Search This Blog

Sunday, January 24, 2010

Faalo (Axmed Tuke, Shariif Sakiin & khaadim al-Sharifeyn)!-

Soomaaliyeey waxaa la inaga xukumaa diyaarad dusheed ama hoteel duleedkii



Burburkii Soomaaliya ka dhacay laga bilaabo 1990 iyo joogeena oo weli socda, 14 jeer ayaa beesha caalamka isku deydey in Soomaalida ay dib u heshiisiyaan. 2002 shir lagu heshiisinayo umada Soomaaliyeed ka furmey dalka Kenya, kaasoo ku dhamaadey in lagu dhiso Dowlad 2004. Dowladaas waxaa saldhig u noqotey magaalada Jowhar, ka dibna magaalada Baydhabo ugu dambeeyntiina Xamar halkaas oo ay ku fashishey.



Marba mar bay dhaantaae waagii Baarlamaanka Soomaaliyeed markuu Jowhar saldhiga u ahaa ka dibna Baydhabo, Xildhibaanada Soomaaliyeed waxeey awood u lahaayeen in ay shiraan, in ay doodaan, mooshino diyaariyaan Dowlada ku cambaareeyaan waxa aan umada iyo dalka aan dan u ahayen ilaa iyo Dowladii ay ku rideen. Marxalada hada aan mareyno ayaa waxa ay tahay in dalkeena oo 637,991 Km2 (Kiloomitir wareeg) ka kooban laga waayeey magaalo qura ah oo si ku meel gaar ah kol ay ku tahayna salka loo dhigo Baarlamaanka ilaa iyo inta laga dhisayo Dowlad. Khasab waxa nagu noqotay in aan Jibuuti mar kale marti u noqono dhaqaale ciida ka badane madaxeena ku helaan iyagoo dadaal ugu jirin in heshiino.

Dowlada cusub markii la dhisay uu Madaxweeynaha ka yahay Axmed Tuke, R/Wasaare ka yahay khaadim al-Sharifeyn (u adeegaha labada Shariif), maamulaha weeyn oo taladu ka go’do ka yahay Shariif Sakiin.

Mas’uliyiintaas ina xukuma khasab waxeey ku noqotay in ay 2 Km wax ka badan ay Filla Soomaaliya dhaafi waayeen, taas waxaa sii dheer waxay door bideen in ay diyaarad dusheeda ama hoteel duleedkii dalka ku xukumaan, Axmed Tuke iyo Wasiiradiisa marka ay dhoofaan Shariif Sakiin iyo Wasiiradiisa ayaa madaxa soo tusa mid kastena ugu badnaan labo usbuuc buu joogaa. Waxqabadkoodi wuxuu ku koobmey in ay marba Dowlad hoos dhigtaan gorofka cayreed waxa ay yaboohsadaan oo loogu rido umada Soomaaliyeed oo gaajeeysan shilin iska daee shaah kama cabaan, iyagii baa isku qabsada.

Madaxdeena sare iyo Wasiiradooda waxaay ku caan baxeen in ay dalka iibsadaan waxaana ka mid ah qandaraas lala saxiixday dalka Kenya oo loo hibeeyey baddeena nus qiimaha lagu iibsadeyna uu yahay cad quureed, qolooyin kale oo loo saxiixay in ay badddena iyo berrigaba haraadiga sunta warshadaha ku shubaan, qaarna loo saxiixey kallumeysi aan qiyaas laheeyn in ay ka kallumeystaan iyagoo kallumeysatada Soomaaliyeed waayeen meel ay ka kallumeeystaan maxaa yeelay qolooyin kaas oo wata maraakiib casri ah warshadahoodina ku dhex yaalin illa iyo ciidii baddeena ay xaalufiyeen, iwm. Intaas waxaa ka daran in ay lug ku leeyihiin kana dambeeyaan sida foosha xun ee bani adanimada ka baxsan loola dhaqmay Xildhibaanda iyo shacabka Soomaaliyeed e degen dalka Kenya. Ujeedada ugu weeyn laga leeyahay waxa ay tahay in la barakiciyo Xildhibaanada jooga Nairobi kuwaas oo ka soo hor jeeda Dowlada sideysan u helin meel iyo wakhti ku shiraan kagana doodaan sida ay Dowlada ugala

doodi lahaayeen waxyaala ku dhaliilayaan.

Soomaaliyeey soo gababeyoo, Dowlada ku uruursan Filla Soomaaliya saarana diyaarada dusheeda, degena hoteelada adunka ugu qaalisan dadkeenina madfac ka dul yeerayo dibedana daadsan yihiin gaajana diirkii ku dhegay is weeydiyoo maxeey dan ah oo dadka iyo dalka u haysaa?



Allidamaale Axad