Search This Blog

Sunday, January 24, 2010

Riyada iyo Habaabinta Rayaale saw lagama hadho


Siyaasadah maldahan ee had iyo jeer Madaxweyne Riyaale dadkiisa ku habayo


maalinba maalinta ka danbaysa ayay soo afjarmaysaa. Inbadan ayuu shacabkan

nabada jecel ee uu dhan walba dabaysha kaga keenay ayuu guyaal badan

dhegaha ugu shubaayay erayo siyaasadaysan oo dhalaan habaabis ah. Kuwaas

oo ay ka mid yihiin " Ninka madaxda ka ah UNDP ee qaabilsan Somaliland

iyo Somaliya." Sheeko iyo shaahid ma waxaynu aragnay madax laba dal

qaabilsan! Waxa kale oo ka mid ah erayadaa siyaasadaysan "Safiirka qaabilsan

Somaliya iyo Somaliland."



Anigoo weligayba la yaabanaa erayadaa shacabka lagu majaro habaabinayo

ayaa waxa u cadeeyay erayadaasi inaanay jirin oo ay yihiin hambag laysku

maaweelinaayo safiirka Masar ee u fadhiya Somaliya mar uu shir jaraaid oo

ku qabtay caasimada dalkeena Somaliland,isagoo ka jawaabayay waydiimo

ay suxufiyiin Somaliland u dhashay ku harqiyeen ayuu si cadho leh ugu jawaabay

"Anigu safiir ka socda dawlada Masar ee qaabilsan Somaliya,umana kala

qaadayo koonfur iyo waqooyi."



Isagoo safiirka Masar jooga dalka Somaliland hor fadhiyana Madaxweyne Riyaale

ayaa hadana afhayeenka madaxtooyadu warsaxaafadeed intuu qabtay weli dabada

sii hayaa erayadii siyaasada Somaliland lagu ragaadinayay ee ah "Somaliland iyo

Somaliya safiirka Masar u qaabilsan." Weliba sida uu safiirka Masar u fadhiya dalka

Somaliya uu si cad ugu sheegay Riyaale inuu u sido daqiiq iyo saliid ka mid ah

mucaawino ay dawlada Masar u fidisay Somaliya.



Dhamaan hay'adaha UN-ta ka socda ee ka hawl gala Somaliland waxa ay dalka ku

joogaan iyagoo sita magaca Somaliya inay wax ku caawinayaan, rumaysana inay

Somaliland gobol ahaan u joogaan,waxay qabanayaana gobol ahaan ku qabtaan.

Hadana dawlada dalka ka talisaa ee uu Riyaale hogaanka ka yahay waxay mar

kasta oo ay waxqabad hay'adahaasi fuliyaan ka hadlayaan ku magacaabaan

hay'adaa heblaayo ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya...!



Waxa aan hadaba talo ugu soo jeedinayaa hawl-wadeenada saxaafada Somaliland

inay ka waantoobaan erayada iyo weedhaha shacabka lagu marin habaabinayo.

Shacabkana waxa aan leeyahay riyada iyo habaabinta Rayaale saw lagama hadho.



Xaqa u hiiliya,xaq darradana diida.



Roda Gahayr

Hargeysa

Somaliland