Search This Blog

Monday, January 25, 2010

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiiin oo Maamul cusub u magacawday Gobolka Galguduud


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horreysay maamul u magacowday Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo Degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolkaas, iyadoo xafladdu ay ka dhacday Degmada Ceelbuur.



Magacaabidda labadan maamul oo ka mid noqonaya maamullada Xarrakada ee ka jira Gobollada dalka intooda badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa aqoonyahanno, culummo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolkaas.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxa Siyaasadda iyo Xiriirka Gobollada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqay Magacyada mas'uuliyiinta loo magacabaay Gobolka iyo degmada, iyadoo xubnaha la magacaabay qaarkood ay madasha ka maqnaayeen.

Maamulka Gobolka Galguduud loo magacaabaya ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

Sheekh Yuusuf Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade), Guddoomiyaha Gobolka Galguduud

Sheekh Daahir Macallin Axmed, Mas'uulka Garsoorka

Sheekh C/kariin Maxamuud, Mas'uulka Xafiiska Dacwadda iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Yaasiin Geeddi, Ku xigeenka Mas'uulka Dacwada iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Cali Geeddi, Mas'uulka Ammaanka

Sheekh C/qaadir Axmed Samatar, ku xigeenka Mas'uulka Ammaanka

Sheekh Xuseen Ibraahim Cali, Mas'uulka Maaliyadda

Sheekh Cimraan Bashiir Max'ed, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda


Maamulka degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa iyagana waxaa loo magacaabay Mas'uuliyiinta kala ah:

Ciise Barre, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur

Khaliif Qaariye Farey, ku xigeenka Guddoomiyaha

Sheekh Abubakar Muuse Max'ed, Mas'uulka Garsoorka

C/qaadir Cali Axmed, Mas'uulka Tacliinta iyo Dacwada

Inj. Axmed Cabdi, Mas'uulka Ammaanka

Jiinow Cali Ibraahim, ku xigeenka Maamulka Ammaanka
C/llaahi Abshir Faarax, Mas'uulka Maaliyadda
Ciise Salaad Cali, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda

Mas'uulka xiriirka Gobollada iyo Siyaasadda ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo la hadlay mas'uuliyiinta ayaa ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii ay dadka ugu adeegi lahaayeen, wuxuuna sidoo kale ka dalbaday dadku inay maamullladan gacan siiyaan.


Gobolka Galguduud ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xarrakatul Shabaab, iyadoo mas'uuliyiin saakay u hadlay ay sheegeen inay la yaaban yihiin maamulkaas loo magacaabay Gobolka.










Banaadir Post