Search This Blog

Friday, July 11, 2008

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo qaaday Baaritaano & Dagaalo dhacay degmada Dayniile

Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaalida ,ayaa maanta qaaday Baaritaano balaaran oo ay la beegsadeen Kooxo looga shakisan yahay in qeyb ka yihiin dadka geysanaya falalka amaan daro.

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa galey Guryo badan oo kuyaala degmada Dayniile ,waxa ayna goobahaasi kala baxeen dad looga shakisan yahay amaan darada ka taagan magaalada Muqdisho ,sida ay sheegayaan Saraakiisha amaanka ee dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

Hadal hayeen uhadlay ciidamadii qaaday baaritaanadan ayaa shaaca ka qaaday in dagaal lugu qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya markii ay galeen Xaafadaasi ay ku dileen 7 qof oo ay uga shakisan yihiin mucaaradka dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow oo wax laga weydiiyay eedeynta loo jeediyay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dadka ay Ciidamada dileen ay ahaayeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, “saaka markii ay Ciidamada galeen Xaafadaha Degmada Dayniile ayay kooxaha nabad-diidka ah rasaas nagu soo rideen, kadibna waxaa toogtay Ciidamada Dowladda”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow.

“Waxba kama jiraan in Ciidamada Dowladda ay dad rayid ah dileen, qaata warka aan idiin sheegayo ee ah in dadka la dilay ay ahaayeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow.



Waxey Hadal hayeenkan wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dad kale oo ay gacanta ku soo dhigeen ,kuwasoo oo uu sheegay in ay qabteen ayagoo wata hubka sida weyn udaadsan Muqdisho ee AK-47 ,oo ay inta badan qaataan Maleeshiyooyinka dalka Soomaaliya.

Afhayeenkan uhadlay dawladda Soomaaliya wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqey in ay dhinacooda soo gaarey Dhaawac qaar ka mid ah ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,balse wuxuu ka gaabsaday in ay uu faahfaahin ka bixiyo tirada dhaawacantey.

Dhinaca kalena qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay dagaalo udhaxeeyey ciidamada Milateriga ee dawladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda ,waxa ayna dagaaladaasi geysteen khasaare iskugu jira dhimasho & dhaawac.
Ciidamada Itoobiya oo dagaalkan ka qeybgalay ayaa lasheegay in ay isku fidiyeen deegaanadii ay dagaaladan ka dhaceen ,waxaana la adag helida xog buuxda oo ku saabsan dagaaladii ay galeen ciidamada dawladda Itoobiya.

Banaadir Post.
Xamar Cade.