Search This Blog

Sunday, January 24, 2010

Mid ka mid ah masuuliyintii shalay dowlada Somalia ay u magacowday maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay xilkii loo dhiibay


Masuul ka tirsanaa kuwii maalinkii shalay madaxweynaha dowlada Somalia uu u magacaabay gobolka Sh/dhexe ee dalka Somalia ayaa sheegay inaanu diyaar u aheyn qabashada xilka loo magacaabay xiligan.



C/llaahi Cali Maxamed oo ah masuulka iska diiday Xoghayaha Guud ee Gobolka Sh/dhexe ayaa ka dib xiriiro uu la soo sameeyey warbaahinta magaalada Muqdisho isagoo ku sugan gobolka Sh/dhexe waxaa uu intaa ku daray in diidmadiisa uu ku wargeliyey masuuliyintii u soo bandhigtay arintaasi dhowr jeer oo hore ka hor inta aan loo magacaabin xilkaasi uuna ka cudurdaartay arintaasi.


“Aniga waxaanba moodaayey markii aan diiday xilkaasi in a iska key daayey, waxaana aad ula yabaay markii la ii sheegay in la ii magacaabay shalay xilkii aan horey u diiday oo laga sii daayey idaacadaha, websiteyadana lagu soo qoray” ayuu intaa ku daray Cabdullaahi Cali Maxamed.

Waxaa uu sheegay in haatan uu yahay nin maclin ka ah dugsiyada ku yaala gobolka Sh/dhexe, uuna ku qanacsan yahay macalinimadiisa, waxaana ka codsanayaa ayuu yiri dowlada Somalia in magaceyga laga tiro liiskaas laguna bedelo qof kale oo diyaar u ah.

Diidmada masuulkan ee xilka dowlada Somalia ay uga magacowday gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo beegmaya xilli Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay ka taliso guud ahaan gobolkaasi dowladuna uusanba gacanta ugu jirin.











dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com