Search This Blog

Thursday, May 14, 2009

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saxiixay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka

Madxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maata shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ansixiyay go'aankii dhawaan uu gaaray Baarlamaan Soomaaliya ee ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka kaddib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanku soo hordhigay Madaxweynaha qodobka la xiriira ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Madaxweynaha oo ku dhawaaqay in Dowladda Soomaaliya tahay mid ku dhaqami doonta Shareecada Islaamka, ayaa dhinaca kale sheegay in laga saari doono Axdiga Dowladda dhamaan qodobada khilaafsan Shareecada Islaamka loona saari doono arintaas Guddi Aqoon sare u leh arrimaha la xiriira is waafajinta Shareecada iyo Axdiga Dowladda.

Madaxweynaha oo xiligaas uu shirka jaraa’id ku wehliyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo ku xigeenkiisa Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sidoo kale shirka ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Max'ed Nuur Madoobe, Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Waliba Wasiirka Cadaalada Shiikh C/raxmaan Janaqow.

Inkastoo Madaxweynaha Dowladda Federaalku ku dhawaaqay in Dowladda Soomaaliya ku dhaqami doonto shareecada Islaamka, ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in qalabka warbaahinta laga sii daayay hadal uu jeediyay Mas'uulka ugu sareeya dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyt oo sheegay in Dowladda hadda jirta aan lagu tilaami karin mid Islaami ah isla markaan ay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah.

Banaadir Post
Xamar cade.