Search This Blog

Friday, May 15, 2009

Maxamuud Xuseen Gudbaaye: “Dadka Banaadir iyo Sh/dhexe degan waxaan ugu baaqayaa inay degaanadooda ka difaacaan ajnabiga iyo damiir laawayaasha dagaal

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoona sheegayugu horeyntiiba inuu tacsi u dirayo qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho mudada ku dhow toddobaadka.

Mudane Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo dhinaca kale ah afhayeenka Xisbiga dadka Banaadir ayaa sheegay in degan gobolka ay maanta heysato xaaladii ugu xumeyd, isagoona sheegay in kuwa barakicinaya ee ay ka dhinac dagaalamayaan shisheeyaha ay waajib tahay si ay uga baxaan dhibaatooyinka soo noqnoqday dagaal ay la galaan kuwa gafuurka duuban.

“Dadka Banaadir waxaan ugu baaqayaa inay degaanadooda ka difaacaan ajnabiga iyo damiir laawayaasha dagaalada ka wada Muqdisho”
ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Balcad ahna afhayeenka Xisbiga Dadka Banaadir Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo dhinaca kale ku booriyay dadka Banaadir inaysan cidna isku halleyn oo iyagu ay gacmahooda isaga celiyaan.

Isagoo ka hadlay dagaalada ka socda degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxa uu sheegay Md.

Gudbaaye in maleeshiyo uu wato Xasan Turki ay doonayaan inay awood milateri ku qabsadaan magaalada Jowhar.

“Soomaaliya way ka soo daashay ciidamo iyo tikniko meel ku duuleysa ee qabsaneysa gobol aanay asal ahaan u dhalan, Xasan Turki iyo ciidamada uu wato ee doonaya inay xoog ku qabsadaan Jowhar iyo gobolka Sh/dhexe way jabi doonaan kumana guuleysanayaan hamigooda” ayuu yiri Md.

Gudbaaye.Dhinaca kale Md. Gudbaaye waxa uu sheegay in dadka degan gobolada Sh/dhexe iyo Banaadir ay si wadajir ah uga hortagaan kuwa duullaanka ku ah degaanadooda ee waxyeeleynaya dadkooga iyo degaanmadooda.

Banaadir Post

banaadirpost@gmail.com