Search This Blog

Saturday, January 23, 2010

Codsi Qareen Degdeg ah


Waxaa Xaley marta sharaf u ahaa telefisionka Universal ,Xuseen Caydiid, waxaana wareysanaayey Cabdisalaam Harari.
Waxaan qareennada u doodo xuquuqul insaanka , iyo kuwa naftooda u huro inay soo dhiciyaan xuquuqda Banii aadanka meel kastaa ee ay joogaan.
Inay cajalka laga duubey Xuseen Caydiid ay ka raadsadaan Televisionka Universal , taasi oo caddeyn u ah , qirashadiisa , ah, inuu dhowr iyo toban sannadood uu boob u geysanaayey gobolka Shabeellada hoose.
Asaga oo laftiisa iyo tii Aabbahii ka fogeynaayo inuu u saxiixey shirkadaha badda xaalufiyo, ayaa waxuu qirtey inay labadooda ay shirkado u saxiixeen, lacag yerna ka qaadan jireen, oo sannadkii gaareysa intaa oo milyan oo doollarka Mareekanka ah, inay dadashaan Muuska beeraha Gobolka Shabeelald Hoose.

Xuseen Caydiid waxaan doonayaa in la saaro maxkamadda cadaaladda dunida oogu yeraantana laga qaado , amase lagu soo dallaco intii uu daldalanaayey.

Xuseen Faarax Caydiid waa nin umadda Soomaaliyeed ka qaadey Jinsiyadda, lacagtana ka tirtirey, xuduudkana u furey dowladda Ethiopia inta uu ahaa ra'iiusl wasaare ku xigeen, taasi oo ay ka horreysey goortii uu sal ballar madaxweyne ka ahaa.

Waagaasi oo uu iibiyey beerahii Muuska , una saxiixey shirkado Talyaani ah, saa darteed qareennada waxaan ka codsanayaa inay shirkadaha Talyaaniga iyo Xuseen faarax caydiid ba lasoo joojiyo Maxkamadda Xuquuqul insaanka.

Keedka Televisonka Universal waxaan ka codsanayaa inuusan tirin cajalka Xuseen Caydiid, ee ay ka duubtey, ayna soo baahisey, Habeen Arbaco 20/01/2010.taasi oo ah xuquuq deegaan dhan, ee la boobaayey 19 sano.

Xaayle Eemaan Suufow:

xaayle278@hotmail.com