Search This Blog

Friday, July 11, 2008

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb [Maxamed dheere] ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilal iyo dagaallo maalmihii



Maxamed Dheere, wuxuu ku eedeeyay dilalka inay ka dambeeyaan kooxda argagaxisada gafuura duubato ee Al-shabaab isagoo sheegay inay damacsan yihiin inay indhaha ka tuuraan shacabka Somaliyed.


"Dilalkii ka dhacay Muqdisho waa kuwo loo geystay dad aad qiimo ugu leh Shacabka Soomaaliyeed gudihiisa, waxaana dilay kooxda gafuurka duubato ee Al-shabaab, gaar ahaan Al-takfiir oo loo sameeyay inay diinta Islaamka ceebeeyaan; waxayna u adeegaan gaalada"

ayuu yiri Maxamed Dheere.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu intaas ku daray inay heleen fariimo arrintaas caddeyn u ah, isagoo daah-rogay in dilalkaas loo geystay ganacsade, gargaare iyo samofale.Muddo bil gudaheed ah ayaa waxaa lagu dilay Muqdisho dad badan oo ay ka mid ahaayeen: Ganacsadayaal kala ahaa Cabbaas Max'ed Ducaale iyo C/kariin Sh. Ibraahim Dhiblaawe; iyadoo laba casho ka hor lagu dilay Muqdisho Madaxii UNDP Marxuum Cusmaan Cali Axmed.


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu iska fogeeyay inay iyagu lug ku leeyihiin dilalkaas, wuxuuna isku difaacay inaysan iyagu dilin dadka kasoo baxa masaajidda, laguse yaqaan arrintaas Ururka argagaxisada Al-shabaab.


Afhayeenka ururka gafuurka duubato ee Al-shaabab Munaafiq Mukhtar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay cambaareynayaan dilalkaas, iyaguna aysan ka dambeyn, isagoo dusha ka saaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federalka waa siduu hadalka u dhigee.


Dhanka kale, Maxamed Dheere oo ka hadlay dagaallada inta badan ka dhaca caasimada ayaa xusay inay yihiin kuwo jabinaya heshiiskii lagu gaaray Jabuuti, iyaguna ay diyaar u yihiin wixii hadda ka dambeeya inay iska difaacaan muqaawamada.


"Waxaan sugaynaa Ra'iisul wasaaraha inta uu dalka uga soo laabanayo, waxaana u bandhigi doonnaa qorshayaal sir ah oo aan ka haynno kooxaha Dowlada Federalka ka horjeeda, innagoo qaadan doona tallaabo ka duwan midda ay qaateen" ayuu yiri Maxamed dheere oo saxafiyiin ku hadlay Muqdisho.


Banaadir Post

Xamar Cade.