Search This Blog

Thursday, May 14, 2009

Amiirka Al-Shabaab oo sheegay in aan Dowlad Islaami ah lagu tilmaami karin Dowladda Soomaaliya

Amiirka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyt ayaa farriin uu soo diray oo cod ahayd isla markaana loo qeybiyay warbaahinta Muqdisho waxaa uu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid aan Islaam lagu tilmaani karin.

Wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaas in Dastuurka Dowladda ay dejiyeen dad gaalo ah, in madaxweynaha dowladda markii la doortay uu tegay Addis Ababa, uuna weydiistay ciidamo shisheeye iyo in ay ilaaliyaan Ciidamo gaalo ah.

Farriinta uu soo diray Shiikh Abuu Zubeyt waxaa kale oo uu ku sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu xoreynayo Soomaaliya, isla markaana loogu dhisayo dadka Soomaaliyeed Dowlad Islaami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuuna ka codsaday in ay garab istaagaan Xoogaggooda .

Wuxuu kaloo Abuu Zubeyt farriintiisaas kul hadlay Warbaahinta oo uu sheegay in ay mararka qaarkood ka leexato tebinta xaqa, wuxuuna kula taliyay warbaahiyayaasha in haddii aysan xaq sheegeynin ay iska joogsadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka uu sii daayay Amiirka Al-Shabaab ayaa wuxuu kus oo beegmayaa iyadoo muddo 7 maalmood ah ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo xooggan, kuwaasi oo midkii ugu dambeeyay uu haatanba ka socdo Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Banaadir Post
Somalia