Search This Blog

Thursday, May 14, 2009

Baaq aan aqbali karin haddaan Soomaali nahay‏

Waxaan akhriyay goor dhowayn baaq oo u soo gubiyay Shabakadda Somaliweyn .com nin aanan doonayn in me shaan magaciisa carrabka ku dhufto. Baaqa uu ninkaasi soo jeediyay waa wax caqliga ka wayn waxaana is leeyah ay in ninnkaasi walaalkeey ah ma mid hurdo oo calwasaa daya amaba caqligiisa iyo aqoontiisa aysan gaarsiin karin waxa ay tahay Dawladnimo iyo siiba waxa ay tahay Dawladda uu Madaxda ka yahay Sheekh Shariifwaa mid salka ku haysa rabitaanka Shacabwaynaha Soomaaliyeed Waxaan la yaabay oo la amakaagay in Madaxawanaha Soomaaliya oo aan ognahay sidii lagu soo doortay, tanaasulkii dad fara badan ee Madax ah uu uu horreyo Allaha daaye Mudane Nuur Cadde iyo rag kale ee qiima badan ay sameeyeen oo ay u garteen in loo doorto in Dalkeenna Soomaaliya maadaama uu yahay shaqsiga kaliga ay ku mideysaan yihiin.

Haddii uu oghayahay ninkaasi iyo inkale baaqaasi wuxuu mee ka dhac ku yahay Ummadda Soomaaliyeeed.

Markuu leeyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ha ka dago gursiga uu ku fadhiyo miyuu garan waayay in kursiga Madaxwaynenimo ay Soomaali leedahay oo lagu aminay uusanna marnaba ahayn mid uu ku dayaci ama kaga dagi karo sahlanaan iyo wax ay ku xadaaqaan shaqsiyaad. Waxaan uu sheegayaa ninkaasi walaalkeey ah ee u sheejiyay baaq in uu isaga dago gursiga madaxwaynimada in kursigaasi ay Soomaali leedahay hadduu si dhib yar uu ku dayaco Wadaadkaasi wuxuu ku sifoobayaa nin qa'imeeyay Somaliweyn waxaana meel u taal in asagana uu waxba dhaamin kuwa qaa'imiinta ah oo duullanka ku hayo Dawladda si aan loo helin nidaan kala Dambeyn oo u muuqdaan in ay riixayaan hunguri wayni iyo in ay xoog awood ku helaan ayaa lala xisaabtami doonaa.

Ninkaasi soo jeediyay baaqa dalabta leh oo kaga dalbanaayo Shekh Shariif iyo kuwa sidaasi ku fekeraayo ha joojiyeen; waxaan u garanaynaa in aysan maslaxo wadin oo ayadoo iska dhigaayo rag dhiigga daadanayo ee muslinka u naxayo misana hoos ka wata dano gaar ahaaneed.

Walaalkeey waxaan u sheegaa haddii uu danaynaayo xornimada Ummadda sharaafta iyo karaamada soomaaliyeed rag ayaa Ilaahay ka dhigay ee dhinaciisa Dawladdiisa ha ka daafacaco ama meelo uu naftiisa la galo ha daydaydo. Nin aanan geeri ku maqlin allaha daayee ayaa yiri , kaddib Markii Mudane Cali Mahdi loo doortay Madaxweyne ku meel gaar ah oo loo quuri waayay in uu Madaxnimada uu hayo labo sano oo dhinac badan dagaal aan laysu tureen lagu soo qaaday kaasoo aan ognahay in ninkii damaci haayay ee ahaa Janaraal Caydiid ay asaga xabbadii salfatay, wuxuu yiri" ANNA MAXAAN RABOOW RORGAA NINNA INOOW RIDOOW RABAA, waa la kala war la'yahay runtii maxaayeelay waa taariikh soo noqootee, hadda ayeey taagan tahay "anna mahaan raboow rorgaa ninna inoow ridoow rabaa" oo hoosta aan ka xariiqayo. Sheekh Shariif waa nin muslin qaalis ah wuxuu ku taaqan yahay musaa lixo, dib u heshiisiin iyo walaal jecli.


Miyaad garan waysaysay in Ummadda Soomaaliyeed ay soo food saartay musiibo tii ugu xumayd oo meeshii cir laga filaayay ay ceeryaamo ka timid. Musiibada waxay tahay in raggii diinta yaqaannay oo wadaadada ahaa ee la rabay in ay ummadda wacdiyaayaan isu soo dumaan garab iyo gaaashaan u noqdaan Dawladda Islaamiga ee curatay hubka u soo qaatay ee laynaayay Ummaddii.

Waxaa la yiri "TALE E' IL PADRE E" IL FIGLIO" oo micna heeda ah " wiilka waa aabbihii oo la yaaqaanno" laakin waxaan leenahay Xasan Daahir Aweys waa Caydiid oo doorsoomin.

Marka baaqaasi qalloocan la soo jeedinaayo Sheekh Shariif, ma baaq ninka dulmina u soo guntaday loo jeediyo, ninka Adduunkaan la diriraa leh maa loo soo jeediyo, maa xaqa la tusaaleeyo oo reerihiisa kuwa gacan qabadkiisa leh ay qabtaan miirka ka tagayna u celiyaaan oo wax u sheegaan.

Ma wuxuu rabaa in Soomaali ayaa jiriri jirtay in nala gaarsiiyo oo laysku bas beelo ninka runtii geed kama dhalan dhulkana kama dhalan dibna waa aygu yaqaan; sow ma wanaagsana in dambiyada ay raggaani galeen oo ah in qubuurihii Culumada Geyigani sharafta ku lahaa ku lahay ay faageen lafihiina la baxeen , in caruur inta la kufsaday misana dhagax lagu dilay in nin dhallinyaro ah oo baahi hayso oo ay kalliftay in uu dambi galo ay ka jareen gacanta midigta ayagoo 90 doollar ay kala qiimo badnaatay gacanta walaalkood. Waxaan lla soconnaa in Shekh Cali Dheere uu joojiyay gacan gooyada asagoo ka amba qaadayo Amiirul Mu'miniin Cumar Binu Khaddaad uu joojiyay gacan gooyada mar carrigii ay ku habsatay abaaro ba'an oo saameeyeen dad iyo duunyo.

Walaalayaal ninkii damiir lahoow waa in aad ka gilgilataa dhalan rogga nagu soo food haayo.

Somaaliyeey waxaa iga dardaaran ah in mabdi'iinu noqdaan gobanimo ama guul darro iyo cawaaqifxumo. Waa in nimankaas laga hor tagaa oo laga xoroobaa.

Haddaan u maro dhigto qabiil oo mar walbo afkayga ka dhawri jiray Beesha Madarkicis Hiraab oo walaaheenna ah, shalay waa ogeyn maantana waa tii oo soo noqonaysa waxaa roon oo talo iga ah wax badan ayaan qabnay utun xaggiina ah ee wax ka qabta wadaadkaan aan fiyoobeen ee idinka dhashay oo sharci gaalo iyo mid muslin mid uu ku taagan yahay aadan u jeedin, walaalkiin waxaad ugu hiilisaan xaq in aad tustaan haddii uu qaadan waayayana xaqa u hiillisaan, waxay wallaahi runtii ku socotaa in ehel walaalo ah oo horeba wax u jireen ay kala baadiyoobi doonaan.

Wadaadkaan wuxuu garan waysan yahhay in dunida oo dhan uu argagixiso liiskeeda ku jiro saas daraadeena uusan xitaa ku riyoon karin in uu Dalkan Madaxweyne ka noqdo. Walaalkiis Sheekh Shariif ayuu ku jisaaray oo u dalbay in liiskaasi laga saaro, waa indha tiran yahay wuxuu arkaa oo kaliya kursiga Sheekh kaasaa u birbiraa. Madarkicisoow walaalayaal Soomaalina idinka aqbali mayso in mar walbo Dawladnimada nagala dhexeyso aad ciidaysaan maalin walbo waxay noqonaysaa godob aan laga gar bixi karayn.

Wa billaahi Towfiiq

Faduma Axmed Maxamuud Cadde

( Qoorwayne )