Search This Blog

Sunday, January 24, 2010

Dowlada Shriif ayaa u magacawday maamul cusub oo hoor Gobol ah deegaanka uu kasoo jeedo ee Shabeelaha Dhexe

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa maanta u magacawday maamul cusub Gobolka uu kasoo jeedo ee Shabeelaha Dhexe.

Maamulkan ayaa maanta lagaga dhawaaqay xaflad ka dhacday aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia taasoo lagu kala diray ciidamadii Daraawiishta.



Maamulka ay dowlada Shariif Seekh Axmed u dhiibtay Sh/dhexe oo ah mid magac u yaal ah ayaa looga fadhiyaa sidii uu u tagi lahaa magaalada Jowhar oo ay haatan gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Wareegtada lagu magacaabay maamulkan oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sh Axmed ayaa waxaa gudoomiye loogu magacaabay Cali Maxamuud Caddow (Cali Jowhar), halka Kuxigeeno looga dhigay ilaa saddex kuxigeen oo ay ku lamaanan yihiin dhinacyada Siyaasada, Maaliyada iyo Nabadgelyada.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Arrimaha Siyaasada iyo Bulshada C/llaahi Macalin Xuseen Maxamuud, waxaa kaloo Gudoomiye Kuxigeenka 3aad ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyada Cali Cismaan Ibraahim, waxaa kaloo Gudoomiye Kuxigeenka afaraad ee Arrimaha Nabadgelyada iyo Xasilinta loo magacaabay Col. Xasan Axmed Muudey.

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Cali Maxamed, waxaana Maamulkan uu dhaqan galayaa sida lagu sheegay wareegtada wixii ka dambeeyay Maanta.

Waa marki ugu horeysay ee ay dowlada Shariif Sh Axmed maamul u magacaabato Gobolka Sh/dhexe tan iyo marki lagu soo yagleelay magaalada jabuti bilowgi sanadki aan kasoo gudubnay.

Magalaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Sh/dhexe waxaa dhawaan gaaray saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab kuwaas oo iyana maamul cusub halkaasi kasoo dhisay,iyadoo la bedelay maamulkii hore ee Al Shabaab.