Search This Blog

Thursday, July 3, 2008

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo lagu eedeeyay inuu gacan dhaaf ku sameeyay dastuurka dowlada KMG ah ka dib markii uu magacaabay 6 degmo oo cusub

Waxaa soo gaaray shabakadaan Mudugonline eedayn ka timid mid ka mida xildhibaanada baarlamaanka KMG ah oo diiday inaan magaciisa soo xigano. Xubintaas ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dolwda KMG ah inuu ku xadgudbay dastuurka u yaal Somaliya ka dib markii uu u magacaabay degmooyin cusub gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Yuusuf ayaa asbuucaan magacaabay degmooyinka kala ah:

Gobolka Galguduud

1. Degmada Baxdo
2. Degmada Xeraale
3. Degmada
Guriceel &
4. Degmada Ceelgaras

Gobolka Mudug

1. Degmada Col-u-gula
2. Degmada Jowla

Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan madaxweynaha awood u lahayn inuu wax ka badalo tiradii hore ee degmooyinka Somaliya illaa inta la samaynayo doorasho xor ah iyo tirakoob.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu muuqdo madaxweynuhu inuu talabadaas ku qancinayo kooxaha la dagaalaya dowlada oo degmooyinka la magacaabay ay taageerayaashoodu aad ugu badan yihiin. Xildhibaankaas ayaa intaas ku daray in magacaabida degmooyinkaan ay tahay mid siyaasadeed ee aysan ahayn mid ay si gooniya u mutaysteen tuulooyinka degmooyinka loo magacaabay.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha ee dowlada KMG ah ayaa sheegay in aan xafiiskiisa lagala tashan magacaabida degmooyinkaan cusub oo uu sheegay inaysan munaasib ahayn waqtigaan lagu jiro dagaalada dowladuna aysan wali xasilin dalka.

Mudugonline.com