Search This Blog

Monday, January 25, 2010

Wiilka Soomaaliyeed oo mar kale Man City u saftay FA Cup

LONDON, CIYAARO-Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City iyo Scunthorpe koobka FA dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi Salaan Ibraahim Cadaay, kazoo watey funaanada lambarkeedu yahay 48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man City.



Kooxda Man City oo ah koox weyn islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa ah wax aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.

Run ahaantii magaalada London bahda isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare.

C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara tusaale ay kaga daydaan(Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.

Kooxda Man City ayaa kooxda Scunthorpe ayaa waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso 4 goal halka kooxda kalane ay keentey 2 goal,

Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga, muxuu ka yiri ciyaarta iyo ciyaartooyda cusub ee kooxdiisa (sii aqri xaga hoose).

Waxaa la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare, bahda isboortiga iyo waalidiinta da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan waxaan jeclaan lahaa ku arko iyagoo xiran lambarada 48 iyo 47 oo ay ku qoran yihiin Ibrahim iyo Ayub si dhiirigalin ugu noqoto laacibiintaan cusub anagana ay noogu noqoto wax aan ku faano oo aan ku dhiirigalino waayo waxaan arkaa Soomaali badan oo ku dalkaan oo xiran maaliyado kale duwan oo hadane ku qoran yihiin laacibiin aan Soomaali ahaan, kuwaasoo qaarkood Afrikaan yihiin, marka maanta wixii ka dambeeyo balanteenu ha noqoto inaa xirano Lambarka iyo magaca wiilasha Soomaaliyeed waayo sida runtii ah magacii Soomaaliyeed ayay kor u qaadayaan anagana iyaga kor u qaadaynaa si aan bulshada aan la joogno u tusno inaan leenahay ciyaaryahano magac leh oo ka dheela Horyaalada caalamka ugu adag sida dalkaan England iyo Italy.

Waxaan leenahay hambalyo iyo guul wacan insha Allah, waxaana ka filaynaynaa hadii ay meel fiican sii garaan inay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta dalkeena gacan weyn siin doonaan mustaqbalka sida ay yeleeyeen ciyaarayahanada kale .

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London