Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Wararka maanta inta ka akhriso-Arbaco

Aagaga ay wada joogaan maleeshiyadka Xisbul islaam iyo Shabaab ee Muqdisho oo caawa dhiilo iyo kala bax laga dareemay



Aagaga dagaal ee ay wada jogaan maleeshiyaadka Xsibul islaam iyo Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemay dhiilo iyo kala shaki.


Deegaanada W/Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Shibis iyo Yaaqshid oo ay kawada dagaal galaan labada maleeshiyo caawa waxaa laga soo sheegay in ay kala fogaadeen kadib hadaladii ay hogaamiyayasha labada dhinac isku dhaafsadeen dhinaca warbaahinta.


"Waxaan daganahay Beexaani waxaa gurigeyga dhufeyso ku lahaa Xisbul islaam galabtey naga guureen Shabaaba noo soo dagay ma aqaan sababta " ayay tiri haweeneydaas.


Dhinaca kale aaga Xararyaale waxaa caawa faarujiyey maleeshiyaadka Shabaab lamana oga sababta , waxaase loo badinaa arimaha taagan.

Idaacada Warsan Baydhaba oo la xiray kadib markii ay tabin weysay aadaanada Masaajidyada Baydhaba



Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa maqribki irdaha isugu dhuftay idaacada madaxa banaan ee Warsan , waxaana xarigeeda loo aaneyey markii ay tabin weysay aadanada masaajidyada Baydhaba.


Maleeshiyada aya xariga idaacada kadib waxaa ay horey u sii wateen agaasimihi idaacada Warsan Baydhaba Hilaal Shaceyb iyo wariye Max'ed Cadaawe oo aan la aqoon halka ay la aaden.

Dhinmaca kale Waxaa jiray kulan shalay Maamulada Idaacada Kismaayo iyo kan Al -Shabaab ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo taasoo looga hadlayay in xiliyada aadaanka salaadaha Idaacaduhu ay xariir la sameeyeen Masaajidada Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in Idaacada Warsan cilida dhinka Taleefanka ay maanta u suurta galin in ay la xariiraa Mu’adanada Masjidyada Baydhabo taasoo keentay in isla galabta albaabada loo laabo Idaacada.

Talaabada lagu xiray idaacada Warsan waxaa ay qeyb ka tahay caburinta ay saxaafada ku hayaan dhinacayada siyaasada Soomaliya.