Search This Blog

Saturday, January 23, 2010

Bosaaso:- Xukun Cadalaada ka Fog oo dhacay Puntland!


Maanta oo Sabti ah ayaa Maxkamada Bosaaso la Horkeenay Laba eedaysani oo mid ahaa Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu dilay Xildhibaan dhawaan Bosaso lagu dilay, Halka kan kale aha Nin Qoomiyada Ormada ka soo Jeeda oo isna lagu eedeeyay inuu Askar Boolis ah dilay.


Ugu Horayn wax Meesha ka hadlay Axmed Taaran oo ah kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay hayaan Cadaymo Muujinayo inuu C/Fataax Axmed Daahir [Qodax] Gacantiisa ku dilay Xildhibaanka, isaga oo Cadeeyay inay Maxkamada Joogto Haweenay uu sheegay inay Markhaanti tahay.

Eedaysani C/Fataax ayaa si Ba"an isaga Difaacay Dacwada uu soo jeediyay Axmed Taaraan oo ay Hayb wadaagaan Gudoomiyihii la dilay Maxamed Cabdi Awaare, waxana uu qeexay Eedaysani C/Fataax inaanu Lug ku lahayn isla markaana waxba kala socon dilka Marxuunkaasi.

Qareen u doodayay C/Fataax ayaa si Kulul uga Jawaabay eedaynta ay soo jeedisay Xeer ilaalintu isaga oo Cadeeyay inaanay Shareecada Islaamku sheegayn inay Markhaanti Gasho Haweenay dumar ah.

Intaasi ka dib Gudoomiyaha Maxkamada C/saaq Xaaji Aadan oo ah nin Reer Garoowe ah ayaa ku dhawaaqay Go"aan aan laga Fiirsan oo deg deg ah waxana uu Yiri"Kadib markii aan dhegaysanay Xeer Ilaalinta Maxkamada waxaan Go"aan ku Gaadhnay in C/Fataax Axmed Daahir uu Falkaasi si Badheedh ah u Fuliyay isla markaana waxa lagu Xukumay dil Toogasho ah.

Xukunta deg deg ah ka dib ka dib ayaa Maxkamada wax ka Bilaabatay Buuq iyo Sawaxan looga soo Horjeedo Xukunka Cadaalada ka Fog ee qolka Madow lagu Maleegay, taasina waxay dhabta u Xaadhay in Ciidamo lagu soo dhoobo Irida Hore ee Maxkamada Bosaaso.

Warar dheeraad ah ayaa iyana sheegaya in Beeshii laga dilay Xildhibaan C/laahi Cali [Karaad] aanay ku Qanacsanay Xukunka Maxkamada isla markaana ay u baahan yihiin in Cadayn dheeraad ah la Keeno.



Maamulka Sare,


Info@galgalanews.com