Search This Blog

Friday, July 11, 2008

Warbixin ay daabacday Wargeyska Al-xayaat ee ka soo baxa Caasimadda dalka Britain ee London, cadadkiisa maanta ayaa wax ka qoray Warbixin ay Hoggaamiy



Cajallad cusub oo Muuqaal ah oo ay Mu'asasadda Warbaahinta ee Al-saxaab ee taabacsan Ururka Al-qaacida ku soo bandhigtay Website-kooda in Taliyayaal ka tirsan Ururkaasi oo lagu kala magacaabo Abuu Xasan, Mustafa Abuu Al-yaziid (Sheekh Saciid), Khaalid Al-xabiibi iyo Abuu Khaliil Al-maddani ka mid ahaayeen Dagaalyahannaddii Al-qaacida ee ka qeyb galay Hawlgalladdii dagaal ee sannadihii 90-aadkii Ciiddamaddii UNITAF-UNOSOM iyo Dagaalyahanno Soomaali ah ku dhex maray magaalladda Muqdisho.


Cajalladda Muuqaalka ee lagu soo bandhigay Website-ka Al-saxaab iyo kuwo kale ayaa lagu muujiyey inay qaar ka mid ah Taliyayaashaasi ku shahiideen Hawlgallaaddii ka dhacay magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galay Hawlgalkii lagu soo riday labadii Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca ee Black Hawk oo ay Dagaalyahannaddu soo rideen sannadkii 1993-kii.Cajalladda, waxaa si gaar ah loogu soo bandhigay burburkii Diyaaradahaasi oo ku soo dhacay Degmadda Wardhiigley iyo maydadkii askartii Maraykanka ee lagu jiidayey Waddooyinka magaalladda Muqdisho.


Abuu Xasan oo isagu sheegtay inuu hawlgalkaasi ka qeyb galay, ayaa sheegay inay haweenka iyo carruurta ku qoslayeen Ciiddamadda Marykanka ee khasaaraha loo geystay, isla markaana ay Ciiddamadaasi ka codsanayeen dadka rayidka inay badbaadiyaan, waa sida uu hadalka u yiri.


Wargeyska Al-xayaat, waxa kaloo Warbxiintiisa lagu xusay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Taliyayaal iyo Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-qaacida ka hawl-galaan gudaha dalka Somalia, waa sida uu Wargeysku qoray, wuxuuna xusay in Taliyihii geeriyooday ee xubinta ka ahaa Al-qaacida, Abuu Xafsa Al-masri u yimid Somalia si uu u maareeyo Hawlgalladdii ka dhanka ah Ciiddamaddii Maraykanka, wuxuuna tababar siiyey Maleeshiyooyin Soomaali si ay isaga caabiyaan Milliterigii Maraykanka.

Dhinaca kale, Taliyaha lagu magacaabo Abuu Xasan oo ka qeybgalay Hawlgalladdii Milliteriga Maraykanka lagula galay magaalladda Muqdisho, ayaa Wareysiga uu siiyey Website-ka Al-saxaab ku sheegay inuu Hoggaamiyaha Ururka Al-qaacida, Sheekh Usaama Bin Laadin go'aansaday inuu xiligaasi tiro dagaalyahanno ah u diro dalka Somalia , si ay ula dagaalamaan Ciiddamaddii Maraykanka ee dalka Somalia u tegay si ay dhulka u fasahaadiyan, waa sida uu Taliyahaasi yiri.


"Waxaan dhowr jeer u ambabaxnay dalka Somalia, waxaana uga qeyb galnay dhowr jabhadood, siiba dagaallo ka kala dhacay magaallooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo gobo kale oo ay xitaa Ogaadeeniyo ku jirto" ayuu yiri Taliyahaasi Abuu Xasan.


Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu shegay inay Dagaalyahannadda Al-qaacida isku qeybiyeen Kooxo, iyadoo ay Kooxo aadeen Koonfurta Somalia ilaa dhulka Ogaadeeniya, halka ay Koox kalena u ambabaxeen Xeebaha Somalia, siiba Magaalladda Muqdisho ilaa Baraawe, halka Koox kalena aaday Xeebta Raas-kambooni ee Koonfurta Somalia.Sidoo kale, Abuu Xasan, waxa uu sheegay inuu doorkooda ahaa sidii dagaalyahannadda Soomaalida loo tababari lahaa, iyo inaan hoggaamino Hawlgalladda ka hanka ahaa Ciiddamadda Maraykanka ee ku sugnaa gudaha dalka Somalia.


Si kastaba Warbixintaan ayaa ah mid ku soo aadaysa xili Xubno saraakiil ah oo ka tirsan Ciidamada Ciraaq dhawaan shaaciyeen in Kooxaha Ururka Al-Qaacida ka soo firxadeen dalka Ciraaq isla markaana soo aadeen wadamo ay ka mid tahay soomaliya si ay dagaaladooda uga sii wadaan.
Banaadir Post
Xamar Cade.