Search This Blog

Saturday, January 23, 2010

Nin Mareykan Ah Oo Beertay Geed Qaad Ah Isago Aan Garaneyn ... Khaati Ka Istaagay Soomaali


Allow Qaadka Qiil Nooga Samee ... Waxaa Umada Soomaali Xoogeedi Ku Saqiiray Mafrashyada Qolalka La Ciiraya CO2 " Qiiqa Nikootinka" ... Sheekooyinka Halaasiga Ah Bar kuma Taalka Iyo Khidadaha Laysarka Loo Yaqaan ee mirqaanku Hago.


John iyo Coralie McDavitt Oo u dhashay Mareykan cariga Kaliforniya waxay jecel yihiin geedka ay abuurteen, laakiin waxaa ka sii jecel oo cirka ku mara Afrikano ka yimi East Afrika gaar ahaan Soomaali maryooley.

Geedkoodii caleemaha lahaa oo had iyo jeer quruxda badnaa wuxuu si lama filaan ah u noqday mid aanan caleemo lahayn oo foolxun .... Caleemaha geedka waxaa ka cuna Soomaalida halkaa degan iyo kuwa ka fogba .... Geedku waa geedka qaadka. Ninkan iyo haweeneydiisa ma'aysan ogeyn in ay beerteen geed dadka qaar ku qayilaan oo cirka ku maraan.

Mr. John wuxuu ogaaday in geedka ay dad kale jecel yihiin mudo hada laga joogo 4 sano waxuu guri ku soo garaacay dhowr nin oo ka codsaday in ay geedka gurtaan. Wixii markaa ka dambeeyay wuxuu sheegay in ay dadka iska yimaadaan iyagoon codsi bixin dabadeedna ay geedka gurtaan. Waxay yimaadaan sida uu tilmaamay waqti walba maalin iyo habeenba.

Dadkii ayaa faraha ka batay. Waxuuna marwalba maqlaa buuq farabadan. Dadka badankiis waxay yimaadaan iyagoo wata cinwaanka address-ka guriga. Waxay u muuqataa in magaalada oo dhan la soo siiyay address-ka guriga. Dhibaato weyn ayay John iyo xaaskiisa kala kulmeen arintan. Sababta ay geedka u abuurteen waxay ahayd jacayl ay u qabaan geedka quruxdiisa. Quruxdii geedka iyo caleemehiisaba waa ay dhamaadeen.

Si ay wax uga qabtaan arintan waxay bilaabeen in ay qoraalo ku dhajiyaan banaanka. Qoraaladaas oo leh fadlan ha guran geedka, ka fagow geedka. Markii ay taas shaqayn weysay oo la akhrin waayay ayay waxay bilaabeen in ay geedka caleentiisa ku shubaan waxyaabo wasaq ah oo dheg dheg ah. Taasna waa u shaqeyn weysay, xitaa waxay hoos u dhigi weyday qulqulka dadka oo isbuuc walba sii laba jibaarmayay.

Waxay kaloo jarjareen laamihii hoose ee dadka u fududeynayay in ay geedka fuulaan si ay caleemaha kor uga soo gurtaan. Isagoo John u haysta in uu dhibaatadii haysatay xal u helay oo aad u faraxsan ayuu maalin isagoo gurigiisa ku jira maqlay buuq farabadan, markuu banaanka u soo baxay ayuu arkay in geedka dushiisa laga buuxo. Wuxuu la yaabay sida ay ku koreen geedka oo laamihii laga jaray.

Markay wax walba u shaqeyn waayeen ayay go'aan-sadeen go'aan aysan filayn in ay waligood gaarayaan kasoo ah in ay jaraan geedkii ay jeclaayeen si uu buuqa uga yaraado. Xaafada ayaa ahayd inta aanan geedka la baran meel aad u buuq yar, laakiin waxaa arintaa badalay geedka.

Mr. John iyo xaaskiisa hadey geed kale beeranayaan waxay talo ku gaareen iney la tashan-doonaan khubarada ku xeelka dheer geedaha si uusan u beeran geed ay dadka qaar cirka ku galaan oo ku marqaamaan.



Mohamed Deeq Xaaji