Search This Blog

Saturday, January 23, 2010

Daahir Calasow dab shidnimada dadnimo xumo & doqonimo ayaad u leedahay


Dad badan oo Soomaali ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay marqaati ka ahaayeen oo ay u soo joogeen buraash dhiiqo iyo usgag badan oo uu saxaafada la dhex wareegayey nin magaciisa lagu sheego Daahir Cabdulle Calasow oo sida uu sheegto isku dhajiya beel aanu ab iyo isir u laheyn oo ka mid ah beelaha Hawiye, Habar Gadir hadii aan hoos ugu daadago Sacad.


Buraashkaasi dhiriqda leh ee ninkaasi uu la dhex meeraysaneyey saxaafada sanooyinkii ugu dambeeyey ma aysan ka badbaadin siyaasi, Sheekh, haween, urur, dawlad, hay’ad, shirkad, shakshi, beel ama muslim iyo gaal, waxaana yax yax iyo yaab noqotey sida ninkaasi indho la’aanta, ILAAH ka dheeraanta, been abuurnimada, fidno jacelyka iyo xumaan doonista uu isugu taagay dad aad u fara badan.

Dad aad u badan oo sharaf iyi xushmo ku dhex leh ummada Soomaaliyeed iyo aduunka ayuu Daahir isku dayey in uu shaarkooda ceebaysto laakiin taasi ma noqon mid u dhacda sidii uu rabay waayo horey ayaa Soomaali ugu maahmaahdey “Beentaada Hore runtaada dambe ayay u daran tahay” oo cid aaminta beentiisa iyo xumaan jacaylkiisa ayaan jirin maadaama la wada ogtahay in uu yahay shakhsi aad u jecel in uu dadka ku baado qoraalada uu ku qoro web site-kiisa caanka ku noqdey beenta, fidnimda iyo argagax galinta ummada Soomaaliyeed.


Daahir & aqoontii aan bartey


Waxaa muhiim ah in la is waydiiyo waa kuma Daahir Calasow, ugu horeyn horta waxaa nasiib daran oo ayaan daran magaca Daahir oo ah mid xushmo iyo nadiif ah, magacaasi qof kasta oo la dhaho wuxuu dareemayaa ceeb iyo yax yax marka la arko ninkan magacaasi wanaagsna wata ee dhiiqada iyo usgaga ka dhigay magacaasi ee ummadii oo dhan ku duleeyey.

Daahir Cabdulle anigu aqoon aad u durugsan uma laheyn, laakiin markii iigu horeysay waxay aheyd ee aan si fiican u maqlo sanadkii 2002-dii xiligaasi oo uu socdey shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya ka socdey kaasi oo lagu dhisay dawlada KMG ah, intii uu shirkaasi furmin ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa I soo wacay ninkan oo aan aad ula yaabay sida uu ku helay telefonkeyga, wuxuu ii sheegay in uu yahay nin aan qaraabo nahay, wuxuu I waydiistey in uu wararka u soo diro idaacada aan madaxda ka ahay, waxaan ku iri horta hadii saxaafad laga hadlayo ma ahan qabiil iyo garasho in la isku shaqaaleeyo ee wixii aad taqaan oo xirfadan ku aadan waan tixgalinaynaa waana u baahanahay qof halkaasi wararka inooga soo tabiya.

Hadalkaasi markii uu na dhex marey waxaan farey masuuliyiintii warqabadka inay ninkaasi wareystaan oo ay eegaan xirfadiisa saxaafadeed iyo in uu yahay wariye, mudo ka dib ayuu bilaabay in uu idaacada u soo diro warar, maalmihii ugu horeeyey waxaa aad iigu soo noq noqotey cabasho ka imaanaysan warqabadka iyo madaxa wararka taasi oo ku aadan in ninkan aan wariyaha ka dhiganay uu had iyo goor wararkiisu yihiin kuwa uu dad wax uga sheegayo, maalintii dambe ayuu ii soo diray e-mail uu ku leeyahay saaxiib mudane Agaasime ha la soo galiyo warbixintaasi web site-ka, runtii arintaasi waxay aheyd mid aan dhici karin, wuxuu Daahir aad uga sheegayey Mowliid Macaane oo ka mid ahaa madaxdii kooxihii shirkaasi ka qayb galayey, isagoo waxyaabo aan hada soo bandhigi karin ku ku soo qoray qoraalkiisa kuwaasi oo lidi ku ahaa aqlaaqiyaadka saxaafada, waxaan ku iri qoraalkaasi lama soo galin karo web site-ka isagan waxaan ku iri arimahaasi ha noo dirin ee wixii war ah ee aad hayso soo gudbi.

Mudo ka dib ayuu sidoo kale soo qorey qoraal uu aad ugu caynayo dadkii shrike ka qayb galey, qoraalkaasi oo ihaano iyo sharaf xumo ku ahaa ka qayb galayaashii Soomaaliyeed ee shirkaasi ka qayb galey, qoraalkaasi halkan ka eeg.

Mudo laba sano ku dhaw oo uu nagu hayey qas iyo jahwareer iyo in uu dadka caayo ayaan maalintii dambe waxaa lagu gaaray go’aan in laga joojiyo wararka uu noo soo diro, waxaana sidoo kale na soo gaareysay xog iyo warar dheeraad ah oo ku saabsan shaqadiisa ka baxsan saxaafada oo ay ka mid tahay laaluush uu waydiisto qof kasta oo shirka ka qay galayey hadii kale uu wax ka soo qori doono, handadad uu ku hayey cid kasta oo uu ka waayo shaxaad ama laaluush.


Daahir waa Kuma?

Daahir wuxuu sheegtey sanadihii sagaashameeyadii beesha Sacad isagoo xusay in uu ka yahay beesha reer Maxamed oo ka mid ah 13-ka Jilib ee Sacad laakiin waxaa la yaab leh sida Daahir uu uga baxay beesha uu sheegan jiray wixii ka horeeyey sagaashameeyadii.


Mudo fara badan ayaa su’aalo la iga waydiiyey qofnimada iyo dadnimadiisa waxaanse kaga gaabsadey taariikhda ayaa soo bandhigaysa qof kasta,

Daahir hadii aad Sacad tahay oo reer Maxamed tahay bal walaalkaa ama adeerkaa caawa ha lakala haree soo cadee oo hebel dheh, hadii ayse tahay kugu qabsadey qabiilku ma ogi, mideeda kale waxaa sharaf xumo u ah beesha aad sheeganayso inaad u dhalatey ee aad isku dhajinayso usgaga iyo dhiiqada maalin kasta aad hunqaacado isla markaana aad dadka kula dul dhacdo.

Soomaalidu waxay u taqaan qofka ka been sheega dadnimadiisa iyo qofnimadiisa mid aan sugneyn dhalashadiisa, waxay u muuqataa in Daahir uu yahay mid ka mid ah ALLE ku sii waxa loo yaqaan, hadii aadan aheyn Daahir bal is cadee oo inoo sheeg waxa aad tahay.

Waxaan aad uga xumahay cuqaasha, waxgaradka iyo dhamaan dadka beesha uu Daahir isku nabo in uu galay ay ku fiirsadaan foolxumada iyo dhiiqada uu lugaha ku wato ee maalinba qof ku tirayo, iyagoo runta u sheegay, waxaana halkan uga dirayaa raali galin cid kasta oo u aragta magaca beesha uu sheegto Daahir in uu ku waxyeeleeyey.


Mintidinimada Daahir ee Sacadnimo iyo Galmudug.

Asxaab badan oo ka mid ah beesha uu Daahir isku dhajiyo ayaan dhawr mar ka sheekaysanay sida Daahir uu isaga dhigo nin beesha ku abtirsado, taasi oo ay ugu horeyso in uu uga muuqdo kuwa badan oo beeshaasi ka mid ah in uu ka jecel yahay beesha iyo deegaanada ay degto ee Galmudug, taasina waxaa loo qaatey qof kasta oo bulsho ku soo biira in uu ka xagjirsan yahay dadka bulshadaasi asal ahaan ka soo jeeda.

Daahir iyo Waayihiisii qoriga

Qaran jabkii ku dhacay dalka iyo markii ay meesha ka baxdey kala dambeyn la’aantii iyo amarkii waxaa sida ayaxii loogu yaacay hantidii qaranka oo ay ka mid ahaayeen noocyada kala duwan ee hubka, xiligaasi oo ay burburey dawladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad, Daahir wuxuu qayb ka noqdey dadkii u dhacay xeryihii ciidamadu ka baxeen, waxaana xiligaasi uu gacanta ku dhigay qori nooca kaarabiinka loo yaqaan halkaasi oo ay uga bilaabatey nolol uu muruqiisa ku xamaalaneyey in uu dadka xoog iyo qori caaradiis uga qaato waxa ay wataan, gaar ahaan dadka maatida ah.


Sanadahaasi Daahir oo loo yaqiin Daahir Dibi wuxuu caan ka ahaa Suuqa xoolaha halkaasi oo uu ka sameystey isbaaro uu lacagaha baada uga qaadan jiray gawaarida dadka rayidka wataan gaar ahaan kuwa cawska, caanaha iyo qoryaha keena Suuqa Xoolaha.


Shaqadaasi xoogsiga qoriga ah daahir wuxuu ku muteysatey in uu qori caasha ka galiyo cid kasta oo isku dayda inay ka biyo diido inay bixiso lacagta baada ah, waxaana taasi ay keentey in subaxyada uu leeyahay kaltanka isbaaro dhigida ay lacagta hal haleen u bixiyaan marasta uu baada wax uga qaato.


Daahir & Ninkii Dameerka xaabada ku sitey

Subax ka mid ah subaxyadii uu Daahir ku qornaa meertada isbaarada ayuu ku soo kalahay halkii labada dhaga iyo qoriga isbaarada ay u tiil, ee ummada uu ku kadeedi jirey, isagoo sita qori la iigu sheegay Saar 80, amaankuna u furan yahay, indhaha ku leh diif iyo dhag dhag, afkuna qatuush yahay sidii xaley oo dhan uu u cunayey qaadka laariga loo yaqaan, indhuhuna kala taagan yihiin sidii uu kaniinada maskaxda dooriya isugu gurayey.


Daahir oo naftii aragtaa ay ka argagaxayso ayaa isbaaradii istaagey waxaa durbadiiba soo istaagay nin miskiin ah oo dameer xaabo ku sita, kaasi oo u soo shaqo tagay in uu ku quudiyo xaabadaasi wixii ka soo baxa, ninkii miskiinka ahaa oo naxsan oo la yaaban habaar qabahan ku soo aaday ayaa la soo booday “Salaamo Caleykum”, hal mar ayuu ku gubay indho naxariis daro iyo arxan daro ka muuqato wuxuuna la soo booday Salaantada wase doofaryahow doofaarku dhalay keen 10 kun shilin.


Ninkii miskiinka ahaa ee dameerka xaabada ku sitay ayaa dhahay “Arey walaalow waxba ma hayo hadaan suuqa u socda oo xaabadan wataa oo ilmaha sonkor ugu soo doonay wax lacag ahna ma hayo”. Daahir oo caro ka muuqato ayaa qorigii ku soo taagey ninkii miskiinka ahaa isagoo madaxa ka saaray ka dibna dhahay “Waraa ILAAHAYAA og shan ayaa kugu dhacee hadii aadan qoraacda iska keenin”


Miskiinkii oo naxsan ayaa la soo booday “Waxba ma haayo ee ILAAH ka baq”, intaasi markii ay afkiis aka soo baxdey ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in uu sadex xabo madaxa kaga dhuftey ninkii,, halkaasi oo uu ku geeriyoodey, isagoo sidoo kale dameerkiina dhawr xabo caloosha kaga dhuftey, waxaana arxan laawe Daahir uu ku celcelinayey ereyo laga xusuusto “Xey xaqeena isugu dhajiyaan xabadi ha dishee”.



Ninkii meydka ahaa ayuu gees uga riixay dukaankiisii isbaarada ahaa, dad meesha marayey ayaa meydkii maro saaray islaanimo awgeed iyagoo cabsi ka qabey in Mooryaan daahir uu iyagana ku daro.


Mudo yar ka dib ayaa waxaa soo istaagay gaari ay ku raran yihiin tobaan dhiil oo caano ah, gaarigaasi oo ahaa Satey Daahir iyo mid kale oo habaar qabe ah oo isna soo kacay ka dib markii ay doroogadii ka baxdey, Daahir iyo inkaar qabihii kale waxay hor istaageen gaarigii waxayna dalbadeen lacag 100 kun oo leejo ah, gaariga oo aan wadin wax ganacsi buuran ah ayaa wadihii wuxuu la soo booday “walaalayaalow ma hayo lacagtaasi ee wax iga dhima dhiilal caano ah ayaan wadaa”.


Daahir wuxuu dhahay ninkii soo deg, ka dibna waxaad dhahdaa lacagta iga dhin ninka halkaasi jiifa oo ah taliyaheena, isagoo farta ku fiiqaya ninkii meydka ahaa, darawalkii waxa uu Daahir sheegayo run ayuu u qaatey ka dibna wuxuu damcey in uu kiciyo ninkii meydka ahaa mudo markii uu dul taagnaa ayuu is yiri marada ka qaad mise waa nin meyd ah, ninkii oo naxsan ayaa gaarigii ku soo cararay ka dibna islaamihii masaakiinta ahaa ee caanaha watey ayuu inta u yimid dhahay “Islaan ma tihiin boobsiiya lacagta isku dar dar kuwan ILAAH ha naga qabto shartoodee”.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxay ku macneeyeen ujeedada Daahir Mooryaan in uu ninka u diro fariin ah in hadii aanu lacagta bixin la dili doono, sidaasina uu ku helo baada isbaarada uu dhigto.


Sheekada kale ee sida weyn loo ogsoon yahay ee ka dhacdey Suuqa xoolaha ayaa ka dhacdey Isbitaalka Xabeeb ee ku yaal deegaankaasi halkaasi oo sanadihii 96-99 uu Daahir ka ahaa waardiye, maalin maalmaha ka mid ah ayuu Daahir marqaan wareeray ka dibna wuxuu isagoo wata qori AK 47 ah uu xoog ku galay bakhaarkii daawada isagoo xoog ku qaatey 300 oo faleembo loogu tala galay caruur boqol ku dhaw oo cudurka shuban biyoodka loo keenay isbitaalka.

Daahir maalintii uu dhacay faleebooyinkii caruurta loogu tala galay ayuu ka soo cararay deegaankaasi wuxuuna soo galay mid ka mid ah deegaanada ay ku badan yihiin maleeshiyaadka beesha uu hada isku dhajiyo halkaasi uu ku qaatey magaca beesha uu hada qasabka iyo isku xoqitaanka iskugu dhajiyo, isagoo halkaasi ka sii watay shaqadiisii qori ku xoogisaga.


Sanadkii 2001dii ayuu Daahir si aan ilaa iyo hada la aqoon balse lagu tilmaamay nasiib xumo saxaafada u bilaabay wuxuu shaqo aan cadeyn ujeedkeeda uu ka bilaabay Idaacad ka hawlgali jirtey magaalada Muqdisho, isagoo sida la sheegay isku wayay labadaasi shaqo ee saxaafada iyo qori ku xoogsiga ee aan shaqada isku laheyn.


Wariyeyaal ka mid ahaa saxafiyiintii Idaacadaasi ka hawlgali jirtey ayaa ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah Daahir oo ka maqan idaacada ay yimaadeen niman hubaysan oo caro ka muuqato kuwaasi oo sheegay inay doonayaan maamulka idaacada, ka dib markii nin wariye idaacada ka ah uu dhac u gayetey.


Maamulkii idaacada oo argagax iyo yaab ka muuqdo ayaa ragii hadalka u qaboojiyey iyagoo ka codsadey in sida ay u wax jiraan ay u sheegaan, ragii oo yara degay ayaa waxay sheegeen in nin la dhaho Daahir oo idaacadaasi wariye ka ah uu dhac u geystey xarun ay lahaayeen, isla markaana ay doonayaan ninkaasi iyo xoolihii uu ka soo dhacay, hadii kale balo ay dhici doonto.

Maamulkii idaacada waxay ku qanciyeen ragii inay arinta u daayaan oo wixii la xalin karo la xaliyo isla markaana hubka ay kala tagaan idaacada, markii sidaasi lagu heshiiyey oo nimankii ay baxeen ayaa mudo yar ka dib waxaa soo galey idaacada Daahir oo aan sidii lagu yaqiin ka badal, wuxuu sitey macawis, cimaamad iyo qamiis waxay aheyd maalin jimce ah.


Maamulii iyo shaqaalihii idaacada ayaa qosol iyo is fiiris galey, waxay la yaabeen ninka hada loo haystodhaca iyo boobka oo hadana sidii wadaadkii u labisan, Daahir wuxuu fahmay in xaaladu xun tahay oo isaga isha lagu hayo hal mar ayuu wuxuu la soo booday “Maxaa dhacay oo la iga soo wada eegayaa”.

Agaasimihii idaacada oo aad u caraysan ayaa yiri “Waryaa wax dhaqan xun ayaad tahay ee maxaa waxaasi kugu kalifay, hadii aad dhaqankaasi taqaan hada si deg deg ah iiga bax xarunta”.


Daahir oo indhaha mirig mirig ka siinaya ayaa la soo booday “Agaasime horta is daji wax ii sheeg ILAAHAY ayaan kugu dhaarshaey”, Agaasimihii oo yaaban ayaa sheekadii u sheegay.


Daahir isagoon hadalka badin ayuu dambigii qirtey, wuxuuna sheegay in ay ku baxsdeen xoolihii, hadana uu ka towbad keenay uuna ka wato qamiis iyo cimaad, waxaase la yaab leh ma qamiis ayaa cibaado iyo ALLE ka cabsi ah mise waa niyada iyo qalbiga, Agaasihii oo yaaban ayaa la soo booday oo hada ma qirsan tahay “Haa” ayuu la soo booday.

Agaasimihii wuxuu dhahay fadlan si deg deg ah shaqadan uga dhex bax, dib dambe ha u imaan xaruntan.



Haduu durdur iyo dabaal galo doofaar abidkii ma daahiro, Daahir halkaasi ayuu ka sii watey hawshiisii qoriga iyo mooryaanida isagoo ka mid noqdey koox isbaaro u tiil ex control Afgooye. Waxaa la yaab leh oo hadana qaracan iyo nasiib xumo ah sheegashada saxaafada iyo wariyenimada Daahir uu sheegto, tiiyoo ay u sii dheer tahay in wali ku jiro mooryaanimadiisii oo uu shirkadii iyo shakhsigii shaxaad iyo laaluush uu ka waayo ilkaha daxalka ah uu surto.


Daahir sidee ku tagey Yurub

Waa nasiib daro kale in Daahir uu ku sameeyo xadgudub iyo xuquuq ku tumasho mid ka mid ah dalalka dunida ugu cadaalada wanaagsan, isla markaana uu maalin walba shirkad iyo shaksiyaad Soomaaliyeed uu aflagaado iyo been ka sameeyo, waxaase ILAAH mahadii ah in hada ay dhaw dahay xiligii cadaalada la horkeeni lahaa beenta iyo fidnida uu Daahir caadada ka dhigtey.


Shirkadaha uu sida bareerka ah isugu dayey in uu baad ahaan wax uga sheego waxaa ka mid ah Qaran Express, Daalo Airlines, Dahabshiil, Hormuud iyo kuwa kale oo gaar loo leeyahay, isagoo ujeedada ugu weyn ay aheyd in uu baadii iyo isbaaradii uu Xamar dhigan jirey Yurub uu keeno.

Laakiin waxaa ilo xog ogaal ah cadeeyeen in hada ay ku socoto Daahir dacwado ka dhan been abuurka iyo huuhaada uu Ummada isku dayo in uu ka dhaadhiciyo, isla markaana hada lagu hawlan yahay sidii dalkaasi looga musaafurin lahaa, iyadoo loo cuskanayo sheegashadiisa ah in uu u dhashay Galmudug oo ah deegaan amaan ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa” Daahir tiro ka dhawr jeer ayaan ku iri “Ninyahow dhaqankaasi waa laga wanaagsan yahay ee shaqo iyo hawl yeelo iskana daa ummada” laakiin nina caadi ma daayo Daahir habeenkii markii uu seexdo waaba hadii uu seexdee oo iska daayo qaadka afka suuska iyo mirirka ka dhigaye, waxaa ku soo maaxaysaa xirfadiisii ugu horeysay ee Mooryaanimada iyo isbaarada waana taasi mida keentey in uu maalin kasta qoro been iyo fidno.


Soomaalidu waxay tiraahdaa Meyd maxaa ugu dambeeyey waa kaas la sii sido Daahir beenta iyo qoraalada ILAAH ka fogaanshaha ee uu caadada ka dhigtey waxaa ka mid ah qoraalkan uu ku leeyahay Madaxweynaha & wasiirka warfaafinta oo wax ka ogaa qarixii Hotel Shaamow, waxaa nasiib xumo iyo jahli ah in Daahir xitaa aanu aqoon waxa ku keeni kara qatarta ama uu maxkamad ku mudan karo taasi oo ah inaanu u hayn cadeyn, waxa uu iska qoray.
Hadii ay dhacdo in ehalada dadkii qaraxaasi ku dhintey ama ku dhaawacmey ay maxkamad qabsadaan oo Daahir ka dhigtaan Martaaqi maxay tahay waxa uu ka jawaabi karo oo isaga difaaci karo oo aan aheyn in uu mutaysato xukun iyo ciqaab, hasee yeeshee dhanka kale Madaxweynaha iyo wasiirka warfaafintu ay dalbadaan cadeyn ku aadan inay wax ka ogaan qaraxaasi maxaad ku hadli kartaa oo aan ka aheyn inaad afka taagto Daahir Jaahilow.

Daahir darxumo ma taqaanid xitaa shuruucda iyo qaanuunka waxaa ka tan badan cadaafid, laaluush jaceylk, isbaaro calmasho, ILAAH ka fofaansho, aqoon la’aan, jahli, dadnimo xumo, been abuur, qalbi madoobaaday, maskax la’aan, xishood la’aan, qubxi iyo niyada iyo qaliba oo daxal aad ka noqotey.

Talo muhiim ah
U maleyn maayo inaad qaadanayso marka aan eego dhaqankaaga miyi ku korka ah waxaanse ku oran lahaa maanta hal jid ayaa kuu furan inaad dalbato cafis iyo saamaxaad ummada Isaamka ah ee aad saxarada iyo wasaqda ku firdhisay, inaad bilowdo aqoon raadin, inaad towbad keento, waxaanse hubaa inaysan kuu cadeyn taladeyda laakiin Sheleyto waa salkaaga waligaana waxaa wajiga kaaga taal qabiilkiis ka carare, Beel kale isku dhajin, mise lama yaqaan ayaad tahay oo ilmihii dariiqyada marka ay dhashaan la dhigi jiray ayaad tahay, wax kale oo ummada sidaasi u dhibaa ma jiri karaan.


Qoraa Sare
Axmed Ducaale
mukhtaar2009@gmail.com