Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Maantana Fulayadii Al-Shabaab Ma Dumar bay Xasuuqeen? W/Q A. Ali

Waxaan ka xumahay in fulayadii Argagixisadu maantana ay Bamkoodii maan la'aanta ahaa la beegsadeen dumar masaakiin ahaa iyo wadaniyiinba, kuwaas oo ay ku xasuuqeen goob Xamar ku taal oo ay qashinka ka nadiinahayeen. Runtii 16ka haweeney ee aragagixisadu dileen baa Al-Shabaab oo dhan iyo Al qaacida oo dhan igala fiican, oo ka muslimsan , waayo dumarku ma ahayn laba -wajiilayaal sida Mujrimiinta argagixisada ee xalaashaday dhiigga iyo Hantida dadka Muslimka ah, taasoo lid ku ah macnaha Diinta Islaamka ee Rasuulkiinnii S.C.W. yiri: Addiinu Nasiixa.

Balse in Eyda Aragahixisada aan lagu sheegi karin Muslim iskaa daaye, dad Soomaali ah iyo dad iimmaan leh oo Alle ka cabsada toona! Sidaas waa inaad ogaataa haddii aadan awal ogayn!

Habada su'aashu waxay tahay?

War ma Argagixisada Dulliga iyo cadowgaba ah baa maaro loo waayey, iyada iyo tuugta adeegsata? ee qurun ku noolayaasha ah iyo Soomaali-diidka?
War kuwaas ciidamo tababaran iyo madax qaran oo si daacad ah ugu shiidaya bil kuma qaateene sidee wax u jiraan? Yaa la shaqaynahayaa ee macmil hoose la yeeshay? Haddii aan wax istusaaleeyey, MR. Nuur Cadde malaha waa ninka la tuhmahayo, oo u dabacsan Aragagixisada!!!

War Ninka deg deg ha loo casilo ka soo rayn mahayo ee, Maxammad Dheerena shaqadaas dhacdhacaysa bal isagana ha lagu dayo, inuu u babac dhigi karo aragagixisada iyo in kale?> Taladaydana yaan la fuddaysan ama waa dambaad garan!.

Teeda kale qorshaha argagixisada lagu wajahay sidee u jilicsan yahay? Dastuurka lagu ciribtirahayo muxuu dhigahayaa? Ma Xabsi iyo in lagu masruufo baa?, goortay cayilaana dib suuqa loogu soo daayo, si hadhowna shaqoodii halkii uga sii wataan baa? Mase waa tan quman ee Argagixisada lagu curyaamiyaa sida daldalaad deg deg ah, oo aan ka hadal lahayn, dastuurna ka yaal lagu fulinahay, si maan laawasha ummadda looga badbaadshaa? War Wax baa qaldane waa in dib loo eego qaabka la dagaallanka argagixisada, haddii kale Soomaaliya in ay degto oo caadi ku soo noqoto anigu uma fadhiyo qofkii u maleeyana waa mid aan fakarayn ama wax la wada ama kas gaab gaab la oran karo!.

Ugu dambayntii: Argagixisadu Diin kuma dhaqmaan waxayna u dhaqmaan qaabka Mafia,( tan Italy).

Sidaas awgeedna waa cadowga koowaad ee Soomaalidu maanta leedahay, marka lagu jahaadayana ha u malayn inaad qabiil iyo Soomaalinimo midna wadaagtaan balse inay yihiin cadow dad cun ah gaalna kaaga sii daran! su'aal kale ha isweydiin.

Sidaas ayaad ku dabar gooyn kartaa argagixisada Soomaaliya iyo tan Caalamkaba, Araxan ha u gelin say ayaguna cidna arxan uma galaane, Xaqu waa sidaa haddaan la iska indhatirayn!!!

Wa Allahu Aclam

A. Dirie