Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Maxay ummadda Soomaaliyeed u qabteen Maxamed A. America iyo Cumar Faaruuq by:Tafatiraha Shabadda Dayniile


Inta badan waxaa la arkaa in Warbaahinta qaarkeed ay weerar qaawan oo cilmi aan ku dhisneen inay ku qaadaan Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Mr Cali Ameriko iyo Cumar faaruuq oo ah Madaxa caalamka u aqoonsan yahay hormuudka Saxafiyiinta Soomaaliya. Hadaba waxaan qormadaan gaaban ku eegeynaa maxay Maxamed Cali Ameeriko iyo Cumar Faaruuq u qabteen ummada Soomaaliyeed.



Dhab ahaan, waxaa marag madoonto ah in Siyaasiga Maxamed Cali Americo oo haatan ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya daka Kenya oo yahay nin aqoon yahan ah oo qurbaha wax ku soo bartay, uuna Afrika ugu soo laabtay sidii uu wax u qaban lahaa Ummada Soomaaliyeed oo mareysa Xaalad aad u xun, ka dib Maxamed Cali Ameriko waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya taasoo wax badan oo la taaban karo u tartay Ummada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu u qabtay ummadda Soomaaliyeed-na waxaa ka mid ah isagoo si weyn u garab istaagay dad-ka taagta daran ee Soomaalida ee u baahan wax qabadka sida wax qabad xaga caafimaad ah, taasoo la dhihi karo tiro badan oo Dad Soomaiyeed ah ayuu u sahlay inay helaan daaweynsax oo qaarkood loo qaaday Qaaradaha Yurub iyo America, taasoo si weyn ay ugu ammaanaa Soomaalida oo dhan.

Sidoo kale, Ambassador Maxamed Ali America waxaa uu dowr weyn ka cayaaray sidii beesha Caalamka ugu dhaadhicin lahaa in dhaliyarada Soomaaliyeed aysan wada ahayn burcad badeed, xitaa waxa uu sameeyay inuu soo daayo misana furdaamiyo dad ajanibi ah oo afduub ahaan loo haystay taasoo ummada Soomaaliyeed u soo hoywsay sharaf weyn, waxayna hoos u dhigtay fikirka xumaa ee laga qabay Soomaalida ah.

Mr Maxamed Ali America Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi waxa uu safaarada Soomaaliya ka dhigay mid tayo leh oo ay ka haybaystaan shisheeyaha, taasoo keentay in had iyo jeeraale diblomaasiyiinta caalamka inay la soo xiriiraan Maxamed Cali Americo, sidoo kale Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee socod baradka ah ayaa waxaa Protocol –lada u sahla Mr Maxamed Cali America, waxaana dhacda inuu ku xiro Diplomaasiyiinta Caalamiga ah ee fadhiya Nairobi. Waxa aintaas sii dheer in Mr Americo in uu hay'adaha caalamiga ah uu kala hadlo arimaha Soomaaliya taasoo wax weyn tarya ummada Soomaiyeed. Sidaas darteed waxaa la oran karaa in Mr Maxamed Cali Americo uu qabtay howlo aysan qaban madaxda Sare ee Xukuumadaha Soomaaliya soo maray gaar ah kuwii burburka ka dib la dhisay.


Dhan-ka kale Cumar Faaruuq oo ah Hogaanka sare ee Hay'ada ugu sareysa Daladaha Saxafiyiinta Soomaiyeed, ayaa ah Madaxa kaliya ee haysta aqoonsi beesha Caalamka, sababtoo ah si weyn ayaa looga haybaystaa, isaga ayaana lagu soo dhaweeyaa shirarka bahda Saxaafada ah ee ka dhaca dunida.

Sdioo kale Cumar Faaruuq ayaa Bahda Saxaafada Soomaalida u qabtay howlo aysan waligood ka helin wasaarada Warfaafinta Soomaalida, tusaale ahaan Cumar Faaruuq bahda Saxaafada waxa uu u soo dhameeyaa Seminaaro wax ku ool ah o aqoontooda kor loogu qaadayo, iyo waliba waxa uu u soo dhameeyaa meelaha ay ka helin karaan magan galyada gaar ahaan Saxafiyiinta ay la soo dersito baqdin xaga shaqadooda ah, taasoo si weyn ay ugu amaanaa guuud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan.

Hayeeshee beryahaan waxaad arkeysaa in qaar ka mid ah warbaahinta qaarkeed ay baahiyaan warar kutirikuteen ah oo ka dhan ah Cumar Faaruq iyo Maxamed Cali Americo ka dib markii ay ka waayeen wax ayaaga si shaqsi ah u rabaan taasoo aan ogolaanaynin Damiirka wadaniyada ku dheehan sida Cumar faaruuq iyo Maxamed Cali Americo, sababtoo ah warar aan ka helay dad xog ogaal u ah labadan Masuul ayaa I sheegay inaysan marnaba ku dhaqaaqi Karin Nin-tooxsi iyo wax is dabo marin, ayna ka diideen saxafiyiin qaarkood taasoo sababtay in laga fido borobogaando ka dhan ah labadooda.

Isku soo duub waxaa la dhihi karaa Maxamed Cali Ameriko Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya iyo Cumar Faaruuq oo ah madaxa Hay'ada ugu sareysa saxafiyiinta Soomaaliya inay yihiin laba aqoon yahan oo u heelan wax u qabad-ka ummadooda, taasoo ka marqaati ah in sahacka Soomaaiyeed ay qireen garab istaagooda buslahada Soomaiyeed.



Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com