Search This Blog

Friday, July 11, 2008



Dhibaatada waa loo adkaystaa markay muuqato dadaal loogu jiro xallinteeda. Soomaaliduse waxay u eg tahay inay ku heshiisay yaan qof inaga harin".


Jahawareerka iyo hoogga iyo ba,a waxaa ka sii daran sida aayuhu u fool xun yihiin. Qofka wanaaggiisa waa loo qiraaye, Raiisul wasaare Nuur Cadde wuxuu muujiyey odaynimo iyo nabad raadin. Wuxuu isku dayey intii awooddiis ah, sida noo muuqata, inuu Soomaalida isu keeno oo wada hadal siiyo. Wuxuu ogaaday inaan Soomaaliya xal kale lahayn in Soomaalidu heshiiso mooyee.


Wuxuu ogaaday in ciidammo shisheeye intay doonaan ha tiro le,ekaadeene aanay demin karin dabka shidan.

Wuxuuse Nuur Cadde noqday nin dhagax la hadlaya. Dowladda uu Raiisul wasaaraha u yahay oo ay ku badan yihiin dagaal-oogeyaal u miciyo lisanaya in dowladdu burburto oo ay hawshoodii laga dhabqiyey meesheedii ka sii wataan, wuxuu kala kulmay eedayn joogta ah oo lagu mija xaabinayo dadaalka uu wado.

Xagga kale kuwa Mucaaradka ee Casmara iyo gudahaba waxay intooda badani toos ugu sheegeen inaysan heshiis rabin. Marmarsiinyahoodu waa waddaninimo iyo diin jaceyl.

Labadaasi waxay noqdeen geed dhiigyocab kastaa ku gabbado si uu u gaaro dantiisa gurracan. Nuur Cadde ma quusan, wuxuuna helay nin Muuritaaniya u dhashay una shaqeeya Qarammada midoobay oo arrinta Soomaalida si walaalnimo u doonaya in la xalliyo.

Axmed Wild Cabdalla wuxuu isku xiray isbahaysiga Casmara iyo Nuur Cadde isagoon ka daalin inuu toban jeer isaga daba ka laabto si uu isugu soo dhaweeyo Soomaalidaas qarriban. Sidaan qabo, nin kale waa ka daali lahaa, laakiin Wild Cabdalla waa lafo diriray. Dadaalkii Wild Cabdalla iyo Nuur Cadde waxaa ka dhashay heshiiskii Jabuuti.


KALA QAYBSANKA ISBAHAYSIGA


Isbahaysiga Casmara way ku qaybsameen heshiis raadinta, kala qaybsankaasina wuxuu salka ku hayaa siday markoodii hore u kala duwanaayeen. Dhammaantod waxay ku midaysnaayeen ka soo horjeedka dowladda ku meelgaarka ah, laakiin wax kasta oo kale way ku kala duwanaayeen.Qaarkood waa niman aaminsan Soomaalidu inay gaalo yihiin oo hadda la baro diinta, si taas loo helana waa inay iyagu talada dalka xoog kula wareegaan.


Qof kasta oo taas hadal ka keena dhiiggiisu waa bannaan yahay.

Itoobiya waa ku gabanayaane, wadahadal marna ma oggola xataa hadday Itoobiya baxdo.

Qaarkood waxay ka socdaan ganacsatada ku naaxday dowlad la,aanta, marna aan oggolaaneyn in dalka dowladi ka dhalato noocay doonto ha ahaatee. Qaarna waa dad dano qabiil wata, kuna hoos gabbanaya diin iyo dal jaceyl. In yar oo isbahaysiga ka mid ah ayaa la oran karaa waa dad Soomaalinnimada iyo muslimnimadu ka dhab tahay, sidaan qabana waa kuwa maanta go,aansaday inay ka qayb galaan wadahadalka oo uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Itoobiya sidii ay rabtay ayaa wax u socdaan, Zenawina ma kala jecla haddii askartiisa oo dhan la laayo. Awalba wuu soo qafaalay, kharashkana Maraykan baa bixinaya. Waa inaan ogaannaa in Itoobiya ay weligeed na xukumayso inta ay Soomaalidu qaybsan tahay xataa haddii ciidammadeedu dalka ka baxaan. Maanta Itoobiya iyada ayaa xukunta Somaliland iyo Puntland, ninkasta oo madax ka ah gobolladaasna markay rabto ayey xirtaa. Sidaa awgeed, haddii itoobiyaaku maanta ciidammadiisa ka saaro dalka weli Soomaaliya Addis abba ayaa laga xukumayaa haddaynaan heshiin.


Dadka marmarsiinyaha ka dhiganaya Itoobiyaan dalka ka saaraynaa taas waa ogyihiin, laakiin dan kale ayey leeyihiin. Haddii Soomaalidu heshiiso Itoobiya maalin dalka ma joogi karto. Weligaa ka maqli meysid dadkaas dagaallamaya waxa ay sameyn doonaan haddii dalka itoobiya laga saaro Waxay oranayaan " taas hadda looma joogo" Waa runtood oo iyagu waxay aaminsan yihiin in marka Soomaalidu isu soo harto in iyagu gacanta sare leeyihiin.


Waxay u dagaallamayaan intooda badani in ay boobaan hantida, daadiyaan dhiigga, degaan dhulkii iyo guryihii ay ka boobeen dadka. Waxay rabaan inay isbaaro dhigtaan jid kasta, kufsadaan gabar kasta, dhoofiyan soona dejiyaan waxay rabaan xataa dadka nool. Qofka qorshahaas wataa wax kasta oo nidaam iyo dowlad la yiraahdo ma oggola.Kaba soo qaad in Itoobiya maanta ciidammadeeda gurato.


Maxaa xiga? Waxaa xiga in Soomaalidu meesheedii ka sii waddo dagaalka sokeeye, qof kasta oo muuqda la dilo, maatadu baaba,do,jid kasta isbaaro la dhigo, dalkuna noqdo meel dadka lagu qasho. Intaas oo ay siidheertahay in Itoobiya weli na xukunto. War Ilaah baan idinku dhaarshaye waxaasi xornimaa Soomalidu waa inay ogaataa qodobbadan aan kusoo koobay maqaalkan;


1) Ka xoroobi maynno Itoobiya inta aan innagu is-haysanno xataa haday ciidammadeeda la baxdo


2) Itoobiya naga adag intaan qaybsannahay


3) Ma jiro urur, qabiil ama koox inta kale xoog ku muquunin karta


4) Ka bixi maynno hooggan jeeraan yeelanno dowlad


5) Si dowlad loo dhiso waa in dabac iyo tanaasul la sameeyaa


6) Qof kasta oo Soomaali ah xaq buu u leeyahay inuu ka qaybqaato talada dalka Sidaa awgeed waa inaynnu adeegsannaa caqliga Ilaah ina siiyey illeyn xoolo ma nihine.



Diinta iIslaamkana yaan la wasakheyn oo lagu bannaysan dhiigga dadka waana in la ogaadaa dad baa la siraaye Ilaah lama siro Wuxuu ogyahay waxa qarsoon iyo waxa muuqda.Dagaal in noogu filan waa aragnaye bal aan eegno waxa dhaca haddii la wada hadlo. Waa bilow wanaagsane aynu taageerno heshiiskii Jabuuti. Waxaa laga yaabaa in Ilaah inaga siiyo dowlad dabka demisa, dalkana u diyaarisa nabad, heshiis, walaanimo iyo dowlad lagu negaado.


WA BILLAAHI TAWFIIQ.



Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi


Kala xiriir:

Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no