Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Qilaafka Ra'isul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Wasiirada is casilay, ayaa salka ku haya Ciidanka cusub iyo wax ka qabashada gobolka Sh/hoose.

Waxaa in muda ah socday xiriiro hoose oo aay yeelanayaan beesha Ahmed C/salaan oo ah wasiirka warfaafinta iyo Ra'isul wasaare Nuur Cade oo lagu jalaafaynayo dowlada KMG loogana hortagayo qorshaha Wax ka qabashada Mooryaanta ku sugan gobolka Sh/hoose ee uu hogaamiyo Daahir Aweys.

Sida lawada ogyahay waxaa had iyo jeerba dagaalada Mogdisho laga soo abaabulaa gobolka Sh/hoose iyo hareerihiisa waxaana sabab u noqatay ineey taasi dhacdo dowlada iyo Mas'uuliyiinta ooga wakiilka ah shacabka kasoo jeedo gobolkaas.

Waxaan wada ognahay Xiligii cali geedi ahaa Ra'isul wasaaraha aay dowladu doonaysey in Aweys iyo mooryaantiisa lagu sasabo gobolkaas aayna ka qowlaystaan, balse taas ayaa noqotay mid Mr Yuusuf iyo Cali geedi ku hungoobeen, iyadoo aay noqotay in laga maro dhanka Mr Gabre oo aay inta badan heshiis yihiin cida wadata Lacagta adag ee dollarka ah, sidaas uyuuna ku fuley hankii aay qabeen reer Aweys oo ah in dhaqaale lagu siiyo Gabre ka qowleysiga gobolka Sh/hoose.

Amuurahaas aan soo sheegnay ayaa waxaa fududeeyey iyana ineey dhacaan Wasiirada iyo Xillibaanada Xiligaas ugu jiray beelaha Digil iyo Biimaal Baarlamanka iyo Xukuumada, kuwaasoo iyagana noqday Gabre Two ama (Gabrihii Labaad) Sidaas ayaana kalsooni kusiiyey in aay mooryaanta ku sii nagaato gobolkaas.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa dhacday in beelaha kasoo jeeda gobolka Sh/hoose uu Mudane Muxyidiin u qabto jagada Gaashaandhiga, taasoo aay aad usoo dhoweeyeen beelaha dega gobolkaas iyo beesha uu wasiirka kasoo jeedo, iyadoo aay intaasi xigtay in muxdiin iyo ragiisa kala soo jeedo gobolka iyo gobolada la dariska ah aay qoraan ciidan aad u tira badan, oo ah ciidankii kaga soo aaday 4.5 taasoo qorshuhu ahaa ineey wax ka qabtaan mooryaanta C/qaasin iyo Aweys ku beereen gobolka Sh/hoose balse waxaa xigay amuurtaas in Ra'isul wasaaraha fashiliyo Ahmed C/salaan oo ah ninka dowladu ka socon la'dahay.

Markii la waayey fursad lagu baajiyo Ciidankaan cusub ee loo soo tababaray wax ka qabashada gobolada koonfureed gaar ahaan kuwa aay ku sugan yihiin mooryaanta aan kor kusoo xusay, ayaa Nuur cade iyo dadkii uu u adeegayey aay abaareen qorshe kale oo ah in xil ka qaadis lagu sameeyo dadkii firfircoonaa ee abaabulkaas waday, balse waxaa ka hortagey arinkaas jalaafada ah goloha wasiirada intooda rabta sharciga iyo kala daneynta, halka kuwii muqaawamada ka tirsanaa dowladana wasiirada u ahaa aay gabaad ka doonteen Nuur cade iyagoo haatana ku sugan Hoygiisa.

Dhanka kale Madaxweyne yuusuf ayaa taageeray in laga hortago lagana soo saaro jeebka muqaawamada Mudane Nuur Cade oo aay kala dheeryihiin waxa uu idaacadaha u sheego iyo waxa u qarsoon balse haatan aay muuqato inuusan ku sii nagaan doonin jagada wasiirka koowaad.

Ugu danbeyntii Ciidanka Cusub ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Ethopia qeybtii loogu talagalay Wax ka qabashada Mooryaanta Aweys,ayaa haatan ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Baay, iyadoo laga warsugayo goorta aay u ruqaansan doonaan dhanka Mooryaanta aan soo xusnay.

Waxaa intaa dheer wararka laga helayo deeganada Sh/hoose oo tibaaxaya in kooxda Aweys uu ka dhamaaday oradkii aay naftooda meel un kula baxsan lahaayeen, iyagoo aay u cadaatay in tarxiil kusoo fool leeyahay kaasoo aay u dheertahay carada shacabka aay u qabaan oo keeni karta in mooryaantaas nolosha lagu qabqabto waxaa kaloo intaa sii dheer cabsi kale oo soo wajahday dadka iyaga u shaqeeya ama la shaqeysta sida Cali ganeey iyo rag kaloo fara badan oo dagane ka galay beelihii aay kasoo jeedaan iyagoo fuliyey hanka Nuuriye iyo Beeshiisa.
ahmed93@hotmail.com
Xafiiska Warqabadka
Mogdisho,
Somalia