Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Ninkii waxa Xamar ka soconaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada

26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday dalkii Afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in arrinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan.

Kuwaas waxaa lagu qanciyey In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad waajibay". Raga xilgaas waxay hayeenba dhigay ee jahaadka Maraykanku homuudka ka ahaa u dareeray waxaa ka mid ahaa Sh. Cabdallah Cazaam alla ha u naxariistee oo ahaa falastiini ku noolaa Urdun iyo Osama Binladen hogaamiyaha kooxda al qaacida ee xiligan.

Jabhadiihii mujaahidiinta loo bixiyey waxaa saldhig looga dhigay magaalada bashaawar ee wadanka Bakistan Waxaana dhinac walba kaga soo furmay hub casri ah oo maraykanku ku deeqay iyo lacag hagar la'aan ah oo wadama carabta ee batroolka lihii ay u hureen jahaadka ujeedooyinka badan huwanaa ee ruushka lugula jirey.

Ugu danbayntii dhimasho iyo burbur badan ka dib waxaa lagu guulaystay in soofetigii laga saaro afqaanistaan, laakiin howshii halkaa kuma dhamaan nimankii dagaalyahaniita ahaa ee la isaga keenay aduunka daafihiisa waxaa mid waliba ku soo noqday wadankiisii isagoo xanbaarsan figrado argagaxiso oo xag jira doonayana in dowladihii ka dhisnaa wadamiidiisa uu manja xaabiyo abuurana dowlado ay iyagu maamulaan oo hogaankeeda hayaan.

Waxaa intaa dheer magaalada bashaawar oo ah halkii la dejiyey dagaalayahaniintii la dagaalamayey Ruushka waxay isu rogtey goob fowdo ah oo amaan daro baahday ka jirto, waxayna ku caan baxday ilaa maanta aynu joogno meesha ugu mukhaadaraadka badan Bakistan iyo gobolkaba.

Dowlada maraykanka oo lahayd figrada asaasida mujaahidiinta afqaanistaan iyadoo is lahayd xiligaa ku xumee Ruushka si ay ugu noqoto Vietnam oo kale ayaa waxaa ay ilaa maanta kula jirtaa dagaal mujaahidiintii ay iyadu abuurtay dagaalkaas oo saameeyey nolosha baniaadamka caalamka ku nool oo dhan.

Qabsashadii ciraaq 2003 waxaa aad uga carooday Suniyiinta ciraaq oo ah dadkii uu ka dhashay madaxweynihii hore Saddam Xuseen (Allah ha u naxariistee), waxayna bilaabeen inay marti geliyeen dabley ka kala timi daafaha dunida oo ku doodaya inay yihiin Mujaahidiin doonaya inay wadanka ciraaq ka xoreeyaan gaalada ku soo duushey, dadka reer Anbaar oo lagu yaqaan marti soor iyo gobonimo waxay u fidiyeen taageero hiil iyo hooba leh dagaalyahaniintaas u soo gurmadey, nasiib xumo mudo yar ka dib waxay bilaabeen inay ku amar kutaag leeyaan dadkii reer ciraaq ee soo dhoweeyey, waxayna faraha ka laabteen la dagaalankii maraykanka oo waxay u jeesteen laynta shacabka ciraaq oo ay ugu horeeyaan reer Anbaar.

Sheekooyinka yaabka leh ee arxan darada ha ee dhacay waxaa ka mid ah in Argagixisadu maalin maalmaha ka mid ah soo dhigeen meel kaalin ah oo shidaalka laga qaato booyad weyn oo ay sheegeen in uu ka buuxo Batrool lacag la'aan ah oo ay dadkii ugu yeereen inay qaataan Batroolkan bilaashka ah, gobolkaas oo ay xiligaas ka jirtey shidaal yari dadkii oo yar iyo weyn leh waxay ku qamaameen si ay wax uga helaan batroolka la sheegay inuu bilaash yahay, xataa waxaa dhacday in dadkii baabuurta watey qaarkood baabuurtii joojiyeen oo jirikaano la soo yaaceen.

Nasiib xumo marka cadadkii ugu badnaa ee dad ahi ku soo xoomeen booyada hareeraheedii ayay mar kaliya ku qarxiyeen booyadii oo ay ka markii horeba ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxaa..........!! ugu yaraan 190 qof oo ay ku jiraan caruur, dumar iyo waayeel ayaa goobtii ku naf waayey, dhaawacuna waa tiro beelay.

Ugu danbayntii waxay ku kaliftay shacabkii reer Anbaar inay samaystaan ciidan u gaar ah oo ay buuxiyeen "Saxwatul Anbaar" kuwaasoo la dagaalama kooxaha argagixisada ah ee ay markii hore moodayeen mujaahidiin u soo gurmaday inay dalkooda la xoreeyaan, laakiin ay cadaatay in hadafokoodu yahay dhiigyacab-nimo iyo arxan daro

Anigoo tacsi u diraya ehelka hooyooyinka la xasuuqay hadana waxaan jeclahay inaan dad badan oo u haystey in Xamar jihaad ka socodo ay ku quustaan xasuuqa hooyooyinka ogaadaana in hadafku yahay yaraysi dhiig islaam iyo soomali layn. Walaahu Aclan.

Waxaa diyaariyey Cabdiraxman Xariri Kala xiriir: xariri@hotmail.com