Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Nuur Cadow Aashaa Odagu kaa Awood badan

Markaad fiiriso Mowlaca Shiiq Muxudiin Celi, markaad fiiriso Madaxa odayasha Mudulood,markaad fiiriso Madaxtooyada Reer Mahad, markaad fiiriso Markada aan xorta aheyn, waxaa kusoo baxaaya sheeko siyaasadeed mugweyn leh tasoo Faalada Falaar.com ay kasoo faagidoonto hadba meeshey ugu gasho anagoo Farta Qalinka aanan kala cabsaneyn waxeyna arinku ku guntanaaneysa sadax Bilqan kuwaa oo kala ah Barasaab Bilqan,Barlamaan Bilqan,Banaankana Bilqan.

Nuur cade oo isagu ah raiisul wasaaraha DKMG ayaa ku yimid qaab magacaabisa ah isagoo siyaabo badan laga bixiyey qaab imaatinkiisii waxaase runta noqotay in uu yahay oday aanan in badan ka aqoon dhaqamada ina Yeey waxaana durba imaatinkiisii uu ka tagay Xaraf uu soo qortay Odaga C/laahi Yusuf tasoo u ah sal dhig buuqan dadweynaha iska dayee dabeyluhu warinayaan kasoo ah in wasiirka caafimaadka uu udhiibaa Wiilka abtiga u ah ee kasoo jeeda Jufada Reer Agoon ee dhashay C/laahi Yuusuf kasoo kayimid dalka Filand, wuxuuse ka doorbiday Korneyl Nuur Cade in uusan Magacaabin Siid Cumar, midaa C/laahi Yusuf waa ay ka careysiisay isagoo in badana kala showray Nuur Cade meel marinta Magacaabistaa waxeyna noqotay adaa yiree ma`anaa doortay.

C/laahi Yuusuf wixii markaa ka danbeeyey wuxuu dareemay in hugun sal balaaran leh ay kusoo wadaan Nuur cade iyo raga ku daaban kasoo ay kow ka yihiin Axmed C/salaanka aaminsan in Itoobiya iyo Ameerikaba aanan looga dhaweyn iyo Yuusuf Garaad oo isagu ku dhibciya tala iyo taageero Saxaafadeed iyadoo Madaxweynu bilaabay kala jarka iyo isku geynta Xisaabaha Afar Sadax waxaana jilibka laabay lataliya`yasha uu adeerka u yahay iyagoo is tusiyey in wadaantoodii warma loola yimid kadib shirkii kala firdhiyey Isbaheysiga ee jabuuti lagu qabtay shirkaa oo xuubka ka rogay in shukaanta gaariga Nuur cade is baraayo in uu isagu wadi karo.

Banaanka Bilqan.

Kadib arima huursanaa iyo kala shaki ku saabsan in ay naas nuujin heer sare ah ka helaan Axmed C/salaan raga ka taliya shabeelada hoose ee uu kow ka yahay Nuuriya Cali faarax kaaba Ciidankii Indha Cade ee marna isu badalay Shiiq Cimaamad Huwan marka Sarkaal Booliisa markii horana ahaa Mooryaan Magaladiisii kayimid ayaa banaanka is keenay kadib markii uu shanta farood ay ula tageen ciidankii Copy Axmaaro ee dhawaantan laga keenay Itoobiya kuwaa oo uu horboodaha ka yahay Daahir Maxamed Xirsi waxaana Warbaahinta isugu goodiyey Madaxda ay u af duuban yihiin Shacabka dulman ee Shabeelada Hoose iyo Daahir Maxamed Xirsi Afayeenka Copy Axmaaro waxaana markiiba kaarkii walaalaha Mudug ciyaaray C/laahi Yusuf isagoo si Wiifta ah Xilka looga qaaday Nuuriye Cali faarax iyo Rijaalka Madiidinta u ah ee Cali ganey iyadoo uu ku saxiixnaa xilka qadistaa C/di Qeybdiid, markaa kadib waxaana kitaarka garaacday ragii joogay Shabeelada Hoose iyagoo runta udhurtay tusayna Odagu in uusanba ka talin Gobolka Qaniga ku ah Beeraha wixii horey loogu jilaayeyna ay aheyd sidii aysan degaankaa uga bixi laheyn wiilasha galguduud iyagoo taa ufuulay geed dheer iskana ilaaliyey in aysan la mid noqon Cirfihii ka talin jiray Afgooye ee aqirkii ulaabtay Deegaankii uu udhashay kana noqday Gudoomiye Dagmada Dhuusa mareeb walo Alshabaab uu ushaqlan yahay ayna diidan yihiin Maamulkiisa.

Nuuriya cali faarax iyo saxiibkii waxaa ay si bareera udiideen amaradii uga yimid Qolada Kumeel gaarka ee dalka keentay Itoobiya iyagoo sheegay in ay udhasheen degaanka tasoo aad loola fajacay walibana si ay umuujiyaan in ay tageero heystaan isugu keenay xoogaa dad ah oo ay kasoo uruuriyeen magalada caasimada u ah Gobolka ee Marka waxeyna soo xirteen dharkii Ciidamada iyo Garaado iyagoo sheegay in ay is difaacayaan waxaana xaalkaa C/laahi Yusuf udiyaariyey tabo aan la ogeyn in uu ku guuleysandoono.

Barasaab Bilqan.

Markii uu dareemay Nuur Cade in Odagu usoofeysanayo Mindiyo Dhaadheer ayuu isku dayey in uu soo hormariyaa Qorshayaal uu horey uga dhawaajiyey ku xigeenkiisa ahna Gacantiisa midig Axmed C/salaan, waxaana xilkii si tuurya ah looga qaaday Maxamed Dheere oo la jaal ah Madaxweyne C/laahi Yusuf waxaana xalkii urogmay markan "imataqaanidee ibaro Adeer" iyadoo uu diiday in uu ansaxo xilka qaadistaa waliba si muujina wuxuu C/laahi Yusuf soo saaray laba wareegto waxana xaalka ogaaday intaan horey u ogeen iyadoo bahashu furka goosatay waxaana markiiba is casilaad ku seyray Raiisul wasaraha wasiiradiisii intii badneyd kuwaa oo horey jaal ula ahaa Madaxweynaha waxaana Madaxtooyada Reer Mahad laga dareemay shirar badan iyadoo Cofeegu noqday mid aan kala joogsan maskax kastana ay hindistaa sidii jilbaha loogu socodsiin lahaa Korneylka Booliska ah, waxaa kala furmay Muduloodkii tageersanaa Xukuumada Xabashida keentay iyadoo Gudoomiyaha dhaqanka Muduloodna iska daa taleefan loo diree Maxamed dheere shaqadiisii ka qabsaday kasoo gurigiisii laba habeen laga soo waayey waxaana laba ku heshiin weysay kulankii ay isgu yimaadeen Mudulood.

Mowlaca Shiiq Muxudiin celi laba inta isugu timid kuma abshireysan sidii awal looga bartay in Shar iyo Qeyr wixii jiraa lagu fataxa marto, waxaana ciyaarsiiska kasoo baxay Dhagaxtuur oo wayadan waday is muujin isagoo bulaacada aan jirin dhisidooda isku mashquulinayey kulana heshiiyey mid kamida idaacadaha Muqdisho in ay mashruucaa u buun buuniso waxaana dhagax tuur loo magacabay xilkii uu sugaayey anigoo ka hayaa mid kamida hogaamiya kooxeedyada ka baxsaday qoladan KMG in uu yiri "Dhagax tuur isagaa Fuuq bixidoona" tasoo uu iigu la macneeyey miinadan muqaawamada dhigtaa ee uu ka qaxay in aysan gafeyn,waxaa xaalkii barasaabka noqday ciyaar furan oo bilqan waxeyna Muqdisho wada martigalineysaa laba barasaab oo kala tunweyn iyadoo jufada Maxamed dheere ee Warsangali la ogyahay in ay tahay tan kaliya ee xiligan Hubeysan una badan in ay tageerto qorshaha Gumeysiga halka Jufada Agoon yare ee uu ka dhashay Dhagax tuur la ogyahay in ay Muqaawamo ku afar afareysatay waxeyna xaalkaa u muuqataa mid kaa gacan dheeri kusoo af xirmidoonta iyadoo Maxamed dheere Itoobiyaanka agtooda uu ka yahay sharfane dalkiisa shaah siistay aadna looga tixgaliyo.

Barlamaan Bilqan.

Xilibaanada keenay Xabashida ee fadhigooda yahay Magalada ay Kulaalaan xoogaga Xoreynta Dalka oo markey rabaana kushka inta uga soo baxa kabtey bilataa ku ciyaara Baydhaba bartankeeda ayaa waxaa ka bilowday sidii lagu yiqiin iyadoo ay shaqadooda qabsanayaan raga Odaga halkaa ujooga waxaana Baydhabo busaarada ka kiciyey Nuur cade hala ceebeeyo hana la tabco tabtii lagu diri lahaa iyadoo qaar aan waligood ka hadal wabaahinta iyo Barlamaan hadleen waxaana ka mid aheyd Nasra C/salaan C/di katun oo ay soo wakiisheen kooxda abaabulan ee ku wajahan Nuur cade waxeyna Nasra af adag ku sheegtay in Xukuumada loo qibleeyo Iilka iyadoo sacab fara kutiris dhaafay loogu dhuftay, waxaa Nuur cade ku bilowday dabridka Odaga tasoo wali ay uharsan tahay Darbada ween madama Odagu horey uu ugu soo aalamiinteeyey Cali Geedi.

Wuxuu Nuur Cade is tusiyey in waxa kaliya ee uu Odaga isaga celin karo ay tahay in uu yiraahdaa shirkii Jabuuti ayey halis galinayaan qolyaha dowladiisa eedeynaya isagoo kaarkaa siyaasadeed raacsaday in meesha laga dhaleeceyey ee Baydhabo uu ka abaabulaa in ay shir ku wada qabtaan laba wasiiradiisa ka mida kasoo mid kamida ahaa saxiibada koowaad ee ay lacagta Canshuurta kasoo gashaa ceyrin ku wada qeybsadaan C/laahi Yusuf kasoo ah Xaabsade wuxuuna dareemay C/laahi in halkaa dhibic bisil looga qaatay waxaana ku wehliyey shirkaa jaraaid ee lagu eedeeyey C/laahi Yusuf Mustafe dhuxulow oo kamida wasiirada Nuur cade.

Hadaba dagaalkan sadaxda Bilqan ah waxaad moodaa sidii lagu aqoon jiray ama looso joogay in uu Ilka ridan doono Bil iyo laba Bil kadib hadana uu maraayo marxalad bisleyn ah waxaana muuqata in Nuur cade uu is tusinayo in uu yahay kan bad baadiyey Suuqa Bakaraha tasoo Muqaamadu libintaa been ku tilmaantay hadana Nuur waxey ula muuqataa in Odaga uu ka guuleysan karo isagoo tageera ka helaaya Yurubta Midowday iyo qaar badan oo uu ku beer laxowsanayo in uu yahay shaqsigii suuragaliyey in uu Isbaheysiga Garabka Jabuuti kasoo dajiyaa jaran jaradii ay saar nayeen balse marka la eego Odaga waya aragnimada faala qoraha u leeyahay wuxuu xaqiijinayaa in xabashidu kaga dhow yahay cid kasta tasoo lagu ogaaday tijaabadeedii Cali geedi oo ay dad badan maleynayeen in C/laahi albaabka laga xiran doono waxaana fala qoruhu leeyahay mar hadii C/laahi Xabashidu heysto ninkii xabashi heystana Mareykan heysto Nuur cadow Aashaa Odagu kaa Axmaarsan

--------------------------------------------------------------------------------

Xafiiska Wararka
Arrow Online.com
falaar.com@hotmail.com