Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato,

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato,


Hamiga nabiyaashu wuxuu ahaa heer sare. Iyadoo Magaalada Madiina lagu hareeraysanyahay oo Suubbanihii (SCW) iyo saxaabadii ay gaajo iyo dhaxan dhexda la dhuubatay ilaa ay saxaabadu kariwaayeen inay dhagax ka jabshaan dhufeyskii la qodayey waa tii Suuubbanuhu (SCW) inta garweyn qaatay dhagaxii cardaadiqaha ka dhigay iyadoo dhimbilo iyo iftiin ka duleen! Muxuu Suubbanuhu (SCW) yiri? Ma barrinkii Qureysh dagi jirtay baa ii muuqdoo la furanayaa buu yiri? Ma Makah oo dhulka ugu kheyr badan baa la furan buu yiri? Mise wuxuu yiri waxaa la furan dhulkii gaaladii adduunka markaas horboodi jirtay xukumeen? Haddii Shabaabku u hadleen sidii nabiga (SCW) ooy dhaheen Maraykan baan jilbaha u dhigeynaa, Al-Aqsana waan xoreyneynaa maxaa ku jaban?.

Axmed-madoobe iyo anigu intaan Kablalax ka soconno baa ka dheer intii nabi Muxamed ka socday Cadnaan. Weligiin ma maqasheen nabi Muxamed (SCW) oo leh Ciraaq baan ka imid ama Baxreyn ama Najdi ileyn Cadnaaniyiin badan baa deggenayd dhulalkaase? Qaar ragga horbooda Kaambbooni iyo Caanoole waxay ku dhasheen Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridaharre, Laascaano, Boosaaso, Garoowe, Ciid & Ceelcad, Mudug iyo meelo kale! Ka warran nimanka dhulkaas ku dhashay oo leh Jubbooyinkaa degaan ii ah ama aan ka soo jeedaa? Anoo Mudug ku dhashay haddaan Kismaayo tago waxaan noqonayaa dadka degaanka maxaa yeelay Harti baa Kismaayo iyo Jubbooyinka wax ka dega! Teeda kale haddii Bakar degaan Ciraaq micnihu maaha Cali Binu Abii Daalib (RC) baa Ciraaq ka soo jeeda.

Nabiyaashii hore waxaa loo diray qoomkooda. Xitaa marka la leeyahay ummadooda waxaa laga wadaa qoomkooda. Marka la yaab ma leh in la maqlo nabi leh: YAA QOOM. Sidoo kale wax nagu cusub maaha in la maqlo nabaddoon Islaamka ka hor iyo kaddibba la hadlaya tolkiisa oo leh: YAA QOWM. Yaa maqlay nabi Muxamed (SCW) markuu hijrooday kaddib oo leh: YAA QOOM?


Nabi Muxamed (SCW) waxaa loo diray dadkoo dhan. Qofkii sheegta inuu dhaxlay sida culumada iyo mujaahidiinta waa inay waddadiisa raacaan oo aysan noqon "local!". Nin baan aqaan ku dhaha qofkuu la yaabo "local" baad tahay! Waa la yaab nin leh daaci iyo mujaahid baan ahay oo haddana intaas ku haya waxaan maamul u sameeyey Afmadow. Waxaan maamul u sameynayaa Kismaayo iyo Araare?


Waxaan Paltalk ka maqlay kuwo markay jufadooda ka hadlayaan lagu leeyahay: kor u baxa! Anna mar mar waxaan ku dahaa war xarafka Qa’da (qabiilka) ka dhig xarafka Ma’ (muslimnimo) ama ugu yaraan xarafka Sa’da (Soomaalinimo). Waxaa fiican inta goori goor tahay in Kaambbooni iyo Caanoole kor u baxaan!

Haddaan Amisom iyo gaaloraacyo lala jihaadayn saan uma kululaadeen laakiin iyadoo jihaadkii Baladweyne ka socdo oo hadba meel loo cayrsanno Xisbul Islaam, inuu dhaho Araaraan maamul ka dhisayaa waa khalad!


Mar uu nabigu (SCW) qureysh reer reer ugu yeeray ma oran kaalaya aan dhulka qeybsannee ee wuxuu uga digay cadaab hadday diidaan amarka Ilaahay. Dagaalkii Badar markii saxaabbo seddex boqol ah iyo Qureysh isa soo horfariisteen, ciidanka muslimiinta oo ugu dhowaan 100% Carab ahaa marka laga reebo dhowr saxaabi marna nabigu (SCW) ma oran: Yaa qoom ama Yaa Carab! Ee wuxuu yiri: "Ayuhannaas Ashiiruu calaya" (dadoow ila tasha). Ama wuxuu oran jiray: Yaa Ayuhal mu’minuun.

Kablalax iyo Harti waxay isu jiraan in ka badan inta Mudar iyo Rabiica isu jirto. Gadafaan oo Mudar ah waligeed Qureysh iskuma dhejin. Gafaar iyo Qureysh oo isku oday dhalay – Kinaanah- isma sheegan jirin. Maxay tahay qabiilkaas ay nimanka mujaahidiinta sheeganayaa soo faagayaan? Haddii nabigu (SCW) qabiilka ka yiri: DUCUUHAA FA INNAHAA MUNTINAHA! Maxaa Caanoole iyo Kaambbooni u moddaa inay leeyihiin: UDCUUHAA FA INNAHAA MUNJIYAH! Waa afxumo! Waa goormase? Waa goor mabda’ iyo jihaad socdo.

Hadda qorrax ka soo bax waxaa ka soo muuqda iftiin. Wiilal sida nabiga (SCW) iyagoo go’doonsan aan calaacal aqoon. Wiil aan ku hambaasin tol la’ayey! Wiilal Al-Aqsa iyo Alaska ka hadlaya een Afmadow iyo Araare ku hoos noqon. Wiilal aan dan ka lahayn ciddii hoosaasisa oo ruufyaama.

Nabigu (SCW) calaacal ma jecleyn. Mar saxaabigii weynaa ee Khubayb Binu Arath yiri: nabigii Ilaahoow (SCW) miyaadan noo gargaar dalbayn waan ogayn jawaabtii nabigu (SCW) bixiyey.

Hanka firqida badbaadeysa waa heer sare. Waxay u hadlaan sidii markii Nabi Ibraahim (CS) dabka lagu tuurayey oo kale. Sidii jawaabtii nabigu (SCW) siiyey saxaabigaas kore. Sidii saxaabadu (RC) u hadleen maalintii Khandaq markii la hareereeyey. Waa wiilal aan dan ka lahan wixii qabiil iskugu hiiliya.

Xaggeyga nimanku waxay ku dhaceen khiyaamadii Banii Qureyda. Haddii iyadoo Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, iyo Banaadir lagu horjoogo gaalo iyo gaalomadoow uu usoo dhigtay inuu Kismaayo weeraro waa in xukunkaas lagu qaado. Marka Shabaabkoow idinkoon jeclaysan dagaal aad la gashaan ku baxa oo go’doomiya. Ilaahay ka cabsada, samra oo yiqiin la imaada. Haddaad intaas samaysaan waxaan aaminsanahay Ilaahay keliyaa jabinaya. Marka Insha Allaah waxa ku dhaca wiilashaas qabiilka isku soo bahaystay waxay cibro u noqonaysaa kuwa ka dambeeya.


Ma Ballaan baa Looga Baxay Axmed-madoobe?

Horta Axmed-madoobe markii Kismaayo laga cayrshay Barre-hiiraale wuxuu joogay Addis Ababa. Qaar sheeganaya Xisbul Islaamna waxay joogeen Asmara. Goormaa labo gaal kala fiicnaayeen? Qorshihii la isku ogaa Kaambbooni iyo Caanoolaa jabiyey markii la yiri: yaan lala midoobin dadka u galay gaalka Afawarke. Waxaa la isku ogaa in la midoobo. Haddii inta Kaambbooni, walaalihii oo Kismaayo jooga dhaafeen tageen Xamar ooy ku dhawaaqeen Xisbi uu Afawarke taageero haddee iyagaa yaqaan cidda wax ku darsaneysa. Marka niman qaarna Meles Zenawi wato; qaarna Afawarke cidna wax ku darsan meyso. Teeda kale dadkii Barre-hiiraale wax ka saaray ee dagaalka ku jiray ee ka tirsanaa Kaambbooni iyo Caanoole waxay qaarkood ku biireen Shabaabka. Marka ciddii Axmed-madoobe ballanta la gashay ha u oofiso!

Waxaan Shabaabka ku leeyahay:

· JUNDULLAAHI dirir maaggannoo weerar muhaneysa

· in maxaysatadu daafacdaa waa midaan jirine

· malkhabkeennii soo yeerayey mayl ka carareene

Waxaan ku soo xirayaa:

· inkastaad mataanaha jarteen miiq yar baa haraye



· Macbuudkey na kaalmeynayiyo duul Malaa’igahe



· mitidkiinna sii wada Qudduus maro idiin hoosye



WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM.


SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
WAA AAKHIRU DACWAANAA: SAYUHSAMUL JAMCU WA YUWALLUUNA DUBUR.

"Cabdulwaaxid Khaliif"