Search This Blog

Tuesday, June 24, 2008

Faarax Sindiko “anigaa ah Gudoomiyaha XKCS, waxaana taageeraa Muqaawada, dalkana ma imaan doono inta ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka…”



Faarax Wehliye Cadow Sindiko oo wareysi gaar ah ay la yeelatay Idaacadd Somaliweyn ayaa sheegay inuu arrimo caafimaad u joogo dalka Mareykanka, loona soo jeediyay inuu hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu noqdo.


Mr. Sindiko waxa uu sheegay in lagu soo weegeliyay in loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Xiirka Kubadda Cagta, wuxuuna sheegay in hadii ay kooxaha intooda badan isku raaceen inay I doorteen uu aqbalay doorashadaasi.

“Xiirika kubadda Cagta waqtigiisa waa dhamaaday, wuxuuna ku ekaa 12-kii maarso ee aan soo dhaafanay” ayuu yiri faarax Sindiko oo dhinaca kalana sheegay in Ururka Kubadda cagta ee FIFA uusan ogalaanayn wax aan sharci ahayn.


Sidoo kale Faarax Sindiko waxa uu sheegay inuusan isagu u hanqaltaagayn wax xil ah, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay gudiga Fulinta ururka Kubadda Cagta ee Afrika, islamarkaana luusan u baahnayn wax aan ku imaan Doorasho xor ah.


“Muqaawamada ayaan taageeraa Xoog iyo Dhaqaalaba, waana ogyihiin, anigu waxaan ka mid ahay raga ay Itoobiyaanku doon doonayaan” ayuu yiri Faarax Sindiko oo sheegay inuusan dalka imaanayn inta ay amxaaro joogto.


Faarax Sindiko waxa uu mar kale yiri “ Ciidamada Itoobiyaanka inta ay joogaan lagama yaabo inaan imaado dalka, waxaana dalka imaanaa hadii dalka xoog looga saaro ama xeelad”

.Mar la weydiiyay sida uu dalka dibadiisa uga shaqeyn karo isagoo aan dalka imaan ayuu yiri “waxaan la mid ahay Isbahaysiga Dib u xoraynta oo isaguba ka howlgalaya iminka dalka dibadiisa oo ay howshiisa socoto, anigaa aqaan sida loo shaqeeyo “.
Banaadir Post
Xamar Cade.

Dilalka oo kusoo badanaayo magaalda Marka


Magaalada Marka ee magaalada madaxda G/sh/hoose , xaley waxaa ka dhacey dil, loo adeegsadey dariiqad cusub oo aan horey loo aqoonin, kaasi oo loo adeegsadey qalab aan caadi ahayn.


Waxaa halkaasi lagu diley nin sida ay wararka sheegayaan inuu can ahaan, siiba waayahaan danbe noqdey nin maalyahan ah, kaasi oo la leeyahay waxuu ka maaleystey Canbar uu ka heley xeebta magaaladaasi.


Marxuumka halkaasi lagu diley ayaa la dhihi jirey sida la sheegey Nuur Maadey, waxaana la diley asaga oo kasoo baxey masaajid ku yaalla xaafadda Buula Jaan, ee magaalada Marka, ka dib markii uu soo dukadey salaadda Cishaha.


Marxuumkaasi marka uu kasoo baxey masaajidka , nin aan la garaneynin uu la beegsadey fallaar, uuna kala heley ku aadanka wadnaha, halkaasina uu ku ahaa goob la yaal.


Dilaaga ayaa baxsadey isla markiiba oo aan la garan qof uu ahaa,iyo halka uu u baxsadey, waxaase la ogeen sababta keentey dilkaasi, hase yeeshee dadweynaha magaalada Marka ayaa la yaabey habka loo adeegsadey dilka.


Inkatoo arrintaani ay ku cusubtahay, hase yeeshee waxaa la ogsoonyahay in dadka deegaanka ay weligood hubka ay ku caan ahaayeen uu yahay Qaansada iyo Fillaarta, hase yeeshee dadka aan degaanka u dhalan umbaa taasi ka war haaynin.


Waxaana hubaal ah , in hubkaani loo adeegsadey dilka ninkaani uu noqon doono mid dhibaatadiisa ay weynaato, waayo waa hub aan la celin Karin oo u hor seedi karto in dad badan oo ciil qabey ay u wareegaan is ticmaalka hubkaani.


Taasi oo noqondoonta inay dad badan oo deegaanka aan u dhalan oo laga diiddanaa inay , danta ku qasabto inay iskaga baxaan, taasina ay noqoto mid u horseedda in dadka dhibaatada ku haayey gobolka loo adeegsado hubkaani aan codka laheyn.


Wargeyska Banaadir Post.

Tafatiraha Wargeyska.

Gabdho Soomaaliyeed oo Ciraaq ku Go'doonsan si qasab ahne Shaqaale Looga dhigtay.




Rag Xafiisyo ka samystey Magaalada Moqdisho ayaa sheegay iney gabdhaha Soomaaliyeed shaqo uga hayaan Isbitaalo ku yaala Siiriya, kuwaas aan la geyn Siiriya ee la geeyay Ciraaq si lama filaan ah.


Gabdhahaan ayaa midiiba laga qaaday lacag garayso Kun Dollar sida ay ku warameen,waxaana lacagtaas ka qaaday xafiis ay shirkadaan been abuurka ah ay ku leedahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan KM4.waxeyna leedyahay rag kale oo u jooga meelo kale oo kala duwan, sida Ciraaq, Siiriya, Cumaan, Dubai.


Mid kamid ah Gabdhaha ku Go'doosan dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Wiilo Macallin Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegtay inay hadda ku sugantahay Magaalada Sulaymaaniya ee Caasimmada u ah Gobolka ku yaala Waqooyiga dalka Ciraaq ee
Kurdustaan.


Gabadhaan ayaa lagu qasbay in ay u shaqayaan Qoysas Ciraaqiiin ah si Lacag la'aan ahsida ay sheegtay Wiilo Macalin ,iyagoo Qoysaskaan Shirkadii Gabdhahan soo sirtay ka dibna ku sii iibisey lacag gaaraysa laba kun oo dollar lacagtaas ma qadanayaan gabdhuhu ee waxaa qadaanaya shirkadii been abuurka aheyd, Gabdhahan waxay ku shaqaynayan qaab lacagla'aan ah.


Tiradda Gabdhahaan ayaa markii hore ahaa 12 Qofood ayaa hadda sadax ka mid ah Soomaliya dib loogu celshay kadib markii ay sida Wiilo ku warantay ay Calooshoodu Dilaacday Culeyska biyo dhaaminta biyahaas la saaro Dabaqyo dhaadheer.


Ayaan darada heysata Gabdhaha Soomaliyeed ayay tani ka mid tahay, waana masiibo Soomali oo dhan haysa, kuna haysa meel kasta oo joogaan soomali..


Digniin Somaliyeey ka fiirso meeshaad ku socoto,


Banaadir Post.




Monday, June 23, 2008

Dadka u shaqeeya Ururada Caalimiga oo la Xasuuqayo











Sadax nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta gudaha magaalada Baladweyne ku dilay madaxii hey'adda CRD ee Gobolada Dhexe Allaha u xariistee Eng Maxamed Xasan Kulmiye xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.


Kooxihii falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo markii ay dileen Eng. Kullane ay horay u sii toogteen wiil dhalinyaro ah oo ay ugu shakiyeen in uu aqoonsaday, iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka danbeysa sarkaalkan.

Dadweyne fara badan oo ka careysan dilka Madaxii CRD ee gobolada Dhexe ayaa gaaray guriga iyagoo ka xumaaday dilka sarkaalkan oo lagu xasuusto howlaha dhinaca dib u heshiisiinta iyo isu keenida beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalama gobolada Dhexe ee dalka.Dilka sarkaalkan iyo ninka kale ee la dilay ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee 24 saac ee la soo dhaafay lagu dilo Baladweyne ilaa sadax qofood oo aan waxba galabsan.

Kooxo hubaysan oo Maanta Suuqa Bakaaraha Muqdisho kudilay Nin katirsanaay Nabad Sugidda Dowladda.

Kooxo hubaysan oo Maanta Suuqa Bakaaraha
Muqdisho ku dilay Nin katirsanaay Nabad Sugidda Dowladda Federaalka


Kooxo hubaysan ayaa Maanta Nin Rayid ah ku Dilay bartamaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka Nabdoonaay Dilalka qorshaysan.


Dablay ku hubaysan Bastoolado ayaa Suuqa sarifka ku Dishay Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi oo aan la ogayn sababaha loo Dilay.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Marxuumka ladilay uu katirsanaa Waaxda Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya sadaasna ay Xoogaga Kacdoonka kawado ay udileen.

Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdishoi ayaa Maalmihii lasoo dhaafay ka Nabdoonaa dilalka iyo Rabshadaha qorsahaysan waxaana Suuqa ka howlgalo Ciidamo ay leeyihiin Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaas dadka qaar ay dhaliilaan.


Sarkaalkii UNHCR u qaabilsanaa Muqdisho oo xalay kooxo hubeysan ay ka afduubteen deegaanka Ceelasha biyaha ee degmada Afgooye


Waxaa xalay laga afduubtay deegaanka Ceelasha biyaha oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sarkaalkii heyadda qaxootiga UNHCR u qaabilsanaa magaalada Muqdisho oo lagu magaabo Xasan Maxamed Cali, kaasoo sida dad goob joogayaal ahi sheegeen ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo aan laa garaneyin.

Kooxaha afduubka kula kacay sarkaalka u shaqeynayey hey’adda UNHCR oo watay labo gaari oo si ba’ana u hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa iney tageen hoygiisa oo ku yiilay deegaankaasi ceelasha biyaha ee degmada Afgooye, iyagoo xoogna ku galay gudaha gurigaasi ka dibna amar ku siiyey inuu si deg deg ah u soo raaco xilli uu la joogay xaas uu qabay sarkaalkaasi iyo caruurtiisa, waxaana markii ay gaariga ku hubsadeen ay ula dhaqaaqeen dhinaca deegaanka daynile sida dadku sheegayaan.

Kooxda afduubtay sarkaalkaasi ayaa la sheegay in rasaas cabsi gelin ah dhulka ku fureenka dib markii xaaska uu qabay sarkaalka ay isku dayday iney wax ka weydiiso dableydan waxa ay yihiin iyo waxa ay ka doonayaan seygeeda, lamana oga illaa hadda cida ka dambeysa afduubka sarkaalkan, hase ahaatee waxaa mudooyinkan soo badanayey afduubyada noocan oo kale ah ee lagula kacayo saraakiisha iskugu jirat soomalida iyo ajaaniibta u shaqeysa heyadaha samafalka.


Afduubkan ayaa oo ku soo beegmay xili boqolaal kun oo dad ah ay daadsan yihiin duleedyada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya, ka dib markii guryahooda ay uga barakaceen dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana laga cabsi qabaa in afduubkan uu saameyn xooggan ku yeesho gargaarka aan hadaba badneyn ee dadkaasi ay ka helaan hey’adaha samafalka ee ka howlgala Somalia oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo wajahday cabsi la xiriirta dhinaca amaanka howlwadeenadooda.


Nin ka tirsanaa shaqaalaha mid ka mid ah hey’addaha samafalka oo goor dhoweyd lagu toogtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha

Abaarihii 11:30 daqiiqo barqanimo ee maanta ayaa kooxo hubeysan oo aan la garaneynin waxay ku toogteen agagaarka qeybta sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho nin rayid ah oo halkaasi marayey sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.Kooxda dilka ka geystay oo la sheegay iney ka koobnayeen illaa saddex nin ayaa la sheegay in ninkaasi daba socdeen, kuwaasoo ku hubeysnaa bastoolado waxayna markii dambe ku dileen agagaarka suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaa sarta lo yaqaano Cali dheere hoosteeda, iyagoo madaxana xabad kaga dhuftay, taasoo keentay inuu halkaasi ku geeriyoodo, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka u geystay ninkaasi.

Dilka ninkaasi ayaa la sheegay inuu argagax iyo khal khal xooggan geliyey agagaarka goobta uu ka dhacay, waxaana meydka ninkaasi uu illaa hadda yiilay goobtaasi lagu dilay ee gudaha Suuqa Bakaaraha, lamana oga ilaa hadda sababta loo dilay ninkaasi iyo cida dilkiisa ka dambeysay toona, hase ahatee warar soo baxay ayaa sheegaay inuu ka tirsanaa shaqaalaha hey’ad Swedish ah..

Banaadir Post.

News Desk Editor










Afganistan: Ururka Al-Qaacida oo baaq u diray Dagaalyahanada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya gudaha dalka

Cajalad muuqaan ah oo soconeysay 19 daqiiqo lana soo dhex dhigay website ay leeyihiin ururka Al-Qacida ayaa loogu baaqay kooxaha Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya in ay la dagaalamaan ciidamada Qaramada Midoobay ee la keeni doono Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ururka Al qaacida oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-Liibi ayaa ku booriyay dagaalyahaninta Soomaaliyeed ee gacan saarka la leh ururka Al-Qaacida in ay la dagaalamaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Q.Midoobay, kuwaasi oo lagu heshiiyay in la keeno Soomaaliya mudo 120 maalmood kadib.

Afhayeenkan ayaa sidoo kale baaqiisa ku sheegay in aysan aqbalin Soomaalidu wax aan aheyn Dowlada Islaami ah oo dalka laga hirgeliyo, isagoo ku booriyay ineysan qaadan sharuucda caalamiga ah.

Abuu Yaxya ayaa heshiiska dhex maray Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara waxaa uu ku tilmaamay mid aan wax qiimo leh soo kordhineyn, wuxuuna ku amaanay kooxaha Soomaalida ee ka horyimid heshiiska Jabuuti lagu gaaray go'aanka ay ku diidan yihiin heshiiska Jabuuti.

Abuu Yaxya Al-Libi ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiisha sare ee ururka Al-Qaacida, waxaana la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanayo xuduudaha u dhaxeysa Afganistan iyo Pakistan, wuxuuna ninkan horay ugu baxsaday xabsi ku yaala dalka Afgaanistaan xili halkaasi lau xeray.

Yaasin Yare.
Banaadir Online

Hogaamiyihii dowladdii Carta Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo dadkuna u yaqaanaan INA SALAAD BOOY ayaa wararka ka imaanaya dalka imaaraadka Carabtu waxaa





Cabdi Qaasim ayaa boorso uu sitay waxaa laga helay lacag dhan 4 boqol oo kun oo doolar, waxaana uu sheegay in uu ahaa Transit kuna sii jeeday magaalada Qaahira oo uu dagan yahay.


Wararka ayaa intaa raacinaya in Ina Salaad Booy oo sitay baasaboor Soomaaliyeed oo diplomaasi ah uu ku dooday in uu mar hogaamiye kasoo noqday Soomaaliya, ka gadaal markii lagu qabtay lacago aad u farabadan oo sir baarayaasha garoonku ay aad ula yaabeen.


Cabdi qaasim Salaad Booy oo horay uga qeyb galay tartankii madaxtinimada shirkii Kenya ayaa markii uu guul daresyaty sheegay in uu taageerayo cid kasta oo doorashadaa ku guuleysata, hase ahaatee kadib waxaa uu noqday hogaamiye qaran diid ah oo is qarinaya inkastoo mararka qaar oo uu is heyn kari waayo uu u hadli jiray sidii in uu yahay Afhayeenka qaran diidka, taas oo in badan oo ka mida shacabka Soomaaliyeed iyo dad weynaha caalamkaba ka yaabisay maadaama markii uu ku guul dareystay doorashadii Kenya uu sheegay in uu taageerayo dowladda dhalata.


Warar xog ogaal ah oo ay shabakadani heshay ayaa sheegaya in muddo ka badan 12 saacadod oo Ina Salaad Boy garoonka lugu dhex hayay kadib la ogolaaday in loo fasoxo magaalada in uu galo, iyadoona lacagtii faraha badnayd ee uu watay looga reebay garoonka gudihiisa.


Sii deynta Ina Salaad booy iskama aanay imaan hase ahaatee waxaa damiintay ganacsato ay isku heyb yihiin oo u badnaa kuwii uu soo saaray intii uu ahaa hogaamiyaha kooxdii Carta, iyadoo kadibna uu horay ugusii socday safarkiisii ku wajahnaa Qaahira oo uu ka dhistay guri weyn markii uu ahaa Hogaamiyaha Kooxdi Carta oo dadka qaarna ay u yaqaaneen (Dowladda Taleex) waa xaafad ka mida degmada Hodon ee magaalada Muqdisho oo uu Ina Salaad booy ku koobnaa.
Hada ka hor ayay ahayd markii Xaaskiisa lagu qabtey Lacag aad u badan isla Garoonka Dubai, ka dib markii ay Moqdisho ka soo qaadey, xiligii uu ahaan jirey ninkeedu Madaxweynihii TNG-ee fadhigeedu ahaa TALEEX Magaalada MOqdisho.
Banaadir Post.
Yaasin Yare.