Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo W/Q: Cabda Cabdulaahi

Ku: Mujrimiinta Hooyooyinka laayay



Ujeedo: Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo



Hor Lihi Idinku Habsane



Runtii daran mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.



Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa?



War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane.



Waxaan idin leeyahay;







Damiir laawaha dagaal uun u taaganow



Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow



Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow



Miinada u duuga ee hooyadiis dilow



Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay



Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad



Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen.



Cabda12@hotmail.com