Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Cida Diidan nabadda oo noqotay Oday Daahir Aweys iyo Ninkii ku caan baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Indhacadde

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegaya in xubno ka mid ahaa Garabka Asmara oo ay horkaceyso Xoghayaha xaquuqul insaanka ee Isbaheysiga mucaaradka garabka Casmara Marwo Foowsiya Maxamed Sheekh ay gaadheen dalka Jabuuti, iyagoo sheegay in ay badaleen afkaarohoodii hore hadana taageerayaan waxa danta umada Soomaaliyeed ay ku jirto oo ah heshiiskii Jabuuti bishii hore lagu gaadhey.

Xubnahana ayaa ka qeyb galay kulan mudanayaasha golaha dhexe ee isbahasysigu ay Jabuuti ku yeesheen iyagoo kulankaana ka hor cadeeyay in ay kasoo go’een garabka Oday daahir oo hada keligii Fadhiya Asmara.
Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa ka mid aheyd xubnihii ku xayirmay Tuulada Asmara, isla markaasna ay ku qasbeen saraakiisha sirdoonka Eritrea iney warbaahinta ka hadasho oo ay dhaliil u jeediso Sheekh Shariif intii ay ku sugneyd Tuulada Asmara.Guud ahaan xubnihii ku midoobay isbahaysiga Tuulada Asmara marka la eego waxaa mucaaradnimo kusoo haray oo keliya Oday Daahir Aweys oo ku jira liiska argagixisada Caalamiga ah ee la doon doonayo iyo Jaale Indhacadde oo horay ugu caan baxay iibsashda biyaha wabiga walina ay ka hor muuqaneyso lacagtii faraha badnayd ee uu ka heli jiray iibsiga biyaha wabiga iyo beeraha gobalka Shabeelaha hoose.Dhanka kale waxaa xumkuumada Asmara meel mar u noqon waayay barnaamij ay dhawaanahan waday oo ku aadanaa in la qabto kulan xilalka looga xayuubbinayo labada shariif.
waxaase Alle mahadii ay taasi noqotay DHAAN DABAGAALLE GUNTIIS LA GAARI WAAYAY.
Banaadir Post,
Xamar cade.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu Liiska Argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Xasan Turki iyo Shii


Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, isla markaana wariyayaal kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu liiska argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mowliid Macaani waxaa uu sheegay in raggaas ay yihiin dad Soomaali ah oo haddii lala hadlo la qancin karo, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in liiska ay ku jiraan laga saaro, si buu yiri ay uga qeyb qaataan nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Haddii la doonayo in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay najaxdo dib u heshiisiinta socota waa in Raggaas laga saaro Liiska uu Mareykanka ku daray ee Argagixisada, isla markaana laga qeybgeliyaa wada hadallada”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in haddii arrintaas la isku dayo laga dhaadhicin karo Mareykanka in raggaas ay muhiim u yihiin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ka taagan mudada 18 sano gaareysa.

Xildhibaan Mowliid ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqa in liiska argagixisada laga saaro seddexdaas hoggaamiye oo haatan si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, hadalka Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay heshiis ay Dalka Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ku saabsan yihiin sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa, isla markaana looga saari Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.
Waxaa warkaas la yaabey dadka la socda xaalada Soomaaliya, mana ahan war laga sugayay Mowliid macaane oo kale, oo dhamaan ragaas oo sheegay ay dhamaantood dhib ku hayaan beesha oo ka soo jeedo ee Jareerweyne oo beel laf dhabar ummada Soomaaliyeed.
Banaadir Post.
Xamar Cade.

Sunday, July 20, 2008

HASSAN DAHIR AWEYS OO DEYRIYEY SHIRKII YEMEN UGU SOO DHAMAADAY SAAXIIBADIISII HORE



Shirkii ku soo dhamaaday dalka Yemen kooxaha ay kala hogaamiyaan Garabyada Sheikh Shariif iyo Shariif Hassan oo isku garab ah, iyo wadaadka fikirka adag ee Hasaan Dahir Aweys oo isna dhankiisa u taagan, ayaa waxaa soo baxay in heshiiskaa uu garab ka heysto hal dhicin oo keli ah.

Wadaadka Ad Adag ee Hassan Dahir Aweys ayaa heshiiska yemen ku tilmaamay mid aanan nuxur badan laheyn, isla markaana sheegay in uusan heshiiskaa wax badan ka badaleyn fikirkiisa ah "halganka" uu ugu jiro fikirkiisa gaarka ah.

Wadaadkan oo inta badan ku dooda in gaalada aanan la dhaweeysan, welina laga dhigan ayaa misna ku doodaya in ciidamada Somalia imaankara ay yihiin oo keliya kuwo Muslim ah oo uu isagu kalsooni ku qabo, maadaama sida uu leeyahay wadamada xaalada Somalia daacada ka ah muslim iyo gaalabo ay yaryihiin.

Hassan Dahir Aweys oo dirsadey ergo oo raali ka yahay u badana qabiilkiisa Habar gidir gaar ahaan Ceyr iyo Saleebaan kana soo direy halka uu kusugan yahay ee magaalada Asmara ayaa sheegay in heshiiskaas nabadeed oo dhexdooda ka dhacay ay ku xiran tahay hadba mowqifka uu garabkiisu ka istaago xaalada dalka haatan ka taagan.

Shirweyne ka dhacay isla maalinkii shalay ahaa dalka Djibouti ayaa xubno gaaraya 160 qofood ay ku ansixiyeen heshiiskii Yemen, maadaama ansixintaa ay aheyd mid loo baahan yahay, si shakiga uu abuurayo Xassan Dahir meesha looga saaro.

Waxaa dadka intiisa badan ogyihiin in Xasan Daahir uusan rabin nabad ka dhalata Somalia,horey ayuuna u yiri "dagaalka ayaa dani nooga jirtaa aniga dadka i taageera,, taageera wuxuu ula jeeda qabiilkiisa, kuwaas oo la sheego inay u badan yihiin dadka degan Guryaha qaranka Soomaaliyeed, iyo kuwa dadka qaxey leeyihiin.
Banaadir Post,
Xamar cade.

Friday, July 18, 2008

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE: “Maxamed Dheere iyo Ciidamadiisa ayaa gurigeyga soo weeraray waxayna ka qaateen Bastoolad aan isku ilaalinayay iyo La


Guddoomiyaha degmada Boondheere oo ku eedeeyay Maxamed Dheere inuu soo weeraray Gurigiisa, islamarkaana ay ciidamadiisa lacago ka qaateen halkasi.l

Guddoomiyaha degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayWeerar ku soo qaadeen Gurigiisa, wuxuuna sheegay inay wax u dhibeen Gabar u shaqeysa isaga iyo xaaskiisa, isagoo xusay inay alaabo iyo lacago ka qaateen Gurigiisa.


"Maxamed Dheere ayaa la socday Markii ay ciidamadiisu soo weerarayeen Gurigayga, mana garanaayo sababta keentay inay ciidamadaasi oo uu la socdo Gudoomiyaha Gobolka u weeraraeen Gurigayga oo ay u jebiyeen albaabka Gurigayga" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere.C/laahi xirsi wardheere (Istakiin).

Gudoomiyaha degmada Boondheere waxa uu sheegay in sababta uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u soo weeraray gurigiisa ay tahay in ay qabteen qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada u ah Maxmed Dheere oo dhac ka geysanaaya Degmadooda, kuwaasi oo uu sheegay inay haatan ku jiraan xabsiga Degmada Boondheere.

"Waxaa shacabka naga saran Xil weyn, kaas oo ah inaan ka difaacno Burcadda wadata Dharka ciidanka ee gacma gacmaysanaaya Shacabka, waana u sheegnay inaan ciidamadaasi qabanay Maxamed Dheere" ayuu yiri C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) Gudoomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Boondheere waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu u tagay isaga, islamarkaana weydiiyay sababta uu gurigiisa u weeraray iyo inuu ku qaldamoomay, wuxuuna igu yiri, "Waxaa la sheegay in gurigaan bambooyinka iyo waxyaabaha Qarxa lagu sameeyo, sidaasi ayaana loo weeraray".


"Waxaa wax lala yaabo ah in anigoo gudoomiye ah uu sidaasi igu yiraahdo" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin), wuxuuna sheegay inuu wergeliyay xadgudubka lagula kacay madax fara badan, wuxuuna sheegay in isaga ay doorteen shacabka, iyagana ka qaadi kara xilka Gudoomiyenimada ee Degmada Boondheere.
Ma ahan markii ugu horeysey oo la eedeeyo Mohamed Dheere inow ku takri falo awooda.
Banaadir Post.
Somalia

Haweenka Guryaha ka shaqeeya ee khaliijka oo heerka ugu hooseeya ee Bini"aadanima loola dhaqmo



Warbixin ay soo saartay hay'ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay gaartay heerkii ugu hooseeyay qaabka loola dhaqmoo haweenka ka shaqeeya guryaha dalalka khaliijka.
haweenkan oo badankoodu ka soo jeedaan wadamada eeshiya, waxaa kaloo aad u jooga dumarka Soomalida ayaa loola dhaqmaa si dadnimada ka baxsan, iyada oo loo gaysto xadgudubyo mararka qaar naftooda halis galiya.

waxa intaas dheer iyada oo aanay jirin qawaaniin ilaalisa xuquuqdooda, ama la xisaabtabta cidii ku
xadgudubta.

garaac, mashaharka oo bilooyin ama sanado laga haysto, kufsi, hadidaad joogto ah ayay la kulmaan haweenkani, waa sida ay sheegtay HRW.

warbixintan oo ka kooban 133 bog ayaa qaadatay ka shaqayteedu labo sano, waxaana ay ka kooban tahay xogo laga soo ururiyay in ka badan 142, oo isagu jia shaqaale, ma'suuliin sacuudi ah, wakiilada shaqaalaha.

1,5 Haween ayaa ka shaqeeya sacuudiga oo kaliya, kuwaas oo u badan indooniisiya, filibiin, bangaladhaysh, iyo Soomalida laakin markii loo kuwa aad u yar,inta badan dumarkaas waa Muslimiin hadana wax xuquuq ah ma laha.

Naxariis carbeed ma jirtaa......

Banaadir Post.



Qarax dad ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose


Dhaawaca sedaxdaan ruux ayaa timid kadib markii iyagoo ku guda jira caado dhaqameedka loo yaqaan istunka islamarkaan ku mushquulsan cayaaraha kala kadisan ee caado dhaqameedka lagu soo tuuray bam gacmeed taasi oo keentey in sexdaan qof ay dhaawacmaan.


Xaalada mid kamid ah dhaawaca dadkaan aya laga deyrinayaa halka labada kalena la sheegay in yihiin kuwa fudud,waxaana la sheegayaa in halka uu qaraxaas ka dhacey ay tahay tuulo lagu magacaabo jambbaluul oo ka tirsan degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayey
digniino ka dhan ah caado dhaqameedka istunka oo sanad waliba ka dhaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose taasi oo looga digayo dadka isku diyaarinaya caada dhaqameedka in ay faraha kala baxaan,waxaana xalay gudaha magalaada Afgooye lagu daadiyay waraaqo digniina ah taasi oo faraysa in cidii ku xadgudabtaa ay ku qornayd in laga qaadi doono talaabo dil ah.
Lama oga cida sida rasmiga ugu dambaysa bam gacmeedka ay maanta dadku ku dhaawacmeen,waxaana ay sababtay arintaan in ay cabsi wayn soo food saarto dadka ku dhaqan degmada Afgooye maamdaama ay isku diyaarinayeen caado dhaqameedka sanadka 2008.
Xalay ayaa waxaa degmada Afgooye lagu arkayay dad fara badan oo isku diyaarinaya caado dhaqameedka sanad kasta lagu qabta degmada Afgooye balse waxa ay la kulmeen arin aysan fileyn,waana markii ugu horeysey ee weerar nuucani oo kala ah lagu qaado dad isku diyaarinaya istunka caado dhaqameedka oo inta badan lagu qabto degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose...
kuwan dadka inay gumaadaan ma ahan xal kale ma hayaan sow ma ahan, wacdi, wargalin, iyo wax isu sheeg ma ka gaari waayeen,
Ilaahow Wadaad Xume naga qabo, adaaa ku hoos joognaaa.
Tafatiraha Wargeyska
Mohamed Deeq Xaaji.