Search This Blog

Thursday, July 3, 2008

Ciidamo xoog badan oo Ruwadees ah oo ku soo fool leh Somaalia.



Kigali :-Waraka laga helayo xarunta wadanka Ruwanda ayaa sheegtay inay Ciidamo Nabad-ilaalin u soo diri doonaan dalka Somalia dabayaaqadda sanadkan, si ay ugu biiraan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Afrikaanka AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada dalka Rwanda, Jill Rutaremara, ayaa sheegay in go'aanka Ciidamada loogu soo dirayo dalka Somalia tahay sidii Ciidamo loogu biiriyo dadaalka Ururka Afrika ee Nabad-ilaalinta ee dalka Somalia.

"Tiradda Ciidamada loo soo daad-gureynayo dalka Somalia, waxa uu noqonayaa go'aan si heer sare loo soo abaabulay, mana dhici doonto dib-u-dhigis dheeraad inay lagu sameeyo ilaa sannadkan dabayaaqadiisa" ayuu yiri Afhayeenka Milliteriga ee dalka Rwanda.

Sarkaalkaasi, waxa kaloo uu tilmaamay inay weli jiraan dhibaatooyin dhinaca Loojistikadda oo u baahan in la xaliyo.

"Ciidamada dalka Rwanda si buuxda ayey ugu diyaar-garoobeen, loona tababaray sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Hawlgalada Nabad-ilaalinta ee laga fulinayo dalalka Afrikaanka ee ay colaadaha ka socdaan iyo qeybaha kale ee Caalamka" ayuu sii raaciyey Afhayeenka Ciidamada dalka Rwanda, Jill Rutaremara
Dhinaca kale, Waa markii ugu horreysay oo Sarkaal Sare oo ka tirsan Milliteriga dalka Rwanda si rasmi u shaaciyo inay Ciidamo u soo dirayaan dalka Somalia ee ay colaadaha ragaadiyeen.

Ururka Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay Dowladaha Afrikaanka inay Ciiddamo ku soo biiriyaan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ka hawlgelayo dalka Somalia AMISOM, inkastoo ay inta badan Dowladahaasi ka gaabiyeen inay Ciidamo u soo diraan dalka Somalia, marka laga reebo Dowladaha Ugandha iyo Burundi oo iyagu ku dhawaad 2,600-Askari u soo diray Magaalo-madaxda Somalia ee Muqdisho.

Banaadir Post.
BanaadirPost@gmail.com