Search This Blog

Friday, July 11, 2008

Geeridii Marxuum C/qaadir Yaxye, weli xusuus ayay nagu tahay dhamaanteen ama inta wanaagsan


Seddex sano ka hor xalay oo kale ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan gurigiisa ku dileen marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga CRD.


Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ka tegay xusuus aysan hilmaamin Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ah kaalintii uu ku lahaa u ololeynta nabadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga shaqeyn jiray sidii loo soo celin lahaa Nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.


Hadallo uu ka jeediyay Shirar badan oo uu ka qeybgalay ayuu ka sheegay hadallo weli taagan oo ku aadan Dhibatada Soomaaliya ka jirta haddii ay ahaan lahayd dilalka, xaalufinta lagu hayo kheyraadka dalka iyo weliba sida uu dalka Soomaaliya dhul, cir iyo bad uu u noqday mid laga isaga tallaabiyo waxyaabo sharci darro ah.


Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayuu sheegay in ay lacag aad u badan Qaad uga bedeshaan Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya lacag aad u badan ugu bedesho dadka Soomaaliyeed hub, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka Soomaaliya noqday meel la isaga gudbiyo waxyaabo sharci darro ah oo ay daroogada ka mid tahay.


Runtii C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa Nin wax badan ku baraarujin jiray Dadka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay ogaadaan wixii dhibaato ugu jirto iyo wixii u faa’iido ah, wanaaggaas uu Umadda u sheegayay dartiis ayaana loo dilay, sida ay sheegeen Dad badan oo ka qeybgalay aaskiisii oo dhacay 11-kii July 2005.


“Magaalada hadda aan joogno ee Muqdisho dadka ayaa la dilayaa, Soomaalida dhaqan iyo caado uma lahayn in ninka wax dila uu dadka iska dhexmaro qof la hadlana aysan jirin, dadkiina dad nool oo sharaf, diin, dhaqan iyo caado leh waaye, waxba kama duwana marka dhurwaa intuu Ri’ iska qabsado iska dilo oo halkaas iska maro, Dadka waa ka sheekeynayaan dhibaatadaas waxba kama qabanayaan, dadkaas annaga ayaa ka mid ah, idinka ayaa ka mid ah, kuwa naga maqan ayaa ka mid ah, Dad badan oo Diinta iiga fiican ayaa idinku jira, Soomaaliya xaaladdeeda waxay taagan tahay Aleysa Minkun Rajulun Rashiidun, mala waayay hal nin oo fiican oo idinka mid ah”


ayuu ka yiri C/qaadir Yaxye Dood wadaag looga hadlayay Xal-u-helidda Mushkiladda Soomaaliya, taasi oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda CRD.Waxaa xusid mudan in ay sii socdaan waxyaabihii uu marxuum C/qaadir Yaxye ka digi jiray ee ay ugu horeeyeen dilalka dadka aan waxba galabsan loo geysanayo, kuwaasi oo kuwii ugu dambeeyay loo geystay Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale,


Guddoomiyihii Guddiga Taakuleynta Agoonta C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe oo isaguna ganacsade ahaa iyo Cusmaan Cali Axmed oo ahaa MAdaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay'adda UNDP, kumaan kale oo Somali nah 17 sano si ugaarsi ah loogu diley. iyo kuwa ka baxsadey oo dhaawacyo la gaarsiiyay.


Wuxuu ka hadlay C/qaadir Yaxye waxyaabo haddii ay sameyso ay ku guuleysan karto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaas xubnaheeda ay Muqdisho iyo Jowhar kala deganaayeen, wuxuuna sheegay in ay Dowladda guuleysan karto haddii ay la timaado cod dib u heshiisiineed, wuxuuna sheegay in haddii ay cod dib u heshiisiineed oo ka qaldamay Dowladdii Carta ay la timaado ay guuleysan karto, haddii ay la imaan weysana ay guul-darreysaneyso.




sidaas waxaa intii uu noolaa yiri C/qaadir Yaxye oo intaas ku daray in Soomaaliya ay u eedeysan tahay Shacabkeeda, Shacabkeedana ay u eedeysan yihiin amuur aysan iyagu ka arimin.


Marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali isagoo dhibaatada Soomaaliya ka fogaan karay ayuu go’aansaday in uu dhibataada la qeybsado dadka Soomaaliyeed, isagoo uu dhibkii la qeybsanaya ayaana la dilay.


Magaalooyin badan oo ka tirsan Caalamka ayaa maanta waxaa lagu qabanayaa xusas loogu baroor-diiqayo marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo u ololeyn jiray Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha.


Ugu dambeyntii, Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1957, wuxuuna wax ku bartay isla Muqdisho, wuxuu ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Beeraha xiligii Dowladdii hore, Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ka soo shaqeeyay, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay howlgalkii rajo soo celinta ahaa ee UNOSOM II ay Soomaaliya ka waday, wuxuu la soo shaqeeyay Midowga Yurub, wuxuu xubin ka ahaa Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu la soo shaqeeyay Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG), markii ugu dambeysayna wuxuu ka tirsanaa madaxda Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD>


Banaadir Post.