Search This Blog

Thursday, May 14, 2009

Dowladda Soomaaliya oo Taliye cusub u magacawday Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xili ay dagaal kula jirto xoogag ka soo horjeeda

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu taliye cusub u magacaabay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana xilkaas loo magacaabay Jen. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal.

Wasiirka Warfaafinta XUkuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in xilkaas laga qaaday Taliyihii hore Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), kaasi oo uu xusay in loo magacaabay La-taliyaha dhinaca Ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ma aanu sheegin sabab Taliyihii hore xilka looga qaaday hayeeshee waxaa muuqata in Dowladda ay dooneyso in ay qaabeyso hoggaanka Ciidamadeeda bacdamaa ay muddo todobaad ah la dagaallamayaan Ciidamadeeda Xoogag ka soo horjeeda.

Jen. Siciid Dheere ayaa wuxuu ahaa Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna ahaa Taliyihii seddexaad oo ay Dowladdaas yeelato. Jen. Dhuumaal ayaa isna wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii Booliska ee Dowladdaas, ka hor intii aan xilkan loo magacaabinna
wuxuu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Banaadir Post
Xamar cade.