, balse waxa dadka degaanka u dul saaray culeys badan oo ila hadda anay garan waxa ay u muteeysteen, sida xarig an muddo laheyn, dil an shareecada waafaqsaneyn iyo cabsi joogta ah oo dul saaran dad ay u heeysato dhibaato bani-adamnimo oo ay inta badan la wadaagaan wadarta soomalliyeed. Balse iyaga waxa dheer duli u saaray hal shaqsi.

Turki oo aha sarkaal miliatri ee mamulki M Siyaad Barre waxa u dhib ku haya dad u ku eedeynayo in ay yihiin Jabhada Xoreynta Ogaden (ONLF),



Turki waxa u hilmaamey inuu ka yimid degaanka dakan ee ogaadeeniya, wuxuna si fool xuma ah u dilay saraakiil ka tirsan ONLF oo lagu yaqaaney gumeeysi diid, wuxuna dilka sabab u uga dhigay "ninka waxan ku tuhmay inuu i raadinayo." Marki sa'ulo laga weydiiyayna dilkan micno la'anta ah waxa u sheegay Turki in ninka ONLF ee u dilay inuu aha nin Ugas Warfa oo isaga qaraabe yihiin oo an la weydiin Karin.

Bal waxa isweydiin mudan warfaanimadu ma waxa ay jideysay dil qof an wax danbi ah geeysan. Waxa la yaab leh halganka ONLF in xaaraan u ka noqdo Aw Turki,kan shisheeyuhana laga dhigi mid Islaami ah.

Sido kaleh laba nin oo magac ku leh beelahooda ayey sabab u noqotay gacanta dhiiga leh ee turki isla wakhtiga, kuwaas oo aan ka duwaneyn rag u dameer dilay. Allaha u naxariisto gacan ka gardaran ayaa dishay

1 Turki ma leha maxkamad degaanku isku raacsanyahay

2 Looma ogoolaan marxuumiinta in ay is difaacan ama ay racfaan qaataan,la mana wargalin eheladooda meesha iyo wakhtiga la xukumayo

3 Waxa la dhacay hantidi ay wateen marxuumiintu oo ay ku jiraan hugoodi.

4 Waxa loo diiday eheladi in la tuso xabaalihi marxuuminta u riday Turki.

"Intaaso tacadi waxa lagu geeystay magaca qabill iyo diin is huwan. Haddi u qiimeyn laha diinta u ku maxaafsanayo Turki dhiig dadka kuma degdegeen," sida waxa yiri nin sheekha oo magaciisa diiday inu bixiyo nabadgalyo awgeed anigoo kula kulmay Dhoobley.

Ina Fixiye, sida an u naqaano haddan nahay Bellah Absame, waxa u degaanka ka dhigay meel ay ku loolamaan dalal hub culus heysta iyo dagaalyahano ajnabi oo dhowr qof ah kuwaasi oo dalalkooda fakad ka ah. Maxey tahay sababta keeneysa in beelaha Absame ay siiyaan magangalyo dagaalyahano shisheeye?

Ma kalideen ayaan Muslim nahay oo dagaal Soomalli aanay nugula jirin ayaan galeeyna, ma leenahay awood military oo inta le’eg?

Haddise cududaasi jirto maxa maalin kasta beel cusub uga talineysa Juba hoose oo beesha Absamana marti uga tahay?

Jawaabahan waxaan ka sugaya kuwa indho la'anta kula socda aw Turki

Runti, Absame in raad aad u muuqdo iyo magac la taaban karo ku yeesho jubada hoose maamulkeeda waa sharci an la quudhsan karin, balse hadda nabad ayaan rabaa oo baaq colladeed ma wado balse waxa ila gashay xaqiiqo raadin an tusayo Ogaaden iyo Absame dhamaantood in Xassan meel aanu geeyneyn.

"Lix ama sideed dagaalyahano shisheeye waxba ma badali karan, sidoo kalena in shaqsi u wax loo qabto u diido dadka degaanka waa xaaraan sida ay qabto shareecada," Sheekh Axmed oo an kula kulmay Bilisqooqaani.

Xabadii la riday waxay dishay qof ama neef xoola ah oo degaanka laga lee yahay. Balse Turki waxa kala qiimo badan intaas oo dhan in shisheeyihiisu badbaadaan." Oday kale oo Sheekh Cabdi ku soo koobay magaciisa aya yiri

"Diinta aniga ayaa ka aqaan Sheekh Xassan , islamkuna fitnada waa reebay, laakin waxaba looma sheegi karo odaygan, waxa u muuqda nin nolasha ka quustay dad kalena an dan ka laheyn,subxaanalah," Sheekh Cabdi intaasi ayu ku daray isaga oo gariiraya,

Dhawaan kulan ay yeesheen xubno Somaali ah oo ku nool London kana soo jeeda jubooyinka aya sheegay in anay hay'adaha deeq bixiya an geeyn karin dhulka u joogo Turki ama kuwa u dhow iyaga oo tilmaamay in naftooda iyo maalkooda anay damanad nabadgalyo u heli karin.

Dadka kulanka ka qeyb galay aya dhamaantood magacooda qariyay iyaga oo ka cabsi qaba in eheladooda degaanka ku sugan Turki u xiro ama dilo.

Cabsi ay ku sugan yihiin dadka ku nool Jubooyinka maalin kasta oo ka mid ah ayaamaha Illahey u noolleeyay.

Hadda jubooyinka waxa ka socda wada tashi guud oo u dhaxeeya beeelaha Soomaaliyeed,

la soco qeybo kaleh, rayigiina diyaar ayan u ahay, qoraalkan waxan sameeyay 14 kormeer kadib

A Elmi

xaqdoon@live.co.uk