Search This Blog

Sunday, January 24, 2010

Col.Bariise “Axmadey Ow Kuu Kuu Mucaaradka ayuu katirsanaa laakin in Wadooyinka lagu dilo waa Xaaraan”.


Taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilal isdaba joog ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanada dowladu maamusho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowlada KMG Somalia Col.C/laahi Xasan Bariise ayaa shaaciyay in ay baaritaan adag ku ku hayaan dilkii ay Ciidanka dowladu KMG ah ugaysteen Wiil uu dhalay Majaajiliiste Ow Kuu-Kuu.


Col.Bariise ayaa si cad u sheegay in Marxuumka ladilay uu kamid ahaa Xoogaga dowladda kasoo horjeedo balse wuxuu su’aal ka keenay cidda sharciga u leh in ay dil ugaysato Marxuumkaasi.

“Boolisku wuu baarayaa cidda dishay Wiilka Ow Kuu Kuu iyo dilal kale oo magaalada ka dhacay,waxaan xaqiijinay in Marxuumka ladilay uu Mucaaradka katirsanaa laakin ma ahan in wadooyinka lagu toogto isaga oo aan Maxkamad dowladeed marin”ayuu yiri Bariise.

Taliska Booliska ayaa intaas ku daraya in dilal fool ka dheceen degmooyinka Waaberi iyo X/jajab oo ay dowladu maamusho halkaasna Boolisku baaritaano ayay ka wadaaan.

Maalinimadii Jimcaha ayay Ciidamo katirsan Dowladda KMG ah agagaarka Ex.Fiyoore ku toogteen Axmed Ow Kuu Kuu kadibna ay ka qaateen Mobile iyo lacag uu watay taas oo dadka ku dhalisay caro maadaama Marxuumka ladilay uu kasoo jeedo qoys Fanaaniin caan ah.