Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

C/Laahi Daahir”Ma, magacaabi karo xil kama uu qaadi karo Guddoomiyeha G/gobolka,waxa uu leeyahay Ra’isal wasaaruhu Soo jeedin Kaliyah”.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka C/Laahi Daahir Barre ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Ra’isal wasaaraha Somalia uusan xaq u lahayn xil ka qaadista Guddoomiyeha Gobolka Banadir uu ku sameeyay islamarkaana aysan sharci ahayn wasiiradda uu magacaabay Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

Transitional Federal Government of Somali Republic

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka

X.I.G/377/08 04/08/2008

Ku:- Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Muqdisho.

Ku:- Ra’isal wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya, Muqdisho

Ujeedo Talo Sharci (Legal Opinion)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu I weydiistay inaan talo ka sharci ka bixiyo.

1. dekreetada xil ka qaadista Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ee ka soo baxday ra’isal wasaaraha DFKMG ah iyo dekreetada kale ee uu soo saaray madaxweynaha jamhuriyadda Soomaaliya ee caddaynaysa inaan xil ka qaadistaasi sharciga waafaqsanayn.

2. magacaabista shan(5) wasiir iyo hal(1) wasiir ku xigeen oo uu sheegay ra’isal wasaaruhu kuna faafiyey warbaahinta taasoo aan ahayn mid madaxweynuhu sameeyey.

Qodobka 64(1)(C), wuxuu sheegayaa in xeer ilaaliyuhu yahay la taliyaha sharciga ee 1aad ee dowlada FKMG ah ee Soomaaliya. Isla qodobkaa xubintiisa 2aad wuxuu sheegayaa in ay tahay mas’uuliyada xeer ilaaliyaha ee kor u qaadida iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga (promote and uphold the rule of law)

Meerisyada kore ee Q.64 waxay caddaynayaan in xeer ilaaliyuhu awood u leeyahay inuu qeexo oo kala caddeeyo talo sharciyana ka bixiyo awoodaha xubnaha dowlada FKMG ah.

3) Caddayn iyo sharci

B) Awoodda fulinta ee dowlada Soomaaliyeed waxaa iska leh golaha wasiirada fiiri Q.46aad( 1) ee axdiga ku meel gaarka ah.

Golaha wasiiradu wuxuu ka kooban yahay ra’isal wasaaraha, ra’isal wasaare ku xigeenada iyo wasiirada……fiiri Q.52(1) ee axdiga ku meel gaarka ah ra’isal wasaaruhu waa hogaamiyaha ,isuduwaha iyo kor ka ilaaliyaha shaqada iyo siyaasada guud ee maamulka golaha wasiirada fiiri Q.48 ee axdiga ku meel gaarka ah.

T) Golaha wasiirada iyo ra’isal wasaaruhu howlaha ay qabtaan waxaa lagu fuliyaa sharci sida kan barlamaanka kasoo baxa iyo xeer ama dekereeto uu soo saaro madaxweynuhu, sida magacaabista madaxda iyo saraakiisha qaranka, fiiri Q.44 (1)(D)(E)(F) iyo isla qodobkaas xubintiisa 2aad, 3aad, 4aad, ee axdiga ku meel gaarka ah. Golaha wasiirada iyo ra’isal wasaaraha mid koodna ma leh awood ay ku soo saaraan dekreeto ama xeer cid lagu magacaabayo, markay cid magacaabayaan sida Q.44aad sheegayo inta aan la faafin waa in ay u gudbiyaan madaxweynaha si uu xeer ama dekreeto ugu soo maadaama ay magacaabistaasi ay dhaqan galeyso taariikhda madaxweynuhu saxiixo iyo wixii ka dambeeya. Sidaasi darteed, dekreeto lambar OPM/266-07/08 ee ka soo baxday xaafiiska ra’isal wasaaraha 29/07/08 uuna saxiixay ra’isal wasaaruhu kuma soo bixin awood sharci dhaqan galna ma aha. Dekreetada ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha lambar JS/XM/201/07/08 ee 30kii Luulyo, 2008 ee caddaynaysa inaan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho sida xilka looga qaaday aysan ahayn mid waafaqsan axdiga ku meel gaarka ah ay tahay mid sax, waafaqsana Q.44aad ee axdiga ku meel gaarka ah.

J) Q.46aad ee axdiga ku meel gaarka ah xubnihiisa 4aad iyo 5aad waxay si cad ama qeexan u sheegayaan in ra’isal wasaaruhu u jeediyo madaxweynaha magacyada dadka loo magacaabayo wasiiro ama wasiiro ku xigeeno ha ku jireen barlamaanka ama yaaney ku jirine (Shall propose to the president)

Madaxweynuhu haddii uu ogolaado wuxuu ku soo saaraya dekreeto sharci ah, fiiri Q.44aad isla sidoo kale haddii wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada xilka laga qaadayo waxaa loo raacayaa Q.44aad. haddii wasiiro iyo wasiiro ku xigeenadu shaqada ka tagayaan(iska casilayaan) waxay u gudbinayaan iscasilaadooda oo qoraal ah ra’isal wasaaraha iyo madaxweynaha oo labaduba laga rabo in ay aqbalaan waxayna dhaqan galaysaa markii ay labadoodu ogolaadaan ee madaxweynuhu dekreeto ku soo saaro, fiiri Q.52aad(3) ee axdiga ku meel gaarka ah.

4)Gabogabo:-

A) Axdiga ku meel gaarka ah qodobkiisa 44aad baa si fiican u qeexaya in wixii magacaabis madaxeed ah ee golaha wasiiradu go’aan ku gaaraan la dhaqan galin karo markii madaxweynaha ogolaado ee dekreeto ama xeer ka soo saaro. Sidaa darteed dekreetadii uu soo saaray ra’isal wasaaruhu 29/07/08 ee shaqada looga saarayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho aanay sharci ku qotomin oo dhaqan gal ahayn maadaama aanu jirin sharci ama xeer awood u siinaya ra’isal wasaaraha in uu dekreeto soo saaro, hase yeeshee ay dekreetadii madaxweynuhu ku buriyay tii ra’isal wasaaraha ay tahay mid dhaqan gal ah oo sax ah fiiri Q.44aad.

B) In magacaabida shan wasiir iyo wasiir ku xigeen ee uu ku dhawaaqay ra’isal wasaaruhu aanay dhaqan gal ahayn ilaa madaxweynuhu ogolaado oo xeer ama dekreeto ku soo saaro, Q.44 iyo Q.46 inta ku qeexan axdiga ku meel gaarka ah ee saameynaysa madaxweynaha iyo xukuumada ku meel ayaa sidaas oo kale uu u sheegayaa una qaybinayaa awoodda dastuurkii 60kii fiiri Q.85 ee dastuurkaasi oo si cad u sheegaya in awoodda soo saarista xeerarka iyo dekreetooyinka uu lee yahay madaxweynuhu.

C/llaahi Daahir Barre xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.