Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Col. Cali Caraaye Gacma Dulle "Kuwa Sheegta Al-Shabaab iyo Maxkamadaha waxaan ka dilnay 21-Ruux, waxaana gaarsiinay jab xoog leh………"


Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye oo loo yaqaan Gacma –Dulle ayaa saxaafadda uga warbixiyay dagaalkii shalay aroortii hore ku dhexmarayCiidamada Dowladda KMG ah, Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Maxkamadaha Islmaaka Wadada Warshadaaha.
Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku furteen hub fara badan, wuxuuna xusay inay kala carareen kooxihii dagaalka ku soo qaadeen.
"Dagaalkaas waxaan kaga dilnay kooxaha sheegta Al-Shabaab ilaa 21-ruux, waxaana ka dhaawacnay 19-kale, Meydadkoodana waxey yaaliin wadooyinka " ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye (Gacma –Dulle) oo saxaafadda tusiyay qaar ka mid ah Meydad uu sheegay inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday.

Talyuhu waxa uu soo bandhigay Hub uu sheegay inay ka qabsadeen kooxihii soo weeray ciidamada Dowladda kuwaas oo ahaa gaari B-10 ah 4-Ak47-ah iyo Qori BKM ah, raas, gaari noociisu yahay Hoomey laba Qori RPG ah.

"Shacabka waxaan ka difaacaynaa kuwa diin lawayaasha ah, ee caadeystay inay dhibaateeyaan shacabka" ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye (Gacma–Dulle)...

Sida cad ama la wada ogyahay jabka maalmahan danbe la soo gudbaanaadey Alshabaab, waxaa keena xaafadaha ay ka dagaal galaan oo inta badan cidlo ah, ama dadkii qarin jirey oo dhulkaas ka guurey inta hartana waa dad aysan isku aaminin karin, ka dib aad loo nacey kuwan arxan darada iyo belaayada la wareegada.

Banaadir Posr
Xamar Cade.

Afxumaa Indha Cadde see waxka yihiin, Muxuu isticmaalay ....


Waxaa dalka Somalia in mudo ah ka jiray dhibaatooyin amaanka ka dhan ah oo saameyn ku yeeshay boqolaal ka mid ah dadka Somaliyeed.
Dhibaatooyinkaas waxaa ka dambeyay qab qablayaal iyo dagaal ogayaal dalka oo dhan caan ka ah oo umada dhiigoda ku ganacsan jiray kuwaas oo sabab u noqday in tiro fara badan oo dadka ka mid ah ay dhintaan halka qaar kalena ay isaga carareen dalka.
Hadaba iyadoo ay dhibaatadaaas jirtay ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in qaar ka mid dhiig cabyadii hoogaamiyayasha kooxaha ahaa ay wali wadaan dhibaataynta bulshada iyagoo magacyo kale oo cusub la baxay.
Waxaa ugu horeeya qaran-diid Yusuf Indha cadde oo isagu ah nin kaalinta koowaad ka galay diidmada nabada iyo dilka rayidka.
Odaygan dhiig cabka ah isla markaana aan wax dan ah ka lahayn dadka Somaliyeed iyo noloshooda ayaa waxa uu xoog ku haystay dhul ay dad masaakiin ah daganyihiin ( SH/hoose) halkaas oo uu dadka ka qaadan jiray baad isagoo wax kale iska daaye xitaa gaaray in uu lacago baad ah ka qaato dadka isticmaalaya biyaha Wabiga Shabeele oo gobalkaas mara taas oo muujinayso in ninkan uu farac ka soo gaaray boobida dadka isla markaana dadka uu ka dhashay ay xoog ku soo gaareen dhulalka hodanka ah ee dalka Somalia ku yaala gaar ahaan gobalada Koofureed halkaas oo ay xoog ku qabsadeen.
Waxaa gobalka Sh/hoose taariikh ahaan u sharciyeeyay xaaraan cunahan Indha Cade in uu gacanta ku dhigo qaran-diidka ay isku haybta yihiin ee Ina Salaad Booy (C/qaasim) oo isagu doonayay in beeshiisa uu u sharciyeeyo dhulalka ay daganyihiin dadka aan dhibaatada looga baran sida gobalada Jubooyinka iyo SH/hoose.
Isaga oo ku caan baxay arimahaas foosha xun ayaa hadana waxa uu ku darsaday in uu ka been sheego diinta Islaamka.
Indha Cadde ma Ahlu Diinbaa mise waa Ahlu dulmi…?/waa arin la is waydinayo oo in badan oo shacabka ka mid ah ay la yaabeen marka ay maqleen Indha-cadde oo magaciisa laga hor marinayo Sheikh taasna waa xeelad ay beeshiisa ku doonayso in ay ku dhaqdo dhibaatada iyo magac xumada bulshada dhexdeeda uu ku leeyahay.
Lakni diinta Islaamka ma ahan mid cid gaar ah ay leedahay waxana qof waliba uu aakhiro la shartagayaa waxii ficil ah oo uu sameeyay qayr iyo shar midi ay noqotaba.
Arinta kale ee la yaabka keenta ayaa ah in ninkan oo la xaqiijiyay in uu isticmaalo qamriga iyo muqaadaraadka noocyada ugu xun uu hadana sheegto in uu diinta u dagaalamayo.
Taas ayaa ah mid dambi wayn ku noqonayso cid waliba oo Muslim ah hadii ay Sheikh ugu Yeerto qamriistahan afka Qurmoon ee Indha-cadde.
“aniga waxaan u heystaa nin hogaamiye kooxeed ah oo dhibaatada dalka ka jirta lug ku leh, dagaaladii dhacayayna ka soo qayb qaatay hadana meesha uu joogo ay geeysay siyaasad iyo xukun jaceyl” sidaana waxaa Yiri G/sare C/llahi Xasan Bariise oo afaheyn u ah ciidamada Boliiska Somaliyeed.

Illahay ha ka raali Noqdee G/sare Bariise oo aan wax ka waydiinaya sida uu u arko INdha-cadde ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in isagu uu u arkayo nin kaalin wayn ka soo qaatay dhibaataynta umada Somaliyeed.

“waxaan leeyahay waxaad tahay nin oday ah marka ka soo noqo dhibaatada ee qaado dib u heshiisiinta socota” ayuu mar kale hadalkiisa sii daba dhigay G/sare Bariise.

Marka laga soo tago Bariise waxaa fikir sidaas oo kale ah qaba dhamaan siyaasiyiinta iyo inta wax garadka ah ee bulshada ka tirsan oo aan marna qaadan Karin in dilaa wayn oo sida INdha-cadde oo kale ah loogu Yeero Sheikh iyo wadaad diimeed wanaagsan.
Waxaa kaloo hada la cadeeyay in dilalka ka dhacaya magalada Muqdisho iyo duleedkeda ee lala beegsanayo shaqsiyaadka ka tirsan Hay,adaha Sama-falka in uu mas,uul ka yahay qaran-diid Indha-cadde oo doonaya in taas ay keento sharaf tirka Dowlada Somalia.
Ilo ku dhaw qamra-cabkan ayaa inoo sheegay in uu mar kasta yimaado deeganada ku yaala duleedka Muqdisho gaar ahaan deeganka 3 Dishe halkaas oo ah meesha lagu dilay agaasime ku xigeenkii Hay,ada DBG Mr Kheyre isla markana uu Indha-cadde maal galin siiyo kooxo ku howlan dilalka loo gaysanayo dadkan.
Isku soo wada duube waxaan ugu baaqayna Qamar-cabkan lagu Magacaabo Indha-cadde in uusan Afkiisa Qurmoon Eedeyn iyo Aflagaado ugu jeedin Dowlada Somalia iyo mas,uuliyiinta ugu sareeysa uuna ka haro dhibaatada uu umada ku hayo hadii kale wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xafiiska wararka wiil waalka abaaqaroow.com

Maxaad ka taqaanaa golaha been abuurka ah ee beelaha Hawiye. qormo muhiim ah oo lagu ifinayo arimo dhowr ah oo ku saabsan golahan.





Sida laga warqabo dalka somalia waxa ka jiray fowdo iyo dagaalo beeleed tan iyo markii ay burburtay xukumadii milatariga, waxana dagaaladaasi ay u dhexeynayaan shacabka somaliyeed ka sokow beelo gaar ah oo iyagu xurguf u dhexeysay.

Marka aan u soo daadagno dagaalada ka jiray magalada Muqdisho oo lagu tiriyo in ay tahay meeshii ugu dagaal badnayd dalka somalia xiliyadii burburka, waxaa ay u dhexeynayeen beelo iyagu ood wadaag ah hadana is qilaafsan.

Beesha hawiye oo lagu sheego in ay ku badan tahay deeganka Muqdisho ayaa ahayd beesha kaliyah ee dhexdeeda isku dagaalaysay magalada caasimada ah ee Muqdisho.

In kastoo beesha hawiye ay dagaalada dhexdeeda ka jireen ayaa hadana waxaa marna meesha ka bixin sharfta iyo midnimada ka dhex jirta beeshan .

Waxaase jiray shaqsiyaad iyo kooxo mar kasta ku gambada magaca hawiye oo ku fuliya dhibaatada dalka ka jirtay kuwaas oo kala qaybsanaanta hawiye u arkayay mid dan gaar ah ay ka helayaan.

Iyadoo aysan dalka ka jirin wax nidaam ah mudo dheer ayaa hadana markii la dhisay dowlada somalidu u dhan tahay waxaa soo baxay koox wali u taagan ka horimaashaha nabada iyagoona ku gambanaya magaca hawiye.

Golaha qaran dumiska ah ee loogu magac daray dhaqanka beesha hawiye, waxa uu wataa magac dhaqan sida ay raga dhisayba sheegeen, hadana waxa uu ku hadlaa afka nabad diidka dalka ku sugan.

Odayaasha bililiqo doonka ah ee horkacaya golahan ayaa tusaale u noqon kara waxa looga dan leeyahay golahan.
Inta aan soo qaadan siyaasadaha dadku ay la yaabeen ee goluhu ku shaqeeynayo waxaan jecelnahay in aan ka hadalno marka hore sida ay beesha hawiye u arkayso golahan.

Waxaan si aan arintan wax uga ogaano la xiriirnay mas,uuliyiin ka tirsan beel waynta Mudulood oo ka mid ah beelaha hoos tago beesha Hawiye.

“mudulood ma ogola in magaciisa lagu dhex arko koox aan rabin danta dalka iyo dadka, waxana u aragnaa kooxdan hawiye sheegatay in ay tahay koox siyaaasdeed oo ka been abuurayso magaca beesha hawiye” sidaas waxaa yiri C/llahi Xasan Afrax oo ka mid ah mas,uuliyiinta ugu sareeysa ee dhaqanka beesha mudulood oo dhowr jeyr warbaahinta la hadlay.

Hadalka Mudane Afrax ILLAHAY HA XAFIDEE ayaa waxa uu ka tarjumayaa in beesha hawiye oo dhan aysan marna ogolayn in magaceeda lagu diido nabada iyo qaranka dalka Somalia.

Hadaba waxaan ogaanay in golahan uu u dhisan yahay dano guracan oo ay wataan shaqsiyaad iyagu aan rabin nabad siyaabo kasta ay u diidaan, waxaana ka mid ah.

Oday Axmed Diiriye oo ku caan baxay bililiqada isla markaana xoog ku haysta hanti dadkii lahaa uu si guracan uga dishay iyo hanti qaran ayaa ah ninka ka dambeeyo dhismaha golahan, waxana uu ka doonayaa in aan la helin dowlada ay somalia yeelato , taas oo uu ka baqayo in ay sharciga la soo tiigsadaan Ehelada dadkii uu dilay ee uu ilaa iyo hada xooga ku dagan yahay guryahoda.

Marka laga soo tago odaygan waxaa kaloo golahan ka mid ah qaran-diid Maxamed Xasan Xaad ,hadaba maxaa ku kalifay Xaad in uu ku biiro golahan…?waa su,aal is waydiin mudan , jawaabta oo sugana waa tan.

Xaad marka hore kama dhalan beelaha lagu tiriyo in aysan rabin nabad somaila, mana ahan shaqsi magac hore wata ama dakano kale galay sida oday Diiriye, lakin waxa uu Xaad wataa dano gaar ah.

Mid ka mid ah dadka ay isku jifada yihiin Xaad ayaan wax ka waydiiyay waxa uu ka yaqaano Odaygan.

“xaad waa nin ku waalan saldanada iyo maamulka, waxa uu waligiis jeclaa in uu mas,uuliyad qabto, hada ka hor markii uu ku biiray golahan ayaan ku iri maxaa kugu kalifay, markaas ayuu igu yiri waxaan rabaa in aan magac iyo mansab ku gaaro” sidaasina waxaa ku jawaabay mid ka mid ah dadka sida wayn u yaqaano Xaad oo aan la sheekeystay.

Marka la eego danta uu leeyahay odaygan Xaad ah ayaa waxa ay tahay mid fudud marka si loo fiirsho, lakin waxaa nasiib daro ah in Mansab iyo Xil raadisnimo loogaga soo horjeesto nabada somalia.

Si kastaba ha ahaate arimahan oo idil ayaa waxa ay dadka tusinayaan in golahan ka been abuuranayo magaca sharafta leh Ee beesha Hawiye uu yahay mid ay wataan rag aan marna dan ka lahayn nabada iyo dowladnimada Somalia, waxana markii la ogaaday arintan ay keentay in tiro ka mid ah xubnihii golahan ay iclaamiyaan in ay isaga baxeen golaha , sidaasina uu shacabka uga soo horjeesto hadalada foosha xun ee ka soo yeera golahan oo ah kuwo ku salaysan kala sooc lagu sameynayo beelaha Somaliyeed ee isku midka ah.

Nin dantiisa gaarka ah

Iyo dowlada nima diid

Dalka waa ka xaaraan

Dadka waa midoobeen

Dantooday yaqaanaan

Duli iyo dambiilana

Daa,in haduu yiraahdo

Sharic baa la deeqsiin

Meel xunbuuna ku dambeyn.

samtarxildiid@hotmail.com

Khilaafkii Isbahaysiga Tuulada Asmara oo lagusoo afjaray in ay nabadda qaataan lana wada taageero keenista ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.


Dhawaanahanba waxaa dalka Yemen ka soconayay kulamo lagu dhex dhexaadinayay xubnaha Isbahysiga Asmra oo ku kalatagay barnaamijka nabadeynta soomaaliya kadib markii xubnaha badankood oo uu hogaamiyo Sh Shariif ay qaateen nabad halka 14 xubnood oo uu hogaamiyo Xasan Daahirna ay ku gacan seyreen hanaanka nabadda.


Laakin Madaxweynaha Yemen oo ka mida hogaamiye yaasha Carbeed ee sida aadka ah u daneeya nabad ka dhalata Soomaaliya ayaa sameeyay isku day uu ku guuleystay,waxaana uu wakiilo kala matalaya labada dhinac isugu geeyay Sanca iyadoo maalmo kadibna la isku afgartay halkii loo badnaa in la raaco oo ah in nabada la qaato loona hogaansamo qodobadii lagu gaaray shirkii Jabuuti, inkastoo waxyaabo aan badnayna lagusoo kordhiyay .Waxaa labada dhinac ay isku raaceen in la meel mariyo heshiiskii horay dowladda loola galay,waxaana gabagabadii kulankooda lagu sheegay in la dhisay guddiyada hoos magacyadoodu ku qoran yihiin.


1-Guddi gaar ah oo qaabilsan xiriirka isbahaysiga iyo dowladda Soomaaliya.


2- Guddi u xil saaran ka shaqeynta habkii ciidamo nabad ilaalineed oo qaramada midoobay ka socda loo keeni lahaa Soomaaliya.


3- Guddi arrimaha bini’aadaniamda qaabilsan.


4- Guddiga mideynta Soomaaliya.


5- Guddiga xiriirka caalamiga ah.


6- Guddiga shirka dib u dhiska Soomaaliya.


7- Gudiga diyaarinta dastur cusub oo ay yeelato Soomaaliya.


Dhamaanba qodobadan ayaa waxaa ay yihiin kuwo loo arko in ay qeyb ka qaadanayaan dib u hehsiisiinta ,waxaana sidoo kale ku jira kuwo ka dhan ah Soomaali diidka una daneynaya mideynta soomaaliya,taasi oo meesha ka saareys goosashada
Somaalidiidka.

Waxaa rajo aad u wanaagsan muujiyay raga asalka u ah heshiisyada socda oo kala ah, SHiikh Shariif iyo Sheekh Janaqow.


banaadirpost.gmail.com

Xamar Cade

Thursday, July 17, 2008

C/Nuur Darmaan Weli riyo ayuu ku jiraa sida adeerkii Ina Salaad Booy, Madaxweyne ayaan ahay,,


Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo ay taageerayaashiisu u yaqaaniin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay wareysi uu siiyay Idaacadda Somaliweyn kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kaga mid tahay xaalada Nabadgelyo ee Dalka, dilalka loo geysanaayo dadka ka shaqeynaaya samafalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u xir xir xiran dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.

“Waxaan ka codsanaaya aduunka inuu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya, si dhibaatada jirta ay meesha uga baxdo” ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Darmaan waxa uu sheegay inuu Ummadda Soomaaiyeed u soo jeedinaayo inay joojiyaan ugaarsiga ay ku hayaan shaqaalaha ka shaqeynaaya Samafalayaasha, kuwaas ii uu sheegay inay yihiin kuwo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

“Waa sahalan tahay sidii loo soo dayn lahaa dadka Soomaaliyeed eek u xir xiran dalka Tanzania, waxaana jirata in ehalada dadka ku jira Xabsiyada dalkaasi aan u diray liiska Mgacyada dadkaasi, hadii la keenana wa sahlana tahay, Balse waxaa jira dalal dhowr ah oo kale oo ay ku xiaran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dadlkaasi ka mid ah Malaawi, Mozambique iyo Ruwanda”
ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan.

Sidoo kale Cabdi Nuur Axmad Darmaan waxa uu ka hadalay qaabkii uu dalka Turkiga kula kulmay xiligii uu soo daynayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xir xirnaa dalkeeda, “Waxaan Turkiga kula kulmay anigoo huwan darajo Madaxweyne Soomaliyeed, Waxaana Dowladda Turkiga u gudbiyay Qoraal aan ugu sheegayo in dadka Soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyadeeda ay igu soo wareejiso, weyna iga ogolaatay, waxeyna ii sheegeen in cidii doonta ee Soomaali ah darahadii ay sheegato ay ku qaabilayaan, arimahooda siyaasadeedna aysan fargashan doonin arrimahooda Siyaasadeed” ayuu yiri C/Nuur Darmaan oo sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u taalo cida ay dooranayso Darmaan iyo C/laahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu mar kasta dalka yimaado, isalamrkaana uu inta badan Howsha ka qabto dalka dibadiisa, maadaama ayuu yiri “Dalka Ma joogaan Safiirada wadamada Caalamka si loogala hadlo arrimaha Soomaaliya”,waxaa yaab leh inow weli riyo ku jiro ninkan ku waashay madaxweynaha Soomaaliyeed.

Ma dhici kartaa Ina Darmaan inow ag dego Cabdulaahi Yuusuf, sida uu ku sameeyay adeerkiis Ina Salaad Booy.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com





JAWAAB KU SOCOTO QORAALKII AHAA Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???

Waa haboontahay In wax laga qoro oo laga hadlo oo loo Istaago sidii looga hortegi lahaa ciribtirka lagu wado Shaqsiyaadka wax ku oolka leh laakin hadii Lamarin habaabiyo oo aan runta Laga sheegin Kuwa Manaxayeesha Ah Oo Falkaa Ku Kacayo Daawada Cudurka Lama Helayo Ciribtirkiina Halkiisa Ayuu Ka Sii Soconayaa Heestii Fanaanada Khadra Daahir Ku Luqeyneysey Ayaa Ku Jirtey "CUDURKA KAA GALEY FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWANA LAMA GAARAYO,,.
Arintaa noocaan ah waa arin khatar ah oo halis ku ah Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si isku duubni ah looga wada hortago waxa la jarayo waa Halbowlaheena ma'aha wax ciyaar ah oo indhaha laga qabsan karo waxeyna nagu soo bilaawatey Waqti dheer, waxxeyna soo badatey xiligii Dowladii CARTA wadanka ka talineysey waxuuna sii xoogeysatey intii loo fadhiyey Shirkii Dibu heshiisiinta oo ka socdey Wadanka Kenya.
Waana waqtigii Urukaan AL-SHABAAB kuwooda ugu firfircoona wadanka Dib ugu soo laabteen oo ay ka yimaadeen Wadanka Afgaanistaan.

Waqtigaas oo ahaa markii nagu bilowdeen Dilalka Qorsheysan oo Gafuurka Cimaamada lagu Duubanayo marxuumiintii ugu horeeyeyna waxaa ka mid ahaa Madaxii Hay'ada CRD Marxuum C/qaadir Yaxye iyo General Marxuum Maxamed Cabdi Dhaqamada naloo soo safriyey kuma ekeen Dilalka lagula kacayo Dadka Aqoonta leh waxaa kaloo ka mid ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso oo qalab casriya lagu qarxiyo waxaa kaloo ka mid ah dadka is qarxinayo oo marar badan la sameeyey waxaa kaloo ka mid ah dhiig walaalka muslimka ah oo la xalaaleysanayo ka dib markii la gaaleeyo.

Hadaba intaas oo ah Dhaqamada ugu xunxun oo bini'aadamka ku kaco ayaa wadakeena oo horey u aafeeyey Dagaalo Sokeeye iyo Cudur,Gaajo iyo barakac ayaa muwaadaniin Soomaaliyeed nooga soo safriyey wadan kale waana dhaqamo dad gaar ah lagu yaqaan oo isticmaala waxaana xusid mudan in Shiikh Macalin Xaashi warbaahinta ka cadeeyey in Ururka dhaqamadaan ku caan baxay ay ka tirsan yihiin Waxaa la soconaa in saraakiil badan loo diley wadan Shuuci ah ayuu wax ku soo bartey oo aan diin laheyn waxaa kaloo la soconaa in Aqoonyahan badan loo diley wadamo gaalo ah ayuu wax ku soo bartey waxaa la soconaa in Hay'adaha u yimaada kaalmada la dilo oo la leeyahay waa gaalo. Marka waxaas oo cadeymo ah markaa isku dartid waxaa kuu cadaaneysa Cadowga Soomaali leedahay maanta waa AL-SHABAAB.
Dilalka ugu dambeeyey oo la bartilmaameedsanayey madaxda Hay'adaha ayadana waxey bilaawatey markii la saxiixay Heshiiskii Jibuuti iyo Qaraarkii QM ay ku gaareen in Hay'adaha QM Xafiisyadooda loo Xawilo gudaha soomaaliya dadka go'aankaan diidan ayaa ka dambeeya dilalka waana ALSHABAAB si cad ayeeyna u qeexeen.
Hadii sida dadka qaarkii ay qabaan in Itoobiya ka dambeyso dilalka loogeysanayo hay'adaha samafalka ah shaqaalahooda aan taageerno Heshiiska Jibuuti lagu gaarey si ay nooga baxaan inta harteyna oo aqoonta leh ka badbaadaan dilalka wixii soomaali ah oo heshiiska ka horyimaado aan meel uga soo wada jeesano hadeynu nahay Somalida samadoonka ah.

Afkaarta maqaalkani waxaa masuuliyadiisa iska leh Xaaji maxamuud ,
waxaana kala xiriiri kartaa e-mailkiisa oo hoos ku xusan.Wabilahi towfiiq.
Xaji Maxamouid Kala Xiriir:
moalinm2us@yahoo.com">moalinm2us@yahoo