Search This Blog

Thursday, July 3, 2008

Ciidamada Nabad ilaalinta Itoobiya oo afka u jooga B/Weyne iyo kuwii Maxkamad Beeleedka oo isaga cararay

Wararka naga soo gaaraya gobolka hiiran ayaa waxay sheegayaan in Barqanimadii saakay ay ciidamada Nabad ilaalinta Itoobiya ee ku sugnaa Kala Beyrka oo ka tirsan degmada Baladweyne ay u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada, iyadoo bannaanka magaaladana ay difaac xoogan ugu jireen Maxkamad beeleedyo laga soo amaamuray gobolka Galgaduud, halkaasi oo dagaal xoogan uu ku dhex maray labada dhinac.

Wararka laga helayo Baladweyne ayaa sheegaya in haatan ciidamada nabadilaalinta Itoobiya ay qarka u saaran yihiin afka hore ee magaalada Baladweyne oo ay ka awood roonaadeen Maleesiyaadkii Maxkamad Beeleedyada.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maleesiyadii Maxkamad Beeleedyada ay isaga soo carareen difaacii ay ku jireen markii ay dhagahooda xamili waa yeeyeen daryanka madaafiicda ku dul hoobaneysay waxayna u soo dhaqaaqeen dhinaca Beer Xano ee xiga Buule Burde ee Gobolka Hiiraan walina waa lagu daba joogaa.

Maleesiyada Mxkamad Beeleedka ayaa isku dayey in ay iska daafacaan ciidamada Nabad ilaalinta Itoobiya ee u soo ruqaansaday magaalada Baladweyne kuwaasi oo doonaya in ay fariisin ka dhigtaan Buurta Janta Kuwindishe balse laga awood roonaaday Maxkamad beeleedkii .

Wariyaha Abaadiroow ee gobolka Hiiraan ayaa wuxuu inoo sheegay in ciidamada Nabadilaalinta Itoobiya ay hadda ku sugan yihiin duleedka magaalada Baladweyne iyadoo ay doonayaan iney gudaha u soo galaan Baladweyne, ugana gudba Janta Kundishe.

Banaadir Post.
Xamar.