Search This Blog

Monday, January 25, 2010

Xarakada Shabaab oo kiciyay Wiishkii caanka ahaa ee Warshada Balcad


Xarakada Shabaab ayaa maanta kiciyay Wiishka caanka ahaa ee Warshadii Balcad, kaasoo shaqaalihii ka howl geli jiray Warshadaas loogu yeeri jiray, waxaana maanta ay warbaahinta ay tuseen agabkii warshadaas oo aan halna ka maqneyn.



Koox Suxufiyeen ah oo Shabaabka ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta soo tuseen Agabkii warshadii balcad ay laheyd, kadib markii horay u bililaqo u geysteen, hase ahaatee ay dib u celiyeen sida ay dadka deegaanka soo sheegeen.
Saraakiisha Alshabaab ayaa wariyeyaasha ku soo wareejiyay agabkii yiil warshadaas oo ka mid ah warshadaha kaliya ee ka bad baaday bur burkii dalka, waxaana dadka reer Balcad ay maanta qiiro ku reebtay wiishka la yeeriyay.


Mid ka mid ah Engineerada Warshadaas ayaa sheegay in warshada ay howl geli karto, isla markaana ay u baahan tahay kaliya dayactir, waxaana warshada ay leedahay 154 Mashiin oo dharka lagu soo saari jiray.

Bilo ka hor ayay ahayd markii laha been abuuray  Alshabaabka lagana sheegay waxaan horey looga baran.