Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Jihaadkii iyo Mujaahidkii oo dhanka kale isu rogay by Lugafalaar

Waxaan salaan qiimo badan halkaan ka salaamayaa maamulka iyo akhristayaasha boggan asalama calaykum warraxmatulaah wabarakaatu. Dalka soomaaliya waxaa muddo dheer ka jiray waxa loogu yeeray jihaad iyo ninka fulinaya oo lagu magacaabo mujaahid.


Jihaad waa kan alle uu na faray wax ka soo haraa ma jiraan, kaasina shuruudo iyo tixraac buu leeyahay ,maaha mid lagu danaysto maaha mid lagu aarsado maaaha mid dhul lagu raadiyo maaha mid mansab ama xil lagu doono maaha mid dadka la isku tuso oo magac lagu raadiyo,waa kan kaliya ee lagu difaaco diinta alle iyo dadkiisa islaamka ah.


jihaad waxay soomalidu u aqoonsatay in la laayo qabiil in xukuumada jirta lagula dagaalamo magac qabiil iyo danaysi in gobolo lagu qabsado in lagu xalaalaysto hanti qaran iyo in lagu aarsado.


SSDF, SNM IYO USC waa jabhadihii Soomaaliya dhibkaan u bilaabaye waxay isku magacaabeen mujaahidiin,hadda oo ay ka soo wareegtay 20 sano kudhawaad mid lug go,antahay haddaad la sheekaysato wuxuu ku oranayaa mujaahid baan ahaa dagaalkii noocaas ahaa bay lugtu iiga go,day,Dagaaladii ka dambeeyey ee Hoggaamiye kooxeedyada sidoo kale wuxuu nin walba isu haystaa Geesi soo jihaaday,kan hadda socdana waaba ka daroo dibi dhal oo waaba kiiyoo shaar diimeed la soo gashaday oo weliba aayado quraan ah nin walba uu daliil ka dhiganayo.



Xaaladaha ugu dambeeyey ee Magaalada Kismaayo ka socda waa caddeyn buuxda Axmed madoobe oo ah nin dilaa ah oo weliba maxaabiis dhakhtar ku jirta birta ka aslay ayaa diin wax ku doonaya isagoo wata ciidan gaar ah oo qabiilkiisa ka kooban.



Anigu jihaadka Soomaliya waxaan is leeyahay hadduu bilowday oo dadkii waddaniyadu dhabta ka ahayd baa la wareegaya majaraha islaamiyiinta khaladkoodiina waa la saxayaa,magaca islaamiyiintana waa lagu kala baxayaa xaqa ayaan soo haraya.

Jihaadkii ku wajahnaa dal burburintu wuu soo dhammaanayaa waxaana la bilaabayaa kii dhabta ahaa ee xaqa u hiilinayey,waxaanan is leeyahay Magaalada Kismaayo waa fashiliyaha shaararka diimeed aan ka soo bilaabo xilligii maxkamadaha oo inta Marka iyo Indhacade laga booday loo booday kismaayo iyo Hiiraale,kaasoo dhabar jabkii ugu horreeyey uu ka soo gaaray Maxaakiimtii lixda bilood,waxyaabihii markiiba muujiyeyna ay ugu weynayd Layntii maxaabiista uu Axmed Madoobe laayey,hadda oo ay Magaaladu kaabiga dagaal kale u saarantahayna waa fashil kale oo ay fashilmeen Urruro loo haystay inay yihiin kuwo Diimeed laakiin laablakaca dadku ay la laabkaceen reer hebel ha la laayo mooyee aanayba hoos isaga eegin waxa ay yihiin sida Raaskamboni ama Xisbul Islam.

Mar haddii xaalku halkaa marayo miyaanay kuu muuqan waddani iyo mujaahid waxaa ah ninka aan cidna ku xadgudbin la dulmiyey xaqiina uu ilaah garansiiyey ?miyaanay kii muuqan kii loo samaystay magaca mujaahid oo isagu hadda isu badalay inuu yahay mujaahidka dhabta ah?

Maxamed Siyaad Barre miyaanu ahayn Mujaahid dhab oo loo darsaday dalkana ka hayey xaaraan quutayaal fara badan dalkana miyaanu ka hayn jirin kuwo fara badan oo jecel inay dalka cadow ku soo hoggaamiyaan,miyaa marna la gaarayaa horumarkii uu gaarsiiyey dalka?

Beesha uu ka dhashay Geesigaas waddaniga ah miyaanay ahayn Beel muujisay waddaniyad iyo islaanimo oo iyadoo la dulminaya dulqaadanaysay?haddase miyaanay kuu muuqan xilligii ay Beeshu boorka iska jafi lahayd una istaagi lahayd badbaadada waxa haray dal iyo dadba?




Waxaa ii muuqanaya iftiin cusub oo ay dadkii dalkaan ka naxayey garteen inaan dalkaan loo dhaamin ayna hoggaanka ama jihaad dalka iyo diinta lagu difaacayo ama mid lagu doonayo in la soo celiyo qaranimadii dalka.

jihaadkan cusub wuxuu ka bilowday Magaalada Kismaayo waana lagu kala baxayaa dalkoo idil marka aad eegto hadalada iyo sida wax u socdaan ninkii jihaadba loo samaystay baa jihaadaya maanta, waxayna tusaale u tahay inuu soo dhawyahay waqtigii la kala garana lahaa xumaan iyo samaan,wax walba oo dhacana way caddahay in jihaadka iyo mujaahidka cusubi uu noqon doono badbaadiyaha soomali inta hartay .


wabbilaahi towfiiq

Maxamed Cabdi Shire(lugafalaar)