Search This Blog

Thursday, May 14, 2009

Maxamed Dheere oo Muqdisho ku laabtay

Waxaa saaka dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho.

Maxamed Dheere ayaa markii ugu dambeysay wuxuu magaalada Muqdisho uga baxay dhinaca Koofur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana xiligaas magaalada Muqdisho ka kaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo labo jeer ku kala xiray xero ay ku lahaayeen Baydhabo iyo xero kale oo ay ku leeyihiin gudaha Itoobiya.

Inkastoo dib ugu noqoshada Maxamed Dheere ee Magaalada Muqdisho ay tahay wax iska caadi ah haddana waxaa jira dad badan oo su'aalo iska weydiinaya waxa xiligan ku soo beegay imaanshihiisa, weliba xili ay Magaalada Muqdisho ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Maxamed Dheere ayaa mar sii horreysay oo uu u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da xili laga soo daayay xabsi ay ku hayeen Ciidamada Itoobiya oo Baydhabo ku yaallay ayaa wuxuu sheegay in uu mustaqbalka qorsheynayo in uu furto Xisbi siyaasadeed, kaasi oo ka qeybgeli doona tartamada iyo doorashooyinka siyaasadeed.


Dadka intooda badan ayaa aminsan inow yahay ninka kaliya oo wax ka qaban kara Moqdisho amaankeeda hadii laga soo tagey ilaahay weyn iyo cabdulaahi Yuusuf, yaqaana meesha ay ka qurunsan tahay ama beeshay beledka xamar.

Niyad jab aaad u xun ayay ku tahay qolyaha nabadiidka ee caadeystey iney dadka dilan hadana qixiyaan.

Mohamed Deeq
majaango.