Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Wareegii labaad ee Burburka wadaadadda Soomaaliyeed

Ilaahbaa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariis nabi Maxamed korkiisa ha ahaato, intaas ka dib. Waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka iraahdo arinta ka soo cusboonaatay magaalada ayaanka daran ee Kismaayo, taasoo runtii ah wax laga naxo lagana argagaxo. Sidaan ognahay magaaladaas waxay ku jirtaa magaalooyinka soomaaliya ee dagaalka ahliga ahi baabi’iyey, magaaladaas oo ay isku kala-badeleen jabhaddo badan. Xaalad kasta marka ay taagan tahay baad is leedahay tani waa tii ugu darneyd, walow ay jiri karto in ay harsantahay xaalad ka daran, aniguse maanta waxaan leeyahay tan ku soo wajahan shacabka soomaaliyeed ee degan Kismaayo waa tii ugu darnayd marka laga eego mushkiladdu meeshay ka soo baxayso(source of problem) oo ah meeshii ay xalka ka sugayeen.



Hadaan intaas kaga gudbo horudhac waxaan u arkaa dagaal ka soo cusboonaada kismaayo xiligaan aan joognu waa masiiba hor leh, waa wareegii labaad ee burburka wadaada soomaaliyeed ee godka ugu wada jiray cadowga gaalada, waa ayaan daro saameeynaysa dadka diinta u nasab sheeganaysa. Waxaa yaab leh oo aan ka fikirayey maalmahan oo dhan muxuu yahay waxa lagu dagaal galinayo dhalinyaradda la rabo inay ku dagaalamaan magaaladda, ma waxaa la leeyahay jihaad baad kula jirtaan walaalihiin kale, mise qola kasta waxay leedahay waan is difaacaynaa.

Waxaan ognahay wareegii koowaad ee burburka wadaada waxaa kala baxay Sh Xasan iyo Sh Shariif, waxaa sidoo kale kala raacay taageerayaashii maxkamadaha, waxaana halkaa ka samaysmay labo dhaqdhaqaaq oo siyaasi ah, waxaana ognahay in labada qoloba aysan soo kordhin in ay dhiig daadiyaan, kala qaybiyaan awoodoodii, murugo ku abuuraan muslimiinta, iyo in fuliyaan qorshayaasha gaalada farxad galiyaan gaalada danaha kaleh wadanka.


Waxaase mudan in la sii saadaaliyo maxaa ka dhalan kara wareega labaad, aniga ra’yigayga kooban waxaa ii muuqanaya inay ka dhalan karaa arimo badan oo dhabar jab ku ah wadaada si guud gaar ah inta ku jirta dagaaladda.

1. In Xisbul-islaam iyo Shabaab isku noqdaan cadow

2. In lagu tartamo maamulka magaalooyin ama gobolo aan horay maamulkeeda la iskugu haysan, sida Shabeeladda hoose, Jubaddda dhexe, Bay, Bakool, Mogadishu, iyo kuwa kale oo badan.



3. In cadowgu kala qaybsanaantaas ay albaab u furto, uuna la yimaad strategy cusub si uu uga faa’iidaysto fursada dahabiga ah.

4. In ay soo dadajiso dagaal cadow-gu kus oo qaado Magaalda kismaayo oo ah meel strategy ah.
5. In ay adkaato in lagu dhuunto kaymihii horay loogu dhuuman jiray, maxaa yeelay ragii markii hore is qarin jiray isma qarinayaan maanta.

6. In Dawlada Federaalka ay fursad hesho, una suurtagasho in maamulkeeda ay balaariso.


7. In wadaada dagaalamay uu midma midka kale ku tilaamaamo inuu gaalada qandaraas ka soo qaatay.



8. In Dawlada Kenya iyo Ethopia ay helaan dariiq ay Kismaayo ka soo galeen, oo noqon kara xuduuda Kenya kaasoo awal adkaa markay jirtay Midnimadda wadaada.

9. In shacabku ku celceliyo qab-qable aragnay wadaadna aragnay ilaahbaan leenahay.

10. In xalkii islaamka ah ee mudo badan la dhowrayey ay god ku tuureen, ayna caqabad ku noqdaan dacwadii dadku ajiibay.


Hadaan intaas uga baxo waxyaabo dhowr ah oo aan aan arkayey inay mihiim tahay in lagu baraarugo intaa aan la qaadin talaabo qaldan oo ay dag tahay in dib loo saxo. Waxaan sidoo kale halkaan kus gudbinayaa dhowr qodob oo aan urkayo inay xal tahay.

1. Waa in dagaal laga fogaado


2. Waa in aad mushkiladda ku xalisaan xal islaami ah, waana inaad ogaataan inay aadan kitaabka alle ka waayin xal aad ummadda ka badbaadisaan.

3. Waa in aysan idin la fududaan dhiiga qofka muslimka ah, fahantaana daadintiisu inuu yahay minal-kabaa’ir.

4. Waa in aydan la mid noqan qabqablayaashii, aad umadda uga raaxeeyseen.

5. Waa in aydan cadowga fursad siin.

6. Waa in aad ilaahay ka baqdaan, camalkiinana aydan ku ciyaarin.

7. waa inaad fahantaa maxay umadda Soomaliyeed U baahan tahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan kooban ee iskuga jira talo iyo tusaaleyn, haddii dagaal dhaco (Ilaahay kama dhigee) waxaa bilaabanaya wareegii 2aad ee burburka wadaadadda dagaalka kula jiray cadowga muslimiinta, waxaana daciifi doona saamaynta wadaadaddu ku yeelan doonaan soomaaliya.


Allaah waxaan ka baryeynaa inuu tubta toosan nagu hagaajiyoWabilaahi al-towfiiq

Eng: Maxamed Xasan Ibrahim

maxamedxasan@yahoo.com

Finland